Xalka Labaad: Colka Wadhaf ma lagu dayay!. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

0
Monday July 12, 2021 - 18:43:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalka Labaad: Colka Wadhaf ma lagu dayay!. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

    Xalka Labaad: Colka Wadhaf ma lagu dayay!. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalka Labaad: Colka Wadhaf ma lagu dayay!. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed
Sidee loo heli karaa Shir-guddoon lagu wada qanacsan yahay, si ay Xeegana Xeego u noqoto, Ilkana ay u nabad galaan ?
Asalaamu Calaykum 
Waxaa muuqata in Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADANI Iyo UCID oo is garabsanaya iyo dhinaca kale oo ah Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu ay xusul duub ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen kuraasta shirguddoonka golaha wakiilada. Inkasta oo dhinac kastaa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo inuu gaadho yoolkiisa, isla markaasna ay inoo muuqato in Xisbiyada Mucaaridka ah ee helay tirada ugu badan ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada aan la dhayalsan karin, hadana ma jiri karaa xal ka duwan kan ah in awwood la isku muquuniyo, taasoo haddii ay dhacdo horseedi karta muran jiitama Iyo is ficilsi baarlamaankeena la kowsata oo car iyo wir ah, caqabadna ku noqon karta hawlaha ay Ummada ka sugayso baarlamaanka cusub, waxaa haboon inaan dariiq kale uga wareegno arrintaas oo aynu helno Xal kale oo lagu wada qanci karo oo dhalin kara in la helo Baarlamaan middaysan Iyo Xukuumad si wada jir ah ugu shaqeeya Ummada oo wixii fiican ka wada shaqeeya wixii khaldana isla saxa si aan cadaawadi ku jirin. 
Xusuusteena markaynu dib u celino Baarlamaankeenii hore waxaa bilowgiiba ay labadii Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE oo xulufo ahaa ay sutida u qabteen Xukuumadii UDUB, waxaanay gaar u go’doomiyeen oo ay cudud ku muquuniyeen Xubnihii Baarlamanka ee UDUB, waxaana arrintaas aynu ka dhaxalnay buuq aad u badan iyo wada-shaqayn la’aan dhex martay Xukuumadii iyo Baarlamaankii, waxaana xiliyada qaar ay gaadhi jirtay in la is fara-saaro oo xataa Baarlamanka la xidho. 
Xiligii Xukuumada UDUB oo keliya khilaafku muu jirin, balse xiligii Xukuumada Siilaanyo lafteeda heer xun ayuu gaadhay khilaafkii u dhexeeyay Baarlamanka iyo Xukuumadii hore ee KULMIYE oo ay dhacday in Baarlamanka gudihiisa la isku gacan qaado.
Hadaba inaga oo cashar ka baranayna khilaafyadii ina ragaadiyay ee hore inoo soo maray, sidee ayaynu uga hor tegi karnaa in uu inagu soo noqdo Khilaaf danbe oo ka dhex dhasha Baarlamankan cusub iyo Xukuumada?


Waxaan soo jeedin lahaa qodobadan:

1. In laga hor tago oo meesha laga saaro in  awwood la isku muquuniyo oo ay labada dhinac isku adeegsadaan Awwood Mucaaridnimo ama Awwood Xukuumadeed.
2. In Saddexda Xubnood ee shir gudoonka ay Saddexda Xisbi u kala qaataan sida ay Baarlamanka ugu kala badan yihiin oo Gudoomiyaha Golaha la siiyo Xisbiga Wadani, Gudoomiye ku Xigeenka Koowaadna Xisbiga KULMIYE, Gudoomiye ku Xigeenka labaadna Xisbiga UCID.
3. In Hormuudka Bulshada, Waxgaradka, Culimada iyo Ururrada Bulshadu ay ka hawl galaan sidii ay labada dhinac isugu soo dhawayn lahaayeen uguna qancin lahaayeen inaan la isku muquunin awoodo Xisbiyeed ama awood xukumadeed oo la isu tanaasulo.

4. In Xisbiyada Mucaaridka ahi ay ogaadaan inaan dantoodu ku jirin inay muran iyo khilaaf la galaan Xukuumada, taasoo dib u dhac ku keeni karta doorashooyinka soo socda ee Guurtida iyo Madaxtooyada, isla markaasna ay ogaadaan in Xukuumadu  ay haysato dariiqyo badan oo ay iskaga difaaci karto kuna wiiqi karto xisbiyada mucaaradka ah. 
5. In Xukuumadu ay ogaato inaanay Danteeda iyo danta Dalka midna ku jirin khilaaf Baarlamanka ka dhex qarxa, kaasi oo sababi kara habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada shuruucda tirada badan ee Dalku baahida u qabo iyo ansaxinta qorshayaasha xukuumadu ay higsanayso.
Ugu danbayn Xisbi kasta iyo qof kastaa wuu Jecel yahay in murashaxa uu wataa uu guulaysto, aniguba waan jeclaan lahaa in Xildhibaan Faratoon uu guulaysto, hase yeeshee Danta Ummada in wax kasta laga horraysiiyo oo la isu tanaasulo ayay Somaliland ku soo gaadhay Nabada Iyo Horumarka ay maanta ku naaloonayso. 

Allow Eex ma tiraabine Aqoon haygu cadaabin 

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured