Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ciidanka Booliska Kala Qaybgalay Munaasibad Ay Kusoo Bandhigeen Maandooriye Tiro Badan Oo Ay Soo Qabteen Xalay.

0
Thursday July 29, 2021 - 21:10:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ciidanka Booliska Kala Qaybgalay Munaasibad Ay Kusoo Bandhigeen Maandooriye Tiro Badan Oo Ay Soo Qabteen Xalay.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ciidanka Booliska Kala Qaybgalay Munaasibad Ay Kusoo Bandhigeen Maandooriye Tiro Badan Oo Ay Soo Qabteen Xalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ciidanka Booliska Kala Qaybgalay Munaasibad Ay Kusoo Bandhigeen Maandooriye Tiro Badan Oo Ay Soo Qabteen Xalay.
Hargeysa-29-07-2021(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ciidanka Boolisku bulshada ugu soo bandhigayeen tiro badan oo maandooriyaha xashiishadda loo yaqaanno ah oo ay hawlgallo kusoo qabqabteen habeenimadii xalay.
Madaxweynaha oo saaka xafiiska kaga maqnaa hawlaha ololaha nadaafadda caasimadda Hargeysa, ayaa xarunta Birmadka ee ciidanka Booliska kaga qaybgalay bandhig shacabka lagula wadaagayey maandooriyaha xashiishada oo si farsamaysan loo qariyey, balse ay ciidanku ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan, si ay bulshada uga badbaadiyaan fasahaadka maandooriyahan.
Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ololaha la dagaallanka maandooriyaha ee ay ciidanka Boolisku ku hawllan yihiin, waxana uu tilmaamay inay heegan ugu jiraan ciidanku sidii loo fashilin lahaa tabaha iyo xeeladaha kala duwan ee ay adeegsadaan kuwa dalka ku fasahaadinaya noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa ciidanka Booliska ku bogaadiyey ciidanka Boolista sida hagar la’aanta ah ee ay bulshadooda ugu adeegayaan, waxana uu xusay inuu kalsooni badan ku qabo shaqadooa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo indhihiisa ku arkay tirada xashiishadda ah ee ay ciidanku gacanta kusoo dhigeen, ayaa ciidanka Booliska iyo hoggaankooda ku hambalyeeyey, waxana uu kula dardaarmay inay halkaas kasii wadaan daacadnimada iyo waddaniyadda ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegayaan, waxana uu yidhi,"Aad iyo aad baannu u hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, ummaddiinuna way idiin ogtahay shaqada aad u haysaan, waan idin hambalyeynaya, qarankiinnuna wuu idiin ogyahay waxaad tihiin, dhibkaad qabtaanna waannu idiin ognahaye waxan idinkula dardaarmayaa, halkaas qarankiinna kasii wada, nabadgelyadana inoo ilaaliya.”


Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured