Shirqooladii fashilmay ( Ninkii Halis la Taabtaaba waa isla Hadli Doona). Faallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Tuesday July 06, 2021 - 04:06:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirqooladii fashilmay ( Ninkii Halis la Taabtaaba waa isla Hadli Doona). Faallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Shirqooladii fashilmay ( Ninkii Halis la Taabtaaba waa isla Hadli Doona). Faallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirqooladii fashilmay ( Ninkii Halis la Taabtaaba waa isla Hadli Doona). Faallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Hamiga iyo qamigu waa haftada lanagu haystaaye, ninkii halis la taabtaaba waysla hadli doonaa, Waxay indhaheenu arkayaan Sadex hogaamiye oo Shalay isku faraxsanaa, isla qoslaayey, lana qurux badanaa qorshe beenaad ay wada gaadhayeen, oo maanta mid waliba isagoo Soo jeeda qarwaayo, hadaladooduna is burinayaan, loo kala garan la' yahay Waali iyo miyir oo ay xaaladoodu taagan tahay ninkii halis la taabtaaba waysla hadli doona.


Sadexdan oo kala ahaa farmaajo, Assayas iyo Abby Ahmed, waxay Soo gaadhay xilligii midba midka kale Eedayn lahaa, kuna durri lahaa jabkii Soo gaadhay, waxaynu si weyn ula Soconay heshiiskoodu Inuu ahaa mid dhamaanba ka horjeeday Jiritaanka Somaliland, qabsi buuxana ahaa, heshiisyadaa horu-dhacoodu wuxuu ahaa in farmaajo hargaysa laga soo dejiyo oo aynu ogayn Samaynta Ay maalintaasi inagu yeelatay jiritaan ahaan, qorshahooda durugsan waxaa ka mid ahayd Ciidamada Badda Ethopia loo tababaray oo baddaneena la geeyo, Ciidamada Erateria lagu tababaraayey oo iyana Somaliland lagu soo waday, iyo inay gacan buuxda Siiyaan Erateri iyo Ethopia.
In marka tegree laga takhaluso Somaliland ku xigto, kuwaas iyo kuwo la mid ah ayaa ka mid ahaa.

Waxaanu arkaynaa riyadii oo beenawday iyo talaabadii ugu horaysay ee ay wada qaadeen oo ahayd Dagaalka Tegreega oo kabtay meeday ka dhacday, waxaanad moodaa inuu waagu ugu beryey Sidii kuwii la odhan jiray Naag jin ayey raaceen oo waxay is arkeen subaxii isagoo meel kudaafad ah jiifa, si la mid ah ayuu mid waliba ka toosay meel aanu ka gayoon karin waxaa Maanta u baxaysa hees ah  (Aduunyoy filimo badaneey miyaan kaa filaayey taasba ).

Aduun yadu waa Casharo u baahan in la weeleeyo, waxaynu Soo daawanay horu-dhacii filimkan wada qosolka ku bilowday, waxaynu soo daawanay isla jaanqaadkodii hawl-galku u dhacay, waxaynu soo daawanaynaa iyadii oo is rogtay si kalena noqotay, waxaynu maraynaa iyagii oo kala hadlaaya, waxaynu ku dhaw nahay Gebagebadii filinka amaba taariikhdan waxaynu eegnaaba waa iyagoo maxkamadii ku socoto Ama sidii Saddam iyo macmaral qadaafi Meelo aan munaasib ahayn la soo qabto. Alllow Sahal.
Waa bilahi Tawfiiq.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured