MADHABAA IN GUDDOOMIYAHA GUURTIDA UU BEDALAYO MAXAMED KAAHIN AHMED. QALINKII AHMED ALI FARAH.
MADHABAA IN GUDDOOMIYAHA GUURTIDA UU BEDALAYO MAXAMED KAAHIN AHMED. QALINKII AHMED ALI FARAH.
Waxaa jira warar layas la dhexmarayo isla markaana la xoojinaya oo sheega in Guddoomiyaha Gola Guurida Salemaan Maxamuud Aadam uga fadhiisanayo Xilka Guddoomiyanimo sababo Caafimaad,isla markaana uu u tartamayo Xilka Guddoomiyanimo Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Wasaarada Arimha Gudaha J Soomaalilaand, ahna Guddoomiya Xigeenka Koowaad Xisbiga Kulmiye.
Arintani hadii ay dhabawdo waxay ku abuuraysaa Bulshada soomaalilaand dareen didmo ah iyo in Xilkii Guddoomiyanimo ee Golaha Guuridu noqotay DHAXAL, taladii dalkuna Hal Xisbi gacanta u gasho,dhalisona xiisado siyaasadeed oo khatar ku noqon kara Deemuqraadiyada iyo Xasiloonida guud,sidaa daraadeed waan in foojignaan iyo dadaal dheera laga gaal inaanay inagu soo kordhin,arimo Dalka iyo Dadku ku soo kordhiya Dubudhac iyo Xiisaad Siyaasadeed oo aan dhamaanteen dan inoo ahayan,tacabkeenii iyo dadaalkeenii dheeraana ka dhigta waxba ka jiraan.
Mar laba waxaan si mugu leh ugu soo jeedinayaa Indheer garadka,Aqoonyahanada,Culimada,Dhaqanka ,Siyaasiinta iyo dhamaanba qaybaha kala duwen ee Bulshda Soomaalilaand, in aynu ka midayasnaano dhamaanba waxii aan u adeegayan Danteena Guud,isla markaanka inoo horseedi kara Qalaan iyo Rabshado noockasta oo ay yihiinba iyo xilikasta oo dareenkoodu yimaadoba.
ILLAAHOW SOOMAALILAAND BADBAADI OO BARAKEE
AHMED ALI FARAH
SIYAASI MADAXBANAAN Leave a comment |
|
MADHABAA IN GUDDOOMIYAHA GUURTIDA UU BEDALAYO MAXAMED KAAHIN AHMED. QALINKII AHMED ALI FARAH.
MADHABAA IN GUDDOOMIYAHA GUURTIDA UU BEDALAYO MAXAMED KAAHIN AHMED. QALINKII AHMED ALI FARAH.