Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Ka Faallooday Xeerka Furista Ururada Siyaasadda ee dhowaan ay Ansixiyeen Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday...

0
Wednesday June 16, 2021 - 22:13:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Ka Faallooday Xeerka Furista Ururada Siyaasadda ee dhowaan ay Ansixiyeen Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday...

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Ka Faallooday Xeerka Furista Ururada Siyaasadda ee dhowaan ay Ansixiyeen Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Ka Faallooday Xeerka Furista Ururada Siyaasadda ee dhowaan ay Ansixiyeen Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday...
Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule ayaa qoraal uu laga Faallooday Furista Ururada Siyaasada ku yidhi Sidan.
"Waxaynu ognahay in baarlamaanka waqtigoodu dhamaaday kalfadhiyadii ugu dambeeyey meel mariyeen Sharci ah furista Ururada iyadoo lagu jiro doorashadii Golayaasha deegaan iyo Baarlamaanka, kuwaasoo ahaa kuwii lagu beegi lahaa furista Ururada si ay u noqdaan Sadexda Urur ee Xisbiyada u gudbaa kuwo leh Golayaal deegaan iyo Goleyaal Baarlamaan, sidaasoo kalena ay u noqdaan sadexda xisbi ee sharcigu u jideeyey inay Madaxweynahana u tartamaan.
Haddaba iyagoo og silsilada sharci ee sidaa isu daba taala, ayey baarlamaanku soo saareen Sharcigaas furida ururada iyagoo yidhi Ururada ayaa Sidooda loo kala dooranayaa oo loo Codaynayaa, taasoo aan u arko in aan si fiican oo miisaaman looga fekerin Caqabadaha sharci ee sharcigani yeelanayo marka la rabo ka shaqaysiintiisa.
Tusaale labada gole ee deegaanka iyo baarlamaanka xildhibaanada hadda soo baxay waxay ka yimaadeen Kulmiye, ucid, iyo wadani. Haddii ururada la furo Oo sadexduba dhacaan Sadex kale soo baxaan, oo aan deegaan iyo Baarlamaan midna lahayni, sidee ayey Xisbinimadoodu u jiraysaa. Waxaa kale oo iyana fooda inagu soo haysa tii madaxtooyada waxaana u tartami kara uun Xisbiyo, Xildhibaanka iminka soo baxay ma wareegi karo, dhamaan waa wax aan is waafaqayn.
Baarlamaankan Tegay hore waxay inoogu Sameeyeen  sharci  sidanoo kale aan looga fiirsan waxay ahayd furistii Ururada ee hore waxaa ku jiray Qodob ah Haddii madaxweynaha Xisbigiisu dhaco wuxuu Geli karaa Ururada kale ee soo Baxay,
Waxaa Cadaana Madaxweynaha Xisbigiisu Dhacay inaanu Madaxweyne sii ahaanayn ee uu isna dhacay waayo wuxuu Madaxweyne ku noqday inuu Xisbigiisu helay labada xisbi ee kale Codka badan, hadduuba dhaco madaxweyne ma ahaanayo.
Sidaa daraadeed wuxuu kanina iila eeg yahay sida kaas oo kale mid aan wax feker Sharci ah oo la geliyey aanay jirin ee ay ka alifeen xisbiyada Oo ku celceliyey Baarlamaanku kuraasta ha baneeyaan cadho ay ka qaadeen ayey kan sameeyeen, laakiin sharcigu waa wax ka balaadhan wax sidaa loo sameeyo oo umad baa lagu dhaqayaa waqti dheer.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa Sharcigaasi wuxuu u baahan yahay in si wayn dib loogu noqdo lana eego qaabka uu u shaqaynaayo inta aanu isku keen xidhin hadhow. Allaa Mahad Leh.
Kayd Cabdilahi Xandule.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured