"Waxaan Khalad u arkaa in Sadex Beelood oo isku mid ahi Mucaaridkii iyo Muxaafidkiiba doonayaan Mansabyada ugu Sareeya Baarlamaanka ee Shir-gudoonka". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Tuesday July 13, 2021 - 00:51:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Khalad u arkaa in Sadex Beelood oo isku mid ahi Mucaaridkii iyo Muxaafidkiiba doonayaan Mansabyada ugu Sareeya Baarlamaanka ee Shir-gudoonka". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "Waxaan Khalad u arkaa in Sadex Beelood oo isku mid ahi Mucaaridkii iyo Muxaafidkiiba doonayaan Mansabyada ugu Sareeya Baarlamaanka ee Shir-gudoonka". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Khalad u arkaa in Sadex Beelood oo isku mid ahi Mucaaridkii iyo Muxaafidkiiba doonayaan Mansabyada ugu Sareeya Baarlamaanka ee Shir-gudoonka". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Beryahanba waxaa inoo muuqatay in loolan loogu jiro Hanashada Kursiga Shir-Gudoonka Golaha Baarlamaanka J somaliland, dabcan waa kursi Mudan in loolan kiisu adkaado waayo mansab-yada ugu Sareeya wadanka, waxaa kale oo aynu markasta isku Dhex wadna Xisbiyo iyo reero, waana laba Shay oo iska soo horjeeda, labadan qaybood markay iska hor yimaadaan waxaa marag ma doon ah in halka ay ku go,aysaa ay tahay reeraha oo guushu raacaysaa xisbigana garankiisa laga kacaayo.


Haddaba Anigoo qodobkaa dambe ka duulaya ee reeraha ah mar hadii ay  saamayntii  ugu wayn ee meesha taalay Reero noqotay miyaanay ahayn si waxa aynu kala dooranaynaa xitaa u kala duwanaato in Muxaafidka kuna soo sharaxo Sadex reer kala duwan sadexda mansab ee meesha yaala, mucaaridkuna ay Sadex reer oo ka duwan Sadexdaa Muxaafidka ay soo sharaxaan Si ay sadex Reerna u guulaystaan sadex reer oo kale oo ka duwan kuwa hore u guul daraystaan.

Mar hadii ay hubaal tahay inaan xubintii baarlamaanka ahayd aan xisbino lagu hayn karayn, laakiin reernimo lagu hayn karaayo, waxaan khalad u arkaa in Sadex beelood oo isku mid ahi Mucaaridkii iyo Muxaafidkiiba doonayaan sadexda Mansab, aan qalo halkaas Gudoomiyaha mucaarid iyo muxaafidba waxaa u sharaxan Laba nin oo jaamac Siyaad ah, labada ku xigeenka kowaadna waxaa u sharaxan Laba nin oo muuse Abokor ah , waxa kale iyana soo baxaysa in ka sadexaadna laba nin oo samarooni doonayaan, halkaas khiyaanada ku jirtaa waxay tahay mar kasta dhinacii la doonaaba ha guuleystee Sadexdan qoys baa ku soo baxaya, markaa dhibka yaalaa wuxuu noqonayaa In sadexdoodii reer xubnahoodii kolba mid ka wareegan oo ka kale u wareegan oo iyagii la dooranayey dhibaatada golaha yaalaba noqdeen, iyagoo weliba og inay iyaguun guulaysanayaan dhankay udhacdoba.

Waxaan qabaa inay meeshu ahaato Lix reer oo sadexna guulaystaan Sadexna guul-daraystaan, laguma arkeen warwareeg ee qolo waliba meesheeda ayey xejisan lahayd,halka  iminka loo taag la ayahay iyagii waxaa la kala xodxodan lahaa lixdaa reer xubnihii aan ahayn ee kale. Waxaa kale oo soo bixi lahayd mar hadii aynaan Xisbiyo wax ku kala Dooranayn, mar haddii aynaan aqoon waayo aragnimo wax ku kala dooranayn, oo xaalkeenii noqday reero  in Sadexna guulaystaan Sadexna guul daraystaan Soo jeedintaydii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured