Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Siciid Xasan Waxay Geed-dheer iyo Mid Gaaban u Koreen Horumarinta Dekedaha JSL, Waxqabadkooduna Waa Mid Sida Cad-ceeda u Muuqda!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

0
Friday June 11, 2021 - 05:54:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Siciid Xasan Waxay Geed-dheer iyo Mid Gaaban u Koreen Horumarinta Dekedaha JSL, Waxqabadkooduna Waa Mid Sida Cad-ceeda u Muuqda!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Siciid Xasan Waxay Geed-dheer iyo Mid Gaaban u Koreen Horumarinta Dekedaha JSL, Waxqabadkooduna Waa Mid Sida Cad-ceeda u Muuqda!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Siciid Xasan Waxay Geed-dheer iyo Mid Gaaban u Koreen Horumarinta Dekedaha JSL, Waxqabadkooduna Waa Mid Sida Cad-ceeda u Muuqda!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Dekeda Berbera waxay sanooyinkii u dambeeyey ahayd mid nasiib u  heshay maamul wanaag iyo jidka horumarka, isla markaana samaysay tisqaad iyo guulo-waaweyn oo dhinacyo kala duwan ah. Qormadeenan  waxaynu si kooban ugaga hadlayna Masuuliyiinta ku suntan Guulaha Dekeda Berbera gaadhay iyo Xukuumada ku suntan.
Hase-yeeshee waxaynu ku horaysinaynaa waa maxay shaqada Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi?. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waa masuul waxqabadka iyo isku karto, daacadnimo isku darsaday, isla markaana sadexdii sanno ee u hayey Maamulka Haayada Dekedaha Somaliland gaadhsiiyey Dekeda Berbera horumar micjiso ah, iyadoo Dekeda yaryar ee dalkana ku hawlan inuu dib u dhis ku sameeyo, isla markaana uu raadiyo Mashaarico Horumarineed.
Maxaa looga baahan yahay ama'se ay tahay Shaqada Maareeyaha Dekedaha?. Waa masuul shaqaale-dawladeed ah, waxayna shaqadiisu tahay maamulida Dekedaha, sharciga Shaqaalaha dawladduna uma ogola inuu ku milmo oloolayaasha Xisbiyada. Sidoo kale Hantida umada Somaliland ee u masuulka ka yahay, waa mid Marta nidaamka xisaabaadka dawlada, Xukuumada Somaliland ee u gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku hawlan tahay casriyeynta iyo Horumarinta Dekeda Berbera si ay u noqoto mustaqbalka dhow mida ugu saxmada badan Dekedaha geeska. Sidaas daraadeed dhaqaalaha Dekeda waa mid lagu horimariyo, balse  awooda Masuuliyadeed ee Maareeyaha Dekedaha iyo mida dhaqaale ee Dekeda Berbera maha mid sidii waqtiyadii hore ku baxaysa goobaha aan looga baahnayd ee dib u dhaca ku ahayd Bulshada Berbera.
Dekeda Berbera waxay nasiib u heshay maalgelin caalamiya iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Wakiil uga yahay Maareeyaha Dekedaha oo u hagar-baxday, kuna mashquulsan sidii ay u kobcin lahayn kaabayaasha dhaqaale ee dalka, oo ay ugu horayso Dekedaha iyo goobaha dakhli soo saar, maadaama oo ay Somaliland tahay, dal aan lahayn wax soo saar, isla markaana caalamku siinin aqoonsi, sidoo kalena ah wadan israatiijiya, balse ay ku socdaan dagaalo Siyaasadeed oo dhowr jiho kaga imanaya.
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay, waxay ku hawlan tahay dhaxal iyo waxqabad mug leh oo ay u aayaan mustaqbalka dhow umada Somaliland iyo day'yarta, waxanay dhexda u xidhato horumarinta Dekedaha Somaliland, oo ay ugu horayso Dekeda Berbera, isla markaana ay ku xigeen Dekedaha kale ee yaryar, maalingelinta ay ku samaysay Shirkada DP World, Dekeda Berbera may suuro-gasheen hadii aanay Xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi talada hay, isla markaana aanu Dekeda Berbera Maareeye ka ahayn, maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, oo mudadii uu xilka hayey sameyey horumarka baaxada leh ee dhinacyada Dekeda oo dhan, isla markaana hirgelinta Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera u fuulay geed-dheer iyo mid gaaban, kaasoo aakhirkii hada ku guulaystay, waxana hada ay Maraysa Dekeda Berbera mid dhamaatay 95%.


Dekedii hore ee Berbera, waxay noqotay mid iyadana lagu sameeyey horumarka baaxada leh, iyadoo kor loo qaaday aqoonta Shaqaalaha, dhinacyada badda ee soo xidha Maraakiibta iyo guud ahaanba hawlwadeenada. Sidoo kale, waxay Dekeda Berbera nasiib u heshay inuu Maareeyaha Dekeduhu soo Iibiyey laba Taag bout oo Casriya, kuwasoo soo xidha hada Maraakiibta waaweyn iyo wax kasta oo looga baahdo gaadiidka Badda. 
Waxa kale, oo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ku shaqaynaya Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uu ku guulaystay inuu Dekeda Berbera usoo ibiyo Doon Casriya, Kuwasoo ay raacan Bayloodada ka hor taga Maraakiibta, doontaas oo ay ka babanayaan calanka Jamhuuriyadda Somaliland. 
Waxa kaloo kamid ah Guulaha iyo horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera sadexdii sanno ee u dambeeyey Dhismaha Casriya ah ee loo dhisay Dekeda Berbera oo ka kooban xafiisyo tiro badan iyo hoolal lagula shiro cid kasta ama lagu qaabilo. Waxa kaloo xusid mudan in si weyn oo waax-waax ah loo aqoon korodhsi loogu sameeyey Shaqaale-weynaha Dekedaha Somaliland gaar ahaana hawladeenada Dekeda Berbera. 
La soco qaybaha dambe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured