"ILbaxnimada Doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda Somaliland iyo Hiigsiga Mustaqbalka Dhow" Fallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Wednesday July 07, 2021 - 00:51:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "ILbaxnimada Doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda Somaliland iyo Hiigsiga Mustaqbalka Dhow" Fallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "ILbaxnimada Doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda Somaliland iyo Hiigsiga Mustaqbalka Dhow" Fallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ILbaxnimada Doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda Somaliland iyo Hiigsiga Mustaqbalka Dhow" Fallada Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Waxaynu Geedi ugu jirnaa inaynu gaadhno Doorashooyin Casriga ah ee wadamada hore u maray ka dhacda inay ka dhacaan wadankeena oo aynu qabya_tiro doorashooyinkeena, waxay doorashooyinku leeyihiin 
marka laga cawdo baadhis lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo Xirfad layaal aqoon u leh Baadhista, doorashooyinku waxay leeyihiin Maxkamad Si cadaali ah uga gar-qaada Dacwadaha ka dhaca Doorashada Dhexdeeda, qodobadani waxay Sal u yihiin in muwaadinku isagoo gurigiisa jooga codayn karo, ama bosto isticimaali karo , ama qaabab kale isticmaali, codkiisuna gaadhi karo halkii loogu talo-galay, maxkamada iyo baafhistu waxay ka mid yihiin nidaamka la yiraahdo xor iyo Xaal ee aynu inta  badan ku celcelino.


Kolkay sidaa tahay Waxaad moodaa inaynu baranay in doorasho aynu qabano dabadeedna duuduub ku ansixino, balse aynaan garanayn sida looga garsooro ee looga garnaqo ama baadhis loogu sameeyo, wixii khalad ah dhexdeeda ka jira si sax ah, dimoq-raadiyada la sheegaya  ama doorasho xor iyo Xalaal ahi waa taa baadhisteeda leh, Ee garsoorkeeda leh.

Waxay tahay inaynu fahano in nidaamkeena doorasho uu ahaado mid si isku mid ah qaangaadh u noqda, oo aan kala korin, garsoorkeenu waa inuu isu dhigaa mid kalsoonida umada haysta, waa inay jiraan baadhis sida Auditka ah oo baadhi karta khalad kasta oo dhaca, waa inay waqtiga doorashadu socoto gobolada ku kala sugan yihiin Si ay khaladka jira ula socon karaan.

Geba-gebadii waxan is leeyahay waa inay inaga baxdaa kalsooni darada aynu ka qabno haddii la furfuro sanaaduuqda laga cabanaayo waxaa ka soo bixi wax kale oo khaldan oo carqaladeeya doorashada,waan inaynu kalsooni buuxda ku haysano in si toos ah looga garqaado wixii dacwad ah ee jira. Kana gudubnaa duuduub ha lagu ansixiyo. Cida aynu kalsoonidooda dhisaynaa waa muwaadinka Doorashada galay ee maaha qolyaha reer yurub ee inay  dimoqraadiyada leeyihiin aynu u naqaano, taas baa fahan keeda iyo kalsoonideeda aynu rabnaa inaynu dhisno. Wabilaahi tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured