"Mucaaridku Waxay Cadaalad u Yaqaanan In Sidii ay Doonaan Loo Yeelo" Siyaasi Kayd.
"Mucaaridku Waxay Cadaalad u Yaqaanan In Sidii ay Doonaan Loo Yeelo" Siyaasi Kayd.
Hargeysa(Xogreebnews)-Waxaa wax lala yaabo ah inuu Bani-aadamku naftiisu siday u Hadlayso, waxay ku hadlayso, garan-kari waydo oo Saacad kasta isla Qumaado,Waxaad Xasuusan tihiin Cidii ugu horaysay Ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee Cusub Meel ku xaraysata inay ahaayeen Mucaaridka, rag waaweyn oo iminka iska dhigaya inay waayeelnimo ku hadlayaan ay u riyaaqsanayeen, iminka Markii uu nin waliba wixiisii xaraystay Ee lays biyo dhiijiyey ayey kuwii Mucaaridka ahaana leeyihiin xildhibaana la xaraystay, kuwii u riyaaqsana hadda leeyihiin 82 ka xildhibaan haloo daayo iyagaa leh doorashada Shir-gudoonka, Cidii laga fadhiyi waayey mucaaridkay ahaayeen, in laga hadlaana maalintaas ayuu ahaa, maaha maanta.
Waxaa hubaal ah inuu xisbiga kulmiye iyo hogaankoodu, sii daayeen oo aanay xoog iyo awood ay xaq u lahaayeen ka gaabiyeen iyagoo iska ilaalinayey inaanay Mucaaridku odhan awood dawladeed ayaa naloo adeegsaday, taasi waxay dhashay inay Mucaaridku ku boori kaasaan Dadku waxay u Codeeyeen Mucaaridka iyo isbedel, mayse ahayn xaqiiqadu Sidaase, waxay ahayd arrin ka timi inay Masuuliyiintii kulmiye hagaysay Ka gaabiyeen Shaqadoodii iyo marin habow ay raggii xisbiga Budhtuurka u ahaa Samaynayeen.
Haddaba Ragga Maanta leh madaxweyne Shir-gudoonkana ugu dar Mucaaridka, waa kuwo ay farxadoodu tahay inla laba debleeyo madaxweynaha Iyo dawladiisaba, waxanan u arkaa laga soo bilaabo Bilowgii Doorashada ilaanta oo halkeedii ugu dambaysay la joogo, afartaas Casho ee loolanku Socday ayaa Wax shaqo ah oo xisbiga Xaggiisa loo qaaday la qabtay.
Mar hore ayaan idhi haddii cadaalada aad doonaysaan tahay in mayirnimada laydiinka qaado Xildhibaanka kulmiye oo laydin fadhiisiyo, haddii cadaalada aad doonaysaan tahay inaad ku dhaqantaan qabyaalad qaawan oo aan gabasho lahayn agtiinana geesi ka yahay afku xoog-layaasha laxanka Saara qabyaalada ,afar qof oo cid kale ahi haddii ay israacana ay dayrkii makka gubayaan, mar haddii Cadaalada aad rabtaan tahay in rabitaankiina laydiin yeelo markasta, idina aad faan ka dhigaataan aad dadka dheer tihiin,
Waxaa u baahan tihiin inaad iska soo xushaan Cidii idiin sheegi lahayd Marka laydinka Guulaysto iyo Markaad Guulaysataanba inay Cadaaladi dhacday oo aanay cadaaladu ahayn Sida aad doonaysaan.
Leave a comment |
|
"Mucaaridku Waxay Cadaalad u Yaqaanan In Sidii ay Doonaan Loo Yeelo" Siyaasi Kayd.
"Mucaaridku Waxay Cadaalad u Yaqaanan In Sidii ay Doonaan Loo Yeelo" Siyaasi Kayd.