Shirarkii Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID Oo Si Habsami Leh Uga Socda Caasimadda Hargeysa Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Qayb Mihiim Ah Ka Ciyaaraya Kulamadda.

0
Thursday June 10, 2021 - 18:17:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirarkii Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID Oo Si Habsami Leh Uga Socda Caasimadda Hargeysa Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Qayb Mihiim Ah Ka Ciyaaraya Kulamadda.

    Shirarkii Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID Oo Si Habsami Leh Uga Socda Caasimadda Hargeysa Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Qayb Mihiim Ah Ka Ciyaaraya Kulamadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirarkii Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID Oo Si Habsami Leh Uga Socda Caasimadda Hargeysa Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Qayb Mihiim Ah Ka Ciyaaraya Kulamadda.
Hargeysa (Xogreebnews)- Shirarkii Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka WADDANI Iyo UCID ee maalmihii u dambeeyey ka Socday Magaaladda Hargeysa, ayaa si fiican u socda Waxaana shirarka Labadda Xisbi Mucaaridka Kusoo Biiray Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.
Kulan Balaadhan oo ay Labadda Xisbi ku Yeesheen Hargeysa, ayaa Waxa kasoo qaybgalay Maxamuud Xaashi Cabdi oo saamayn Weyn ku leh Xildhibaannadda beeshiisa ee ka soo baxay Labadda Xisbi Mucaaridka. 
Labadda Xisbi Ee WADDANI Iyo UCID, ayaa helay Aqlabiyadda Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaannadda Dalka Somaliland oo Dhan Waxaanay ka shirayaan Sidii ay u qaadan Lahaayeen Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland Iyo Maayaradda Magaalooyinka Dalka oo Dhan.
Shirkan Maanta dhexmaray Guddida Isbahaysiga ee Labadda Xisbi Mucaaridka Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan Saxaafadda loo Ogolayn, Ayey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID, ayaa Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net u xaqiijiyey Inuu daarnaa xoojinta Heshiis Rasmiya ah oo ay Xisbiyaddu gaadhaan Iyo Inuu door Aad u Mihiim ah ka yeesho Kulamadda Xisbiyadda. Iyadoo Aqlabiyadda Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda ee Labadda Xisbi ka heleen Doorashaddii dalka dhacday 52 Xildhibaan ay diyaar u yihiin Doorashadda Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda oo ay Labadda Xisbi kala qaybsanayaan.
Waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ay Xisbiyadda u soo xuleen Inuu Noqdo Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Halka Xisbiga UCID uu qaadanayo Labadda Guddoomiye Ku Xigeenka Ee Baarlamaanka.
Dhanka kale, Isbahaysiga Aqlabiyadda Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID, ayaa guulaystay Aqlabiyadda Xildhibaannadda Golaha Deegaanka Degmadda Berbera Iyagoo Isku raacay sagaal Xildhibaan Doorashadda Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenka Berbera oo ay u dooran doonaan Maxamed Ibrahim Dable Iyo Aadan Dheere.
Caasimadda Hargeysa, ayaa Sidoo kale ay Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID kala qaybsan doonaan, Iyadoo Hadda hawshaasi gabagabo tahay, Waxaana la filayaa in loo kala Doorto Cabdikariim Axmed Mooge Iyo mudane Xisbiga UCID ka soo Baxay.
Geesta kale Waxa Magaalooyinka Dalka Ee Ceerigaabo, Boorama, Burco, Laascaanood ayey Sidoo kale Labadda Xisbi Kala qaybsan Doonaan.
UGU dambayn Xukuumadda oo uu xisbigeedda KULMIYE Lagaga adkaaday Doorashooyinkii, ayaa Weerar cir Iyo dhul ku haysta Xisbiyadda Mucaaridka Iyadoo doonaysa inay kaxaysto Xildhibaanno Mucaaridkaa si ay Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda ugu hesho Faratoon oo ay Guddoomiye la doonayso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured