"Waxaa xus iyo xusuusba mudan dulqaadkii iyo taageeradii khaaska ahayd ee xaaskagaya Marwo Nimco Cawil...Ma jiraan weedho u qalma oo aan ugu mahad celin karo muwaadiniintaa garbahayga taagnaa". Xildhibaan Siciid Jaamac Cali

0
Wednesday June 30, 2021 - 22:59:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa xus iyo xusuusba mudan dulqaadkii iyo taageeradii khaaska ahayd ee xaaskagaya Marwo Nimco Cawil...Ma jiraan weedho u qalma oo aan ugu mahad celin karo muwaadiniintaa garbahayga taagnaa". Xildhibaan Siciid Jaamac Cali

    "Waxaa xus iyo xusuusba mudan dulqaadkii iyo taageeradii khaaska ahayd ee xaaskagaya Marwo Nimco Cawil...Ma jiraan weedho u qalma oo aan ugu mahad celin karo muwaadiniintaa garbahayga taagnaa". Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo Kamid ah Gola

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa xus iyo xusuusba mudan dulqaadkii iyo taageeradii khaaska ahayd ee xaaskagaya Marwo Nimco Cawil...Ma jiraan weedho u qalma oo aan ugu mahad celin karo muwaadiniintaa garbahayga taagnaa". Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo Kamid ah Golaha Deegaanka degmada Hargeysa.
Hargeysa(Xogreebnews)- Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo kamid ah golaha Deegaanka degmada Hargeysa, ayaa sidan ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
MAHADNAQ!                                                                        
 Asc,
Dariiq dheer oo Duruufo badan ayaan soo maray si aan u xaqiijiyo himiladaydii ahayd inaan noqdo Hogaanka Caasimada Somaliland ee Hargeisa. Wuxuu ahaa hayaan dheer oo hawl badan, wacyigiisa iyo waayihiisana wata.
Haa, waan guulaysanay oo maanta waxaan ka mid nahay 17ka qof ee hogaaminaya hawlaha horumarineed ee Casimada Jamhuuriyada Somaliland.
Guusha la gaadhay waxaa gundhig u ahaa taageerayashii, madaalayaashii miiganaa ee afarta jiho ee magaalada Hargeisa joogay, Isla markaana garbahayga taagnaa, mudadii aan tartanka ku soo jirnay iyo maanta oo                                                       aynu guushii u dabaal dagayno.
Ma jiraan weedho u qalma oo aan ugu mahad celin karo muwaadiniintaa garbahayga taagnaa maalmihii aan ugu baahida badnaa. Ma jiro hab u qalma oo aan ugu mahad celin karo hablihii, hooyooyinkii, aabeyaashii, dhalinyaradii iyo guud ahaan muwaadiniintii igala soo dabaashay duufaanadii iyo dabaylihii adkaa ee dooroshooyinkii isku sidkanaa ee 31kii May 2021 ka dhacay Hargeisa.
Waxaa kaliya oo aan idiinku abaal gudayaa, waa inaan ku shaqeeyo balamihii aan soo wada galnay iyo barnaamijkii siyaasadeed ee aad igu soo taageerteen. Waxaan idiinku abaal gudayaa inaan hadh iyo habeenba ka shaqayn doono sidii HARGEISADA MAANTA, HARGEISA KA FIICAN LOO HELI LAHAA.
Waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muse Bihi Abdi oo doorasho isku-sidkan oo xor iyo xalaal ah markii ugu horeysa hirgaliya. Waxaa kale oo mudan taageeradii qiimaha lahayd ee uu i siiyay Xisbigaygii Kulmiye, gaar ahaan fursadii dahabiga ahayd ee la ii siiyay inaan isku sharaxo golaha deegaanka ee Hargeisa.
Waxaan doorkoodii qiimaha iyo qadarinta mudnaa uga mahadcelinayaa guddidii ololaha ee sida gaarka ah uga shaqaysay inaan guushan hannano. Waan ogahay inaad habeeno iyo maalmo badanba waqtigiina qiimaha badan u soo hurteen sidaan halkan aan maanta joogno usoo gaadhi lahayn, inshaa alaah xasuustiinu ka go’imayso qalbigayga. Xooggaa iyo waqtigaa aad soo galiseena inshaa Allah wuxuu noqon doonaa mid midho dhal ah.
Waxaa xus iyo xusuusba mudan dulqaadkii iyo taageeradii khaaska ahayd ee xaaskagaya Marwo Nimco Cawil oo mudadii aan tartanka ku fooganaa noloshii qoyska iyo caruurtaba dhabarka u ridatay, tartanka iyo ololahana dhinaceeda kaga jirtay.
Doorkii qiimaha lahaa ee warbaahinta sida fiican noola shaqaysay, waan uga mahadcelinayaa, dhalinyaradii sida gaarka ah Social mediaha ololaha xooga badan ka waday waan tahniyadaynayaa.
Guud ahaan waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dhamaan shacab weynaha reer Hargeisa mid ii codeeyay iyo mid aan ii codaynba. Waxaan leeyahay si ilbaxnimo ku dheehan tahay ayaad u codayseen, si xilkasnimo lehna waxaad u doorateen murashaxiintii aad calmateen. 
Dhinaca kale qofkasta oo kaalin aan ogahay iyo mid aanan ogayn ka qaatay halgankaygii siyaasadeed, si milgihiisa iyo meeqaamkiisaba u qalanta ayaan ugu mahadcelinayaa.
Ugu danbayn waxaan raali galin ka bixinayaa khalad kasta oo xagayga ka yimid mudadii ololaha iyo tartankaba aan ku jirnay mid yar iyo mid waynba.
Haa, waan guulaysanay, laakiin halkii aan u soconay maynaan gaadhin, inshaa alaah maalin ayay hanka iyo himiladuba rumoobi doonaan.
ALLAA MAHAD LEH.
Siciid Jamac 
Golaha deegaanka ee Hargeisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured