"Ku jecel iyo mid neceb Cabdirisaaq Khaliif wuu guulaysanaya, inaanu Xukuumad kasta Mucaaridka ugu badan ahaan jirnay iyo ficilka ay sameeyeen Xildhibaanadi UCID ka soo baxay ee beeshaydu waa laba aan isqaban". Ex Guddoomiye Xamarji.

Hargeysa(Xogreebnews)- Guddoomiyhii hore ee Gobolka Togdheer Mujaahid Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarje) oo kamid ah madaxda Xisbiga Waddani ayaa bartiisa Facebook-ga ku qoray sidan .
Cabdirisaaq Khaliif Axmed waa Guddoomiyaha Wakiilada ee dooran Insha Allah, Nin jecel iyo mid aan jeclaynba laabta wuu usii dayn, ummadda ayaa sidaa u codaysay oo 52 Xildhibaan oo Mucaarid ah siiyay kalsoonida, doorashada maxaynu ku falaynay hadaynaan aqblayn fariinta shacabka. Xildhibaanka Maanta codka Mucaaridka ku helay ee Muxaafidka u galayna tariikhda iyo shacabkii soo doortay midna cafiyi maayo.
Midna waa taariikh xumo wayn, Xildhibaano beeshayda ka soo jeeda oo maalinti Koomiishanku degmooyinka ku dhawaaqay ka baxsaday Xisbigoodi, kuwaas oo markii horena aha kuwii Kulmiye laga caydhiyay ee loo diiday inay iska sharaxaan, Qoodhyo xero qabyaalad cad ayay sameyeen cid kasta oo Kulmiye ka soo baxday oo iyana reernimo cid ku raacda iyaga u bilaabay. Midina waa daw gari Allay taqaana inaanu ugu badano Mucaaridnimada Xukuumad kasta Muuse Biixi ka hor iyo ficilka Xildhibanada UCID ee 4-ta ahi sameyeen maha laba is qabata, inay Xisbigoodi ay ka soo baxeen joogan oo aanay ku wacad furin ayay gobonimadu ku jirtay, Ninka sharaxan ee hunguriga yeeshay laba garay hadduu yidhi halkaas ayaan wax ka helaya, lakiin iyagoo aan hanba lahayn maxay korodhsadeen aan ahayn Adeerkayo ayaanu u hiilinaynaā€¯.
Somaliland ha guulaysayo isbadalka ummaddu u codaysayna ha guulaysto.
Axmed Xamarji. Leave a comment |
|