FAAIIDOOYINKA NAAS NUUJINTU AY U LEEDAHAY ILMAHA YAR IYO HOOYADA. W/Q Dr.Abdilahi Mohamed Abdi.

0
Tuesday August 03, 2021 - 03:41:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    FAAIIDOOYINKA NAAS NUUJINTU AY U LEEDAHAY ILMAHA YAR IYO HOOYADA. W/Q Dr.Abdilahi Mohamed Abdi.

    FAAIIDOOYINKA NAAS NUUJINTU AY U LEEDAHAY ILMAHA YAR IYO HOOYADA. W/Q Dr.Abdilahi Mohamed Abdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAAIIDOOYINKA NAAS NUUJINTU AY U LEEDAHAY ILMAHA YAR IYO HOOYADA. W/Q Dr.Abdilahi Mohamed Abdi.
Bismillahi rahmani raxiim maanta waxaynu maqaalkeena kaga hadli doonaa oo aynu ku lafi guri doonaa faaiidooyinka naas nuujintu ay u leedahay ilmaha yar ee dhallaanka ah iyo hooyada lafteeda . Haddaba inta aynaan u gudbin faaiidooyinka waxaan isku dayi inaan iftiimiyo waa maxay naasnuujintu ?? Naasnuujinta waxa si dhamaystiran diinteena islaamka aad ugu dheeraatay . balse markaynu ka eegno dhinaca qeexitaataanka hay;adda caafimaadka waxay noqonaysaa nuujinta ilmaha yar ee dhallaanka ah 24 ka bilood ee noloshiisa Imaha yare e dhallaanka ah ,  Iyada waddarta nuujinta naaska ay ku jirto 6 bilood ee khaaska ah ee aan ilmaha dhallaanka ah iyada oo aan ilmaha dhallaanka ah wax cuno iyo caano kale ah aan midna la siinayn lixda bilood ee nolosha ilmaha ugu horeysa . 
Haddaba waxaa iswaydiin leh si aan akhristayaasha ugu soo  koobno si ay uga faaiidaystaan maqaalkan xanbaarsan faaiidooyinka ay naas nuujintu u leedahay ilmaha yar ee dhallaanka ah iyo hooyada lafteeda . si aynu si fudud u fahamno faaiidooyinka naasnuujinta waxaynu sharax kooban ka bixin doonaa waxaa loo yaqaano (exclusive breast feeding) : waxa uu macnaheedu in la nuujiyo ilmaha lixda bilood ee ugu horeysa noloshiisa iyada oo aan la siinayn waxyaabo kale haddii ay cunto iyo biyo tahay labadaba . Sababtuna waxay tahay  caanaha naaska hooyadu waxa ku jira dhamaan quudkii uu ilmaha yar quudan lahaa lixda bilood ee nolashiisa ugu horeeya . Tani waa marka hooyada iyo ilmaha ay caafimaad ku naalloonayaan ee ay bad qabaan taasi waxay inoo sahleysaa inaan faham dhmaystiran ka haysano faaiidooyinka ay naasnuujintu u leedahay ilmaha yar . 
Faaiidooyinka ay caanaha naaska hooyadu ilmaha yar u leeyihiin :
Caanaha naaska hooyadu waacunto diyaarsan oo rasmi ah  kuwaasi oo bisil oo heerkulkooduna yahay mid ku haboon inuu ilmaha yar jiqi karo goor kasta oo la nuujiyo .(Human milk is ideal food for neonates. It provides species- and age-specific nutrients for the infant) .
Waxaa ka dhaxeeya xidhiidh cilmi nafsi kaas oo ilmaha yar xataa marka uu hadhow waynaado uu hooyadii jeclaan doono . waayo ilmaha yare e dhallaanka ah ee naaska jaqayaa waxaa jirta waqti uu kala garto hooyadii iyo bulshada kale ee la nool(infant Stranger anxiety ) waana mid rabaniya oo illahay ku abuuray ilmaha yar ee dhallanka ah markuu caafimad qabo Psychological Effects(Bonding between Mother and the baby ) .
Waxaa ku jira caanaha naaska hooyada  waxa lasocda qaar kamida  ka mida unugyada hab difaaca hooyada sida :- Immunoglobulin.A , Complement, macrophages, lymphocytes, lactoferrin, lactoperoxidase, and lysozymes. Dhamaantood waxay illaaliyaan ilmaha yare ee aan hab difaaciisu qaan gaadhin badi xanuunada ku dhaca  dheedhsiidka sida shubanka , iyaga oo badi ka hortagaya feyrasyada keena shubanka sida rota viruses ka iyo dhamaan bacteeriyada keenta xaalahasi oo dhan . sidoo kale waxay caanaha naaska hooyadu ilmaha yar ka dhowraan cuduro kale oo fara badan sida : oofwareenka caruurta ku dhaca (Pneumonia) , dhega qarxa ama xuubku dillaaco(otitis media),bacteriyada keenta qoorgooga caruurta ku dhaca (bacterial meningitis) . infection ka kaadi mareenka ku dhaca  iyo qaar kale oo faro badan .
Caanaha hooyadu waxay hore u koriyaaan maskaxda ilmaha yar (Cognitive development) . 
Faaiidooyinka ay Naasnuujintu hooyada u leedahay :
Saynisku waa  faaiidooyinka quraanka ku jira kuwaasiinta illaahay fahamsiiyaa ay kala soo baxdo cilmiga ku duugan . sidaynu ognahay quraanka kariimka ahi seddex ayuu ayaabuu inoo sheegaa inta badan waa sababta leeyahay quraanku waa mucjiso waareysa  : 
Qisooyin cilmi xambaarsan oo waqti hore socotay
Qisooyin cilmi xambarsan  oo waqti xaadirkan taagan . Taasi oo ay inyar oo faro ku tiris ahi fahamsan tahay . illaahay ha ina fahamsiiyee .
Qisooyin cilmi xambaarsan oo soo socda .
Sidaasi darteed waxaynu sheegi doonaa waxtarka iyo cudurada ay naas naajintu ka illaalin karaan  hooyada :-
Waa kala koriye caanaha naasku 6 weeks ka ilaa 3 bilood ee ugu horeeya markay hooyadu umusho kadib , sababtoo ah naas nuujintu waxay dib u dhigaysaa dheemadii xaydka ama caadada keeni lahaa .
Hooyooyinka naaska jaqsiiyaa caruurta uma sahlana ama uma nugla inay ku dhacaan xanuunada ku dhaca hooyooyinka aan naaska jaqsiin caruurta sida kansarka naasaha ku dhaca , kansarka  ilmo galleenka .


Hooyada naaska nuujisaa inta badan lama kulmaan khalkhalka caadada  ama xaydka . 
…………………..see you next time inshallah .
W/Q Dr.Abdilahi Mohamed Abdi
       MD, Advanced Trained of Forensic Medicine .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured