"Nin yari intuu Geed ka Boodo, ayuu talo ka boodaa...Ma idinla tahay inaynu Da'yarta Soo baxday(Baarlamaanka Cusub) ka heli-doono nabsi maalkii". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Nin yari intuu Geed ka Boodo, ayuu talo ka boodaa...Ma idinla tahay inaynu Da'yarta Soo baxday(Baarlamaanka Cusub) ka heli-doono nabsi maalkii". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Waxaynu hore u Soo aragnay baarlamaano kala duwan oo ina soo maray midba nooc ahaa, Baarlamaanka Cusub ee aynu Dooranay waxaynu odhan karnaa Waa baarlamaankii ugu da, da yaraa ee ina Soo mara, aqoontoodu intay doonaanba ha kala ahaatee, waxaa Xaqiiqo ah 70% inay da'doodu tahay 40 iyo wax ka hooseeya, halka ay baarlamaanadii ina soo maray aanay xitaa 5% da'doodu 40 ka ahayn, Marka xagga wanaagsan laga eego Dadka hal abuurka iyo horumarka dadkooda u horseeda Waa da, daa u baarlamaankeenu u badan yahay hadda, waa Xoog dihin, tamar dihin , & caqli dihin. Marka Saydhka kale layska taago Soomalidu hore ayey u tidhi nin yari intuu Geed ka boodo, ayuu talo ka boodaa, taasoo ah fudayd Ka fiirso la, aan loo qarinaayo.
Waxa xaqiiqo ah marka da' yartu leedahay Marjac u soo joogeen ah oo ruug cadaa ah, iyo Guurti Geed joogeen in badan soo ahayd oo is kaashanaya ayey taladeedu saxantaa, kolkay sidaa tahay, maadaama aynu hore usoo dooranay baarlamaanadii hore nin ba ninkuu ka waayo aragsanaa, da'weynaa, aqoon loo tuihmaayey balse aynaan helin ragga miisaanka Culus lahaa ee aynu dooranay, horumarkii laga filaayey iyo wax soo saarkii laga rajaynaayey, aan ka ahayn kuraasta oo laga kicin kari waayo iyo inay halkii ay ka samayn lahaayeen shuruucdii umadu baahida u qabtay, ay madaxeenii minjo u celiyaan.
Ma idinla tahay inaynu Da'yarta Soo baxday ka heli-doono nabsi maalkii oo ay noqon doonaan kuwo Talaabooyin waaweyn oo sharci inla qaada, Anigoo Anigu Jawaabta ku horaynaya waxan is leeyahay Marka Samirka bulshadeena, iyo Dakharada ay inaga soo gaadhay kuwii aynu hormuudka kasoo dhiganay, waxaynu ka helaynaa wixii aynu kuwii waaweynaa ka waynay kuwan maanta ayey ila tahay Caqligaygii. Wa bilaahi tawfiiq.
Leave a comment |
|