"Ninkii Awrka watay ayuun Dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof...Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye".Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

0
Wednesday August 04, 2021 - 02:46:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ninkii Awrka watay ayuun Dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof...Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye".Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

    "Ninkii Awrka watay ayuun Dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof...Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye".Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninkii Awrka watay ayuun Dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof...Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye".Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa(Xogreebnews)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheeko farxashamaysan oo la xidhiidha Doorashada Shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, qoraal kooban kaga Hadlay, isla markaana ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Sheekadda Maanta Iyo Shir Gudoonka: Hanbalyaddii hore ayaan u dhiibee bal sheekadda aan bilaabo. 
Beri ayaa nin reer miyi ahi intuu magaaladdii soo galay isagoo halkii laga soo galyey maraya oo aanay dad waddada mareynin cid kale ay arkeen laba nin oo tuug ahi. Waxay qorsheeyeen khidad ay ku kaxaystaan Awrkaasi uu ninku watay. 
Ninkii oo Awrkii wata oo xadhigii uu ku hogaaminaayey gacanta ku haysta oo Awrkiina daba socdo ayaa labaddii nin ee tuugta ahaa soo daba galayaan. Isagoo ninkii Awrka watay aan arkeynin ayeey aayar Awrkii xadhiga lagu waday ka saareen oo mid ka mid ah tuugtii ayaa qoorta la soo sudhay, halka uu tuuggii kalena uu xadhig kale Awrkii ku kaxaystay.
Ninkii reer miyiga ahaa wuxuu u haystaa inuu Awrkii wato ileyn waatan uu xadhigii wax culus ku jiidayee isagoo u haysta inuu Awrkii wato. Wuxuu socdaba cabaar kolkuu tuuggii Awrka kaxaystay libdhay ayaa tuuggii kale ee xadhigu qoorta u sudhnaa is yara adkeeynayaa. 
Ninkii Awrka watay ayuun dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof, anfariir iyo af kala qaad ayaa ninkii reer miyiga ahaa qabsanaya. Isagoo indhaha ka belef belef siinaya oo afkii kala qaaday yaab dartii ayaa tuuggii xadhiga qoorta u sudhnaa ee uu watay odhanayaa; "Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galayeā€¯



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured