Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska, Guulaha Diblumaasiyadeed ee Somaliland & Jabuuti Iyo Doorka uu ku Leeyahay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

0
Saturday June 19, 2021 - 19:14:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska, Guulaha Diblumaasiyadeed ee Somaliland & Jabuuti Iyo Doorka uu ku Leeyahay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

    Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska, Guulaha Diblumaasiyadeed ee Somaliland & Jabuuti Iyo Doorka uu ku Leeyahay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska, Guulaha Diblumaasiyadeed ee Somaliland & Jabuuti Iyo Doorka uu ku Leeyahay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...
Jabuuti(Xogreebnews)- Somaliland iyo Jabuuti, waa laba Dal oo wadaga Waxyaabo tiro badan, kuwasoo ay kamid yihiin Xuduudaha, Somalinimada, Afka iyo Walaaltimo qoto-dheer, wallow ay yihiin laba Dawladood oo ay soo kala gumaysteen laba dal oo kamid ah dalalka Yurub, kuwasoo kala ahaa Jabuuti waxa soo gumaytay Faransiis, halka Somaliland ay kamid ahayd Maxmiyadii Ingiriiska. 
Cilqaadka Siyaasadeed ee Somaliland iyo Jabuuti waa mid waqti kasta 30-kii sanno ee u dambeeyey marba Heer tagnaa, waana mid kolba isbedbedela, isla markaana ku xidhan kolba dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee geesta, hase-yeeshee Xidhiidhka Saaxibtimo ee labada bulsho iyo arrimaha kale ee Walaaltimo ee laba dal maha kuwo isbedela, balse waa kuwo mar kasta Walaalnimo iyo kalgacalkooda laga caajisin.
30-kii sanno ee Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda, Xidhiidhka Saaxibtimo, Siyaasadeed ee Somaliland iyo Jabuuti ma jirto waqti ay ka wanaagsan tahay, waxanu Xidhiidhkani sadexdii sanno ee u dambeeyey maraaya meel aad u wanaagsan, waxanay labada dawladood guulo Diblumaasiyadeed oo is garabsiin ah ku talaabsanayeen sadexdaas sanno, kuwasoo isla qaan-qaadkoodu midaysnaa, waxa Siyaasada Geeska Africa kaga adkaadeen Dawlado waaweyn, oo aana magacooda halka  doonayn inaan ku sheegno.
Guulaha Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Jabuuti waxa sameeyey oo ku suntan labada Madaxweyne ee dalalkaan. Waxana soo sadexeeya, Safiir Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo ah shaqsiga haga Siyaasada labada dal, isla markaana si weyn isaggu xidha.
Kartida, daacadnimada iyo Firfircoonida shaqsiyadeed ee masuul qaran uga wakiil ah, qadiyada u baahan in laga dhaadhiciyo dal aan ku aqoonsanay iyo in lagu yeesho dalalka aduunka Saaxibo ku dhego-nugul, waa mid dhibkeeda leh, hadana waxa dayrarkaas dumiyay oo Somaliland u sameeyey Saaxibo, Masuuliyiin qaranku u xushay inay Iib-geeyan dedaalada qarankani ku jiro.
Hadaba, Waxaynu Qormadeenan  Kusoo qaadan doonaa Waxqabad mug leh iyo Guulo diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, oo sadexdii sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysay isbedel gaan-qaadhnimo ah, iyadoo uu kor-u-kacay heerkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd dalka Jabuuti, isla markaana Safarada Somaliland la siman tahay Safaaradaha kale ee Wadamada aqoonsiga haysta, ku leeyihiin Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti. 


Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay kaalin weyn oo Diblumaasiyadeed ka qaadatay Meeqaamkii sare ee dhowaan lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigiisi, sidoo kalena waxay doorweyn ka qaadatay u kala dab-qaadista labada dawladood.
Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.
Waxa kaloo Guulaha Diblumaasiyadeed kamid ah, Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal ay ku majiirtaan dadka sida dhow ula socda horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed.

Sidoo kale Safiir Cabdifatax waxa uu fudaydiyey, isla markaana uu dedaal iyo juhdi geliyey isu-socodka labada dal, oo xilliyadii hore ay bulshada Somaliland caqabado kala kulmi jireen, gaar ahaan Gaadiidka iyo qaybaha bulshada iyo weliba ganacsatada labada dal, waxanay talaabadaasi noqotay mid si weyn loogu majiirtay Safiirka oo ka shaqeeyey iyo Xukuumadaha labada dal, oo hagaajiyey cilaaqadkoodii.
Geesta kale, waxa uu Safiirku Dayac-tir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyey xafiisyada Safaarada Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Jabuuti, iyadoo la kordhiyey tirada xafiisyada iyo shaqaalaha, isla markaana qalab cusub oo ilaa heer diblumaasiyadeed ah, lagu soo kordhiyey Safaarada Somaliland ee dalka Jamhuuriyada Jambuuti.
La soco qaybaha dambe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured