Wales Online Oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii Somaliland ka Qabsoomay.

0
Saturday June 12, 2021 - 19:21:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wales Online Oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii Somaliland ka Qabsoomay.

    Wales Online Oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii Somaliland ka Qabsoomay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wales Online Oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii Somaliland ka Qabsoomay.

Hargeysa(Xogreebnews)- Warsidaha Wales Online ayaa  qoray in Doorashooyinka ka qabsoomay  Somaliland ay kaga rajaynayso beesha caalamka inay aqoonsadaan madax-bannaanidooda.

Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay Warbixinta Wales Online oo sheegtay in 8000 oo muwadiniin reer Wales ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ay si weyn ula socdeen doorashooyinkii ka qabsoomay dalkooda hooyo.


Warsiduhu wuxuu sheegay in doorashooyinka  Goleyaasha Wakiillada iyo Dawladaha hoose ee dalku ay toddobaadkii hore a qabsoomeen Somaliland oo soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ku naaloonaysay madax-bannaani aan aqoonsi haysan.


Wales Online wuxuu intaas ku daray in  cilaaqaad xoog leh oo dhinaca taariikhda ahi uu ka  dhexeeyo Somaliland iyo Wales, kaasi oo soo taxnaa ilaa Qarnigii 19-aad xiligaas oo dekedda Cardiff ay ahayd meesha ugu weyn ee loo dhoofiyo dhuxusha isla markaana badmaaxeyaasha Somaliland ay soo la socdeen Maraakiibta Ingiriiska.

Waxa kaloo uu weriyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya oo ay dib ugala soo noqotay madax-bannaanidoodii 1991kii.

Wales Online wuxuu ku tilmaamay Somaliland dal nabdoonaa oo dimuqraadiyad shaqeynaysay ka jirtay illaa 1991kii, waxaanu xusay inay Somaliland tahay  meesha madaxweyneyaasheeda marka laga guulaysto ay aqbalaan natiijada oo ay awooda ku wareejiyaan si xasiloon.

Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay in natiijadii la yeedhiyey ee doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland laga guulaystay  xisbul-xaakimkii, waxaanu intaas ku daray in aanay wax rabshado ahi ka dhicin doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay.

Waxa kaloo uu sheegay in korjoogto ka socotay  Ingiiska iyo 11 dal oo kale oo reer  Yurub ahi ay ka qaybgaleen doorashooyinkii Somaliland isla  markaana ammaaneen   hannaankii doorashadu u dhacday.

Iid Axmed Cali oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Wales ayaa sheegay in doorashooyinku u horseedi doonaan Somaliland aqoonsi ka raagay ee ay u qalanto.

Iid Axmed wuxuu sheegay in murrashaxii doorashada Baarlamaanka ugu codka badnaa oo la yidhaahdo Barkhad Jaamac Batuun  uu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan, taasi ay caddaynayso inay Somaliland jabisay  darbigii qabyaaladda.

Mr. Iid Axmed wuxuu intaas ku daray inay Somaliland muujisay ilbaxnimo isla markaana ay ka caagan tahay kooxaha Argagixisada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured