"Waa Wareegto Adduun" Waa Hees Ay Ku wada Hadlayaan Xisbiga Xisbiga KULIYE iyo Taageerayaashiisi

0
Saturday July 03, 2021 - 21:00:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Wareegto Adduun" Waa Hees Ay Ku wada Hadlayaan Xisbiga Xisbiga KULIYE iyo Taageerayaashiisi

    "Waa Wareegto Adduun" Waa Hees Ay Ku wada Hadlayaan Xisbiga Xisbiga KULIYE iyo Taageerayaashiisi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Wareegto Adduun" Waa Hees Ay Ku wada Hadlayaan Xisbiga Xisbiga KULIYE iyo Taageerayaashiisi
Hargeysa(Xogreebnews)-Heestan la yidhaahdo "Wajiyaal is xasuustaa” oo uu curiyey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde,isla markaana ay ku luuqeeyaan Alle ha u naxariiste Kinsi Xaaji Adan (AHUN) iyo Xarago.
Midhaha Heestan waxa aynu ku dabaqi doonaa wacdarrihii kala qabsaday Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Taageerayaashiisii ka siibtay,kadib markii uu uu Madaxweyne Muuse Biixi uu yidhi "Fartiina ayeydun eersan doontaan”. Sidaas iyo Akhris iyo wada dhageysi wadaagsan .
Beydka Hore waxa qaadaya Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waakan ee dhageysi iyo akhris wanaagsan.
Wajiyaal is xasuustaa, is xasuustaa
Indha aan kala waarin
Laba aan isba waayin
Laba aan kala weecan
Wadnayaal is jeclaada
Wedku daayo oo raagga
Oo wadeeco asqeynin
Oo wadaaga xannaano
Innagaa ku wacneynee
Maxaad iiga wareegtey.
Beydka Labaadna waxa qaadaya Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE, oo ku luuqaynaya sidan.
Sida waaxyaha jiidhka, waaxyaha Jiidhka
Wadnaha iyo beerka
Halbawlaha is waraabshan
U wadaagney jacayl
Markuu kaaga waraaqshey
Eey waddeeca ku taabtey
Inaan kaaga wareego
Waaqle kaaga dhaqaaqo
Haddii uu wakhti keenay
Nin wax saarle miyaan ahay
Haddii uu wakhti keenay
Nin wax saarle miyaan ahay annigu
Beydka saddexaad waxa qaadaya Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waakan ee dhageysi iyo akhris wanaagsan.
Walbahaarka jacaylka, Ka jacaylkaa
Sida weyraxa geeloo
Ilmaha ugu wareegaan
Kugu weehanayaaye
Haddii aad wakineyso
Ood ka wiiqan tahay dhuuxa
Wadhi caashaq ku raacdey
Warka maan ka dhigeene
Inagaa isku wacneyne
Maxaad iiga wareegtay
Beydka Afaraad waxa qaadaya Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE, oo ku luuqaynaya sidan.
Wiyiisha ubadkeeda, Ubadkeedaa
Waxa jooga adduun
Iyadaa ula wanaagsan
Kolka waayuhu liicsho
Dani ay ka wadaayee
Haddii aynu isweyno
Walaac waa ku dilaayoo
Waa wareegto adduunku
Haddii uu wakhti keeney
Nin wax saarle miyaan ahay
Haddii uu wakhti keeney
Nin wax saarle miyaan ahay annigu





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured