Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Bogaadiyay Warbaahinta Online-ka ee Website-yada Kaalintii Ay Ka Qaateen Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay.

0
Saturday June 12, 2021 - 18:46:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Bogaadiyay Warbaahinta Online-ka ee Website-yada Kaalintii Ay Ka Qaateen Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay.

    "Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed, hadday TV-yo yihiin, iyo hadday Website-yo yihiin…." Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed, hadday TV-yo yihiin, iyo hadday Website-yo yihiin…." Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay warbaahinta Somaliland kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-ka May 2021.
 Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka, waxa uu warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka togan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka oo uu sheegay inay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.


"Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta.Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada adeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay kuwii Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Mareegaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa waxay ku midaysan yihiin Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland_Online_Media_Association (SOMA), oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen.
Warbaahinta Onlineka ah (Websites-ka), waxa ay kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga muraayadeed ee dunidda ka dheehato xaaladaha kala duwan ee gudaha Somaliland ka jira.
Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay qaabka ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada, waxaanu si gaar ah ugu ammaanay inay hirgeliyeen nidaam ku cusub hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey hawl-wadeennadii loo xil-saaray hawsha doorashooyinka oo badankooda laga soo dhex-xushay Ardayda Jaamacadaha dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay muujiyeen hufnaan iyo karti ay ku guteen hawsha qaran ee loo xil-saaray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured