"Balanqaadadii faraha badnaa ee uu Maayir Cabdikariin bulshada u gudbinaayey iyo Xaalada Dhabta ah ee Dawlada hoose" Siyaasi Kayd oo Faalleeyey Caqabadaha Horyaalla Maayirka Cusub iyo Balan-qaadyadii Cabdikariin Axmed Mooge".

0
Friday June 18, 2021 - 22:54:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Balanqaadadii faraha badnaa ee uu Maayir Cabdikariin bulshada u gudbinaayey iyo Xaalada Dhabta ah ee Dawlada hoose" Siyaasi Kayd oo Faalleeyey Caqabadaha Horyaalla Maayirka Cusub iyo Balan-qaadyadii Cabdikariin Axmed Mooge".

    "Balanqaadadii faraha badnaa ee uu Maayir Cabdikariin bulshada u gudbinaayey iyo Xaalada Dhabta ah ee Dawlada hoose" Siyaasi Kayd oo Faalleeyey Caqabadaha Horyaalla Maayirka Cusub iyo Balan-qaadyadii Cabdikariin Axmed Mooge".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Balanqaadadii faraha badnaa ee uu Maayir Cabdikariin bulshada u gudbinaayey iyo Xaalada Dhabta ah ee Dawlada hoose" Siyaasi Kayd oo Faalleeyey Caqabadaha Horyaalla Maayirka Cusub iyo Balan-qaadyadii Cabdikariin Axmed Mooge".
Hargeysa(Xogreebnews)- "Muddo ku dhaw 48 saac ayuun baa ka soo wareegtay Doorashada Maayirka Ckariim Axmed Mooge Ee hargaysa,  waxay ahayd Arrin si fiican u dhacaysay Dariiqa ay ku timi Hogaaminta Ckariim, Wuxuu ahaa Shaqsi gudbin karaayey Ama la wadaagi karaayey Bulshada rabitaan kiisa hogaamineed, Bulshada ku dhaqan Magaalada hargaysa iyagoo baahi weyn u qabay wax-qabad ka hana qaada magaalada hargaysa, sidoo kale khadyaan ka soo noqday nin kursiga ku soo fuula qaab qabiilyasan ka dibna fadhiid noqda, dareemayey Dibu dhac fara-badan waxay Si togan uga Soo jawaab Celiyeen Baaqii uu kusoo ololeeyey waxayna siiyeen  Codkii ugu badnaa ee la siiyo Shaqsi jagada gole deegaan u tartamaaya 26 kun abid Waxay tani abqaashay ama turjumaad weyn ku sii samaysay halgankii Ckariim Axmed Mooge waxayna Si dadban u muujisay jawaabta Bulshada hargaysa iyo rabitaankooda waxayna noqotay mid aan indhaha laga qarsan karin waxayna si  wanaagsan u haneeday jagadii Maayirnimada ckariim Axmed Mooge ninkastaana Candhuuftiisa ayuu dib u liqay.


Haddaba waxay is waydiintu tahay  maadaama oo la gaadhay waqtigii odhahii quruxda badnaa iyo sawirkii fiicnaa loo rogi lahaa wax la taaban karo, iyadoo laga eegayo filashada Bulshada, balanqaadadii faraha badnaa ee uu Ckariin bulshada u gudbinaayey iyo  xaalada dhabta ah ee Dawlada hoose ee hargaysa ku jirto, dakhli iyo kharash ahaan, Daymaha jira , dhaqaaqa ay tahli karayso inta uu leeg yahay, Ma yahay Ckariin shaqsi og waaqaca Dhabta ah ee meesha yaala balan qaadadiisu ma ku binaysnaayeen Daraasad sax ah, ma yahay nin xaalad kastoo adag oo ka hortimaada Samirkeeda leh oo aanay ka weecinayn yoolkiisii  intaas iyo ina kale oo  badan iyadoo laga duulayo Jabtarkan labaad ee jidka hogaamineed Ckariim ma yahay mid is haysta oo isla jaanqaadi karaaya.
 
Haddii aan aragti ahaan ku siqo dulucda mawduucayga anigoo alle uga baryaaya inuu isugu hagaajiyo bulshadana filashadooda u rumeeyo,  anigoo ka eegaya xaalada dhawra iyo hadalo ku jira jawaabo uu bixinaayey Ckariim waxaan u arkay oo uu  iila muuqday nin la mid ah  oo raacaya waddo Aby Axmed markii uu wadanka Ethopia xukunkeeda qabsaday raacayey  dabaylihii waalida ahaa ee uu kicinaayey, midayntii geeska Afrika, Ethopia dimoraadi ah, balan-qaadadii faraha badnaa ee waaqaca ka taganaa, wax kasta oo aan xaqiiqada ku binaysnayni way soo oodmaan, africa Daaye Ethopia ayuu u taag la , yahay maanta igama aha shaqsi kasoo horjeeda han weynaan in la yeesho oo rajada la weyneeyo, diinteena Suuban ayaaba taas ina fartay, laakiin waxaan leeyahay Markaad wax jooga u fiirsatid ama aad deristid waxaad garan kartaa waxa soo socda, ha saadaalin waxa soo socda adigoon waxan jooga ogayn. Wabilaahi tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured