"Shir-gudoon ee labada dhinac soo kala xuleen( faraton iyo Crisaaq)...C/risaaq halkee ayuu Somaliland kaga yaala, crisaaq waa ninkii Maalintee". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Thursday July 29, 2021 - 21:11:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shir-gudoon ee labada dhinac soo kala xuleen( faraton iyo Crisaaq)...C/risaaq halkee ayuu Somaliland kaga yaala, crisaaq waa ninkii Maalintee". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "Shir-gudoon ee labada dhinac soo kala xuleen( faraton iyo Crisaaq)...C/risaaq halkee ayuu Somaliland kaga yaala, crisaaq waa ninkii Maalintee". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shir-gudoon ee labada dhinac soo kala xuleen( faraton iyo Crisaaq)...C/risaaq halkee ayuu Somaliland kaga yaala, crisaaq waa ninkii Maalintee". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa(Xogreebnews)- "Taariikhdu waxay Umadaha u iftiimisaa Tagtadii hore macluumaadkii ku duugnaa, sidoo kale waxay jaangoysaa Timaadada (Mustaqbalka) ku  talo-galkeeda, waxaynu ognahay qisas badan oo quraankeena kariimka ah ku jira, inaanay ahayn Sheeko ay yihiin xikmad  muhiim u ah  noloshaada joogta iyo ta soo socotaba maaraynteeda, kolkay sidaa tahay haddii ay umadu noqoto mid seexata oo soo toosta waxay luniin kaga jiraan meertada nolosha.
 Haddii aan u gundo dego dulucdayda qoraalkayga may ahayn aragtidayda inaynu is barbar erino labada Shir-gudoon ee labada dhinac soo kala xuleen( faraton iyo Crisaaq), haddii aynu ahaan lahayn dad leh  marjac ama Taariikh intaan doorashoba la gaadhin waxaa dhici lahayd inay Masuuliyiinta Labada dhinac soo kala xulay midkood ay galaafato arrintani, taageero badana ku waayaan, masuuliyiinta mucaaridka ama kuwa muxaafidka.
Waayo arrintani waxay Si cad u sheegaysaa labada qaybood mid waliba lexejeclada uu ka qabo wadanka inta ay leeg tahay, maaha laba nin baa lakala dooranayaa way ka qoto fog tahay, waayo waa  kursigii Sadexaad ee  wadanka ugu Sareeyey waana Masuuliyad aad u wayn oo mustaqbalkeena raad weyn ku leh, kolkay halkaa taagan tahay Faraton iyo Crisaaq Khaliif cida Soo kala Xushay waxay Cadaysay mid walba  Lexejeclada iyo Xilka uu iska saaray wadanka inta uu leeg yahay.
Sidaa daraadeed waxa aan ninaba ka khaldanayn faraton inuu Somaliland garka wadne  kaga yaalo, aan nidhaanee Crisaaq halkee ayuu Somaliland kaga yaala, amaba aan si kale u idhaahdee faraton waa ninkii maalmo badan oo adag lagu baxsaday maalin hebla maalin hebla,iwm, crisaaq waa ninkii Maalintee? Madaxda Mucaaridku waxay Waxay sheegeen uun Masuuliyada Umada ay madaxtinimada ka doonayaan Sida ay agtooda ugu fududahay.
Waxan haddaba u soo jeedinayaa Xildhibaanada Cusub inaanay iyana sidaa masuuliyiinta Mucaaridka lexejeclada wadanku agtiina khafiif ugu noqon oo ay nin walba weelka uu sito wax ugu shubaan Wa bilaahi tawfiiq.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured