"Waxaynu ka dheregsanahay Dagaalka aadka u qadhàadh ee 8 bilood ka socday Ethopia...Aad Ha looga fejignaado Dabinada qarsoon ee Amxaaradu u qodayaan Somalida". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Friday July 23, 2021 - 00:58:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaynu ka dheregsanahay Dagaalka aadka u qadhàadh ee 8 bilood ka socday Ethopia...Aad Ha looga fejignaado Dabinada qarsoon ee Amxaaradu u qodayaan Somalida". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "Waxaynu ka dheregsanahay Dagaalka aadka u qadhàadh ee 8 bilood ka socday Ethopia...Aad Ha looga fejignaado Dabinada qarsoon ee Amxaaradu u qodayaan Somalida". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaynu ka dheregsanahay Dagaalka aadka u qadhàadh ee 8 bilood ka socday Ethopia...Aad Ha looga fejignaado Dabinada qarsoon ee Amxaaradu u qodayaan Somalida". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa(Xogreebnews)-"Waxaynu ka dheregsanahay Dagaalka aadka u qadhàadh ee mudada 8 bilood ka socday waqooyiga Ethopia gaar ahaan Gobolada Dhaca is Maamulka Tegreega, kaasoo soo maray Marxalado kala Duwan Mar uu dagaalku u dhexeeyey Ciidamada Federalka ethopia, ciidamada wadanka Erateria, iyo Malayshiyaadka Amxaarada oo xulufo ah iyo Ciidamada Tegreega oo dhinaca kale ah, waxaa lagu qiyaasay Dagaalkaas Cadaab aan nuuxsi lahayn, wejigii labàad wuxuu ahaa Tegreegii oo soo labakacleeyey qabsadayna Guud ahaan deegaankoodii intoodii badnayd, iyo ciidamadii Ethopia oo u  dhexeeyey wax la laayey, wax la qabtay iyo Wax si habqana uga darèeray dhulkii tegreega ee ay qabsadeen.


Waxaa la galay Qaybtii Sadexaad ee dagaalkaas, kaasoo dhamaan dawlad deegaanada Ciidamo laga keenay laguna talo jiro in kariirad adag looga dhigo Ciidamada Tegrèega ee Sida xawliga ah u socda, kaasoo aan sinaba loo sàadalin karayn halka ay natiijadadiisu ku dambayn doonto.
Waxàan haddaba aan jecelahay inàan is dul taago arrin ku duugnayd Ciidamadii stateka somalida laga qaaday, sida kilalka kale oo kale, balse waxaa muuqanaysay in si aad ah looga hadlay ciidamada Somalida, taasoo aad dareemayso Dagaalkii u dhexeeyey tegreega iyo Amxaarada, in loo leexinaayo Dhinaca Somalida iyadoo  amaan siyaado ah oo Ciidanka Somalida la dul dhigaayo, laguna ladhaayo hadalo xanaf abuuraya qorigana laysugu dhiibaayo Tegreega( waa raggii soo qabqaban lahaa tegreega).
Waxay tani tahay Dhagar ay amxaaradu u tolayso Somalida,iskagana duwayaan wixii ay hore u geysteen, Somaliduna Amaan looga dhigaayo Dhagartaas qarsoon.
Waa xaqiiqo Inaanay Somali mudnayn kuwo u kala hiiliya Gumaystayaashii mudada dheer dadkan dhiigooda iyo dheecaankooda jaqaayey, abaalkooduna ahaa in laysku daawado amaba laysasii kaba raaciyo.
Ugu dambayn waxaan odhan lahaa aad halooga fejignaado Dabinada qarsoon ee Amxaaradu u qodayaan Somalida.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured