"Waxa Aan Xidhanyaa Calaamadda Qowmu-luudka, Haddii La i Caaynaya Garoonka Waan Iskaga Baxayaa". Georginio Wijnaldum

0
Friday June 25, 2021 - 02:55:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Aan Xidhanyaa Calaamadda Qowmu-luudka, Haddii La i Caaynaya Garoonka Waan Iskaga Baxayaa". Georginio Wijnaldum

    "Waxa Aan Xidhanyaa Calaamadda Qowmu-luudka, Haddii La i Caaynaya Garoonka Waan Iskaga Baxayaa". Georginio Wijnaldum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Aan Xidhanyaa Calaamadda Qowmu-luudka, Haddii La i Caaynaya Garoonka Waan Iskaga Baxayaa". Georginio Wijnaldum

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Netherlands ayaa shaaciyey inuu kulanka Czech Republic ee wareegga 16ka tartanka qaramada Euro uu xidhan doono calaamadda Qowmu-luudka ee midabka Jeegaanta oo kale ah, taas oo uu ugu doodayo xuquuqda dadka dhaqan-xumooyinkan sameeya.

Georginio Wijnaldum oo ah kabtanka Holland ayaa waxa uu dalkiisa u hoggaamin doonaa kulanka ka dhici doona magaalada Budapest ee caasimadda Hungary, gaar ahaan garoonka Buskas Arena, waxaanu ku kici arrintan ay hubaasha tahay inaad ka cadhoon doonto.

Xidhiidhka  kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa Arbacadii u diiday Jarmalka in garoonka Allianz Arena laga shido laydka jeegaanta ee calaamadda dadka dhaqamada Qowmu-luudka sameeya, taas oo dood badan ka dhalatay maadaama Gaaladu yihiin dad fasahaaday.

Wijnaldum oo dhowaan ku biiray PSG kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Liverpool ayaa waxa uu sameeyey laba ballan-qaad oo midkoodna uu ugu doodayo Qowmu-luudka midka kalena uu kagasii hor-tegayo in la aflagaaddeeyo, waxaanu sheegay in uu garoonka iskaga bixi doono haddii midabkiisa lagu cunsuriyeeyo.

Caasimadda Hungary ee Budapest ee ay ka dhacayso ciyaarta Netherlands iyo Czech Republic ayaa hore loogu cunsuriyeeyey ciyaartoyda Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo oo ay taageereyaashu aflagaaddeeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured