Wararkii u Dambeeyey Loolanka Maayirnimada Berbera oo Beri Dhacaya iyo Amniga Magaalada oo si weyn loo Adkeeyey...

0
Monday June 14, 2021 - 20:21:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u Dambeeyey Loolanka Maayirnimada Berbera oo Beri Dhacaya iyo Amniga Magaalada oo si weyn loo Adkeeyey...

    Wararkii u Dambeeyey Loolanka Maayirnimada Berbera oo Beri Dhacaya iyo Amniga Magaalada oo si weyn loo Adkeeyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii u Dambeeyey Loolanka Maayirnimada Berbera oo Beri Dhacaya iyo Amniga Magaalada oo si weyn loo Adkeeyey...
Berbera(Xogreebnews)-Amaanka Magaalada Berbera, ayaa si weyn loo adkeeyey waxa la geeyey Ciidamo dheeraad ah, kuwasoo sugaya amniga guud ee Magaalada Berbera. 
Waxana Maalinta Beriya la filayaa inay Magaalada Berbera ka qabsoonto Doorashada Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Berbera degmada hoggaamin doona Shanta sanno ee soo socota.
Xaraarada Loolanka Maayirnimada Berbera ayaa caawa maraya meel sare, waxana socdo shirar iyo xod-xodasho lagu kala jiidanayo Xildhibaanada golaha Deegaanka degmada Berbera, oo ka kooban 13 Xildhibaan.
Hanashada kursiga Maayirnimada Berbera, ayaa waxa u ordaya oo ugu cadcad laba Musharax kuwasoo kala ah Maayirkii hore ee degmada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan 'Cidin' musharax Xildhibaan Maxamed Dable oo  u ka dhex socdo Loolan adag.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku sugan Magaalada Berbera waxanu maalinta Beriya ka qaybgelayaa doorashada Maayirka iyo Maayir ku xigeenka degmada Berbera.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured