Hiilka Hargeisa Iyo Xal u Helida Howlaha Horyaal Mayorka Cusub. W/Q/Amb.Abbas Ahmed Abbas

0
Tuesday June 15, 2021 - 19:06:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiilka Hargeisa Iyo Xal u Helida Howlaha Horyaal Mayorka Cusub. W/Q/Amb.Abbas Ahmed Abbas

    Hiilka Hargeisa Iyo Xal u Helida Howlaha Horyaal Mayorka Cusub. W/Q/Amb.Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hiilka Hargeisa Iyo Xal u Helida Howlaha Horyaal Mayorka Cusub. W/Q/Amb.Abbas Ahmed Abbas
Iba Furka Maqaalka -  tanaasulka mayorkii hore cabdiraxmaan maxamuud Caydiid waa dheego tuduca hoose -
Alalaaska beenta ah ninkii uubateyn jiray
 Abtirsiimadiisuu ilduuf kaga idleystaaye 
Inshaarooyinkiisuu ibleys kuba ilhaanshaaye 
Afuraayda waa oohintii eexda noqon weyday.
Waxaan marka hore bogaadinayaa dhalinyartii, waxgaradkii iyo waayeelkii reer Hargeysa ee u hiilayay caasimada qaranka JSL, waxay ahayd ayaan roon iyo iftiin waa u baryey hambaaburka Hargeysi ku baraarugtay cod dheerna ku sheegtay in caasimadu hiil u baahan, shacabkeeduna ajiibeen su’aashi togneed ee ka timid mid ka mid ah dhalintii dhaxalka u lahayd kana dhiidhiday hagardaamooyinka Hargeysi mudada 13ka sano la dalaadhacaysay, kana tuujiyey maskaxdiisii irmaanayd garasho xeel dheer iyo garowshiyo togan. 
Hadaba arinta xiisaha leh ayaa ahayd markii uu ku hadaaqay Mooge dhalinyarooy Hargeysi hiil bay rabtaa. Cabdikarim Axmed Mooge Liibaan waa curadkii hadaanan qaldanay halgamaagii, fanaankeenii, iyo hal abuurkii ala ha u raxmadee muj. Axmed Mooge Liibaan lana dhashay Muj, Maxamed Mooge Liibaan mu’alif, mufakif iyo muunad dadka soomaaliyeed ku lahaa magac iyo maamuus Allaaya raxme labada.


Waa gob-gobi dhashay qoys magac iyo maamuus intaba alle ku manaystayna ka soo jeeda sidoo kale waa mid ka mid ah hal adayga iyo gidaarada xadiidka ah ee aan la jabin karin mudo labaataneeyo sano ahna maankiisa, maalkiisa iyo muruqiisaba u huray ladagaalamka qabyaalada,qaranjabka iyo qoqobka qoomiyadeed ee halakeeyey bulshada reer Somaliland.
Cabdikariin hadaan yidhaa maanta dhan ka sheekeeya maaha mid aynu ka gayooneyno taariikhdiisa maangalka ah balse waxaynu ka tilmaamaynaa midhadh kooban oo hadal qoraaleed ah.
Cabdikariim waa da’dii dhalatay hilaadii 1974kii siduu wareysi uu siiyey mar uu ka hadlayey isbahaydiga xisbiyada mucaaradka bayaan ay soo saareen ayuu  ku sheegay in ay dadiisu tahay 47 jir, Wuxuuna ku dhashay magaalada Hargeysa ee caasimada u ah Somaliland iyo xaruntii looga arimin jiray gumeystihii ingiriiska maxmiyadii British Somaliland, kuna barbaaray waxbarashadiisana ku qaatay malcaamad quraankiisii ilaa heer jaamacadeed isagoo ku qaatey shahadaada labaad culuumta maamulka iyo maareynta, 
Cabdiariin wuxuu ka soo shaqeeeyey ururada samafalka sida hayada wadaniga ah ee havayoco oo uu ahaa tiirarkii dhidibada u aaasay imikana nusdanbeedka ururkaas, wuxuu iyadna xilal dhowr ah ka soo qabtay dowladahii dalka u kala danbeeyey sida dowladii madaxweyne Axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo uu ka ahaa wasiir kuxigeenkii wasaarada kaluumeysiga mudo kooban markuu joogayna wuu iska casilay isagoo isugaran waayey xilkaa, 

Mudadii danbana ahaa siyaasi madaxbanaan kana shaqeyn jiray arimaha toosinta iyo tusaalaynta xukuumadihii u kala danbeeyey dalka, aadna dadku u jeclaysan jireen garashadiisa iyo gorfayntiisii toosinta iyo tudhaaluhu ku dheehneyd, intii uu howshaa ku jiray cabdikariin markaliya ayuu dalka dibadiisa u baxay markiina way u cuntami wayday noloshii qurbaha waxaanu ka doorbiday in aanu sii wadin noloshaa dalkiisiina ku laabto.

Ka dib geedigaa dheer wuxuu garowsaday in uu u shaqeeyo mar labaad dadkiisa isagoo ay cajabin wayday noloshii tiilay Hargeysa iyo hiil la’aanta caasimadii uu ku dhashay kuna barbaaray,

Wuxuu isu sharaxay xildhibaan golaha degaanka Hargeysa labadii doorasho ee isu sidkanaa dhawaan wadanka ka qabsoomay golaha degaanka iyo baarlamanka. Isagoo diiday in uu maro wadadii xildhibaanada asaagii mareen ee ay ku matalayeen reerihii iyo qoysaskii ay ka soo jeedeen doorashada laba gole. 
Waxaanu la yimid hal abuur iyo farshaxan hogaamineed oo ka duwan kuwii aynu ka baranay siyaasiyiintii iyo dadkii xilalka dalka u ordi jiray . Oo ahayd arin dad badani u riyaaqeen fajacisana ku noqotay ka dib markii uu ku dhawaaqay in aanu reerkiisa qudha matalin balse Somaliland oo dhan uu matalo qaasatan shacabka caasimada Hargeysa ku dhaqan, kana dhawaajiyey in caasimadooda ay u hiiliyaan mudada saddex iyo tobanka sano baadida ahayd ayna ka ajiibeen baaqiisii ahaa u hiili caasimadaada adigoo ka tagaya xildhibaankaaga iyo reerkiinaba. 

Waxaana arintaa si xifadnimo farshaxamaysan ah uga jawaabay shacabkii Hargeysa una xaqiijiyey cabdikariin xildhibaankii ugu codka badnaa 26299, cod abid tiro intaa leegna qofkii ugu horeeyey ee ku soo baxa waliba ay u codeeyeen dhamaan shacabka Hargeysa, kana cadheysiisay dad badan oo aan ogolayn hiilka Hargeysa dhibaaxo aan la filayna ku noqotay, chapter cusub oo democratic-yadeedna u furtay Somaliland iyo aragtii ahayd reerkiina la’aantood ma soo bixi kartid horseedna u noqotay dhiirashada xaqiijinta hankooda siyaasadeed dhalinyar badan oo himiladooda la jiifay.
Waxaan ku soo xidhayaa yoolkeena, halka aynu doonayno inuu inoo xoqo mayorka cusub ee Caasimada Hargeysi dooratay cabdikariim Axmed Mooge Liibaan iyo siduu inoogu xoqi karo iyadoo ay wali taal gucundhooyinkii uu ka tagay duqii horee caasimada cabdiraxmaan maxamuud Caydiid Soltelco oo mudo 13 sano la jiifay caasimada.

Su’aalaha iyo kuwa kale oo badan Kana guuxaya maskada shacabka Hargeysi waxay u baahan yihiin faaqidaad ama gorfeyn togan kana reeban xajiimeynta, xagxagashada Somalidu xanta ka dhigteen.
Runtii waxaynu isdul taagaynaa dhowr qodob oo mihiim u ah caasimada haduu cabdikariin la yimaad garowshiyaheedana meeqaankii lagu doortay si toos ah u turjumeysa, 
Arinta miisaaniyada sanadlaha ah ee dowlada hoose Hargeysi hesho marka lagu daro mashruuca JPLG ( UN joint programme on local governance) mashruucaa wajigiisii saddexaad waxaa la siidaayey July, 19, 2018, waxaanu mashruucan bilaabmay 2008, hadana waxaynu ku jirnaa 15,June,2021, inagoo isu qaadayno dhamaan daqliga ka yimaad licenses iyo cashuurta (the revenue from direct and indirect Somaliland tax system) saddex qodoba waa in ay bundhig u ahaadaan arinta miisaaniyada ama daqliga dowlada hoosee Hargeysi hesho A)In ka dabatag (monitoring and forecasting) lagu sameeyo mudadaa dhaqaalihii soo xarooday, qarashaadkii baxay iyo odoroska daqliga la heli karo sanadkan dhamaanayo. B) In taxliil iyo turjumaad dhaba loo sameeyo howshaa mudadaa wixii ka qabsoomey iyo wixii qaldamey (Publicity) iyadoon cidna lala xisaabtameyn waayo dalkeenu iyo dowladeenuba kama ulkamin nidaam Isla xisaabtan taahfuran balse u jeedadu waxay tahay darsi si looga gaashaaman karo timaadada. C) In la heli karo jaangoyn dhaqaale oo la yaqaan waxa lagu qabanayo iyo scale-ka graph intee leeg baa kor loo kici karaa per quarter dhaqaalahaynu haysanaana inoo saami karo, maxaynu dhisi karnaa, maxaa inooga bixi kara qalabka shaqada daqligaynu heysano, goobtee u baahan in shaqo laga qabto, goobtee dib loo dhigi karaa (Prioritize the work to be done and budget analysis.) In aad isu miisaami karto daqligaad haysato iyo qarashka kaa baxaya, D) Sideynu u raadin karnaa kaabis dhaqaale oo ka baxsan ta aynu ka helo cashuurta dowlada dhexe iyo mashruuca JPLG, qaab nooceeyaba loo raadin karaa? yaa ina saacidi kara, halkaynu wajahnaa iwm. E) Qodobka ugu danbeeya arinta dhaqaalaha dowlada hoose ma sameyn kartaa daqli ka baxsan ka dowlada dhexe oo aan dibada ka iman Isla caasimada gudaheeda sida beero caasimadu yaalato kuwo dalxiis iyo kuwo wax soo saar.

2) In mayorku ahmiyad gaara siiyo arinta dhulka Hargeysa la sameeyo gudiyo madax banaan oo baadha cases-ka bixinta dhulka iyo kala iibsiga, caseynta, cashuuraha iyo qiime sugan oo lagu xardhay shax farshaxamaysan hoosna u dhigi karta qiimaha iibka dhulka caasimada si toosana u dhaqan gasha, iyadoo muwaadinka la barayo in aanu xuduudaa dhaafi karin, gudidaas oo si joogta ah ula socon karta fluctuation-ka qiimaha sixirka kala iibsiga dhulka  ganaaxyana la duldhigayo muwaadinkii u hogaansami waayo arintaa.
3) Qaabeynta iyo qurxinta caasimada waa in la helaa qaab farshaxamaysan oo degmo doorasho per quarter jeexida wadooyinka iyo dayactirkooda, dhiraynta iyo dhulka nasashada loogu talogalay (City parks and animal zones). Maareynta guryaha ku Jira wadooyinka iyo suurtagalnimada arintaa xal u helideeda.
4) Helida biyo ku filan caasimada ( Hargeisa water supply distributions) Iyadoo loo jajabinayo blogs ama xaafad walba ay heli karaan laba ama saddex water stations loona saaro gudi madaxbanaan (Independent commission to study Hargeisa water distributions and how many metric cubic of the capital's available yearly and quarterly), sidoo kale dayactir lagu sameeyo (water pipes in the capital).
5) Arinta bilicda caasimada in la dhiso (Hargeisa Monument, Hargeysa river, bridges), iyadoo la adeegsanayo gudi iskaa wax u qabsa ah oo kana madaxbanaan dowlada hoose iyo shaqaalaheeda, bulshada rayidka ahna ka yimid si quluubtoo muwaadiniinta loo kasbado.

6) arinta saxmada caasimada in dowlada dhexe maalgaliso iyo mashruuca JPLG-gu maalgaliyaan ( licenses plate recognition and and parking system project) kuna kacayo qiime jaban. Sidoo kale la sameeyo gudi xalinta qilaafaadka oo madaxbanaan dowlada hoose gudiyadaa waxay si toos ah ugu tabin doonaan warbixinadooda masuulka ugu sareeyo ahna mayorka la doortay, waxaana iyadna aan laga tagi karin maadaama aqabadaha horyaalaa mayorka cusub ay badan yihiin in la helo gudi nusdanbeedka caasimada ka kooban oo cidwalba leh kana yimid 26299 cod ee doortay duqa caasimada talooyinkoodana la dhageysto.
7) Qodobka ugu danbeeya diiwangalinta hantida xildhibaanada dowladaha hoosee degmada Hargeysa, masuuliyiinta kale iyo mayorka laftiisa si loo helo Isla xisaabtan dhab ah.

Wabilaahi towfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured