"Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood". Siyaasi Cali Guray

0
Monday June 14, 2021 - 22:40:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood". Siyaasi Cali Guray

    "Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood". Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood". Siyaasi Cali Guray
"Todobada degmo ee Grade A waxa loo badinayaa in inta badan ay mucaaridku isku shubtaan oo ay ku guulaysan doonaan Maayaradooda iyo weliba ku xigeenadooda oo dhan. Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood. Taas oo markaa noqonaysa guushii labaad ee Mucaaridku ka gaadho doorashada weliba marka ay isku helaan Hargeysa oo caasimadii ah iyo Burco oo caasimadii labaad ah. In kasta oo Somaliland ay madaxbanaanida Dawladaha Hoose sharci ahaan xadidan tahay hadana lagama filayo in degmooyinka ay maayarada iyo ku xigeenadooduba ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridku ay ku wareegi doonaan xisbul xaakimka. Taas oo keeni karta in khilaafyada golayaasha qaarkood uu si cad u muuqan karo xidhiidhka wada shaqaynta ee ka dhexeeya degmooyinka golayaashooda uu mucaaridku hogaaminayo iyo Dawladda Dhexe aanu sidii hore noqon doonin balse sharciga ayuun baa muhiim ah in loo wada hogaansamo.


Berbera in kastoo mucaaridku ay sheegayaan in ay ku gacan sareeyaan hadana waxa jira ilo wareedyo muhiim ah oo beeninaya waana isla berri hadii Alleh yidhaa waxa ay kala caddaan doontaa".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured