YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ?

0
Saturday July 24, 2021 - 02:06:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ?

    YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ? Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa.
Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto.


Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan,  ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi.

Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen,  qaarna Erateria fadhiyeen.

Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin,  waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay,  arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma.

Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen,  waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga.

Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem .

Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo,  waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto.

Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria,  la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen.

Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn,  waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay,  iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan,  waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah.

Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey,  waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo.

Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay,  waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey.

HALKEE AY ISKA SEEGEEN MARAYKANKA IYO ETHIOPIA?

Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey.

Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu,  waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey,  waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen.

Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa ;

1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey.

2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay.

3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay.

4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay.

Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey,  ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen,  ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay .

Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan,  waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya.

Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay,  kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin.

Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey,  oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka .

Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan,  waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan.

MUXUU NOQON DOONAA MUSTAQBALKA ETHIOPIA?

Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray.

Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya,  waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah.

Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021.

Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba;

1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono,  waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia.

2- Waxa loo go'doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay.

3- Waxa loo go'doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba .

SIDEE UU ABIY AHMED DALKA ETHIOPIA UGA BAD-BAADIN KARAA GO'DOON IYO DAGAALO DIBLOMAASIYADEED OO GUDAHANA DAGAAL KALE KAGA FURA ?

Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed;

1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf.

2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo.

3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado , oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.

4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo.

Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
Image

Image

Image



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured