Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa. Qalinkii Liibaan Jamac Hilif

0
Thursday August 05, 2021 - 02:44:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa. Qalinkii Liibaan Jamac Hilif

    Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa. Qalinkii Liibaan Jamac Hilif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geel Jire Geela Wuu Wada Jiraa, Waanuu Kala Jiraa. Qalinkii Liibaan Jamac Hilif
Jawaabtii Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Soomaaliland Cumar C/laahi Aadan (Cumar Sayid)  uu kaga  jawaabay Cabshadii shaqo la’aneed ee dhalinyarada Reer Berbera, waxa ay ahayd cabudhin iyo cadaadin uu ku duraayayey dayarta Magaaladaasi oo duruufo nonololeed oo ay kaga soocan yihiin goboladda kale u gaar tahay, haday tahay laydh laan iyo Shaqo la’aan iyo sidoo kale baahiyo badan oo dhanka nolasha ahi.
Maareeyuhu waxa si badheedh ah u dedafeeyay 18 bishan dhamaatay ee july cabashada da’yartaa reer Saaxil, waxaanu sheegay in Dadka reer Soomaaliland u siman yihiin Khayrraadka Gobol kasta balse Reer Berbera ay xaq u leeyihiin saami boqolkiiba tobon ah 10% wixii shaqo ah ee ka soo baxda Madaarka Berbera.
1-da August 1, 2021 waxa uu magcaabay 7  Agaasime Waaxeed, iyo laba Madax Qaybeed oo ka hawlgalaaya Xarunta Hay’addda Duulista iyo Madaaradda ee Soomaaliland iyo Maamule iyo Hal  Maamule ku xigeen iyo 19 Madaxqaybeed oo ka hawlgalaaya Madaarka Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Soomaaliland, ma jirto cid reer Saaxil ah oo uu ku daray magcaabistiisaa hal qofna ha ahaate, taasi waxa ay cadayn u tahay cadaadis iyo cabudhin lagu duraayo cabashada shaqo la’aaned ee  haysta bulshada ka soo jeeda gobolka saaxil.
Wasiirda ka soo jeeda Gobolka Saaxil maaha iyana qaar ka turjuma ama u adeega bulshada Gobolka saaxil waxa ay xilaalka Wasaaradahooda ku naasnuujiyaan  dhalinta ka sooo jeeda beesha Hargaysa, iyaga oo ku raaligalinaaya Madaxweynaha Qaranka JSL.


Cumar Sayid waxaanu leenahay,  way jireen qaar Saaxil ka soo jeeda oo halkaa kula jooga hadaad qabto in wax la qaybsado, balse arintani waa mid kuu dhaqan ah 7dii sano ee aad Agaasimaha Guud ahayd iyo Maanta oo aad Maareeyaha Hay’adda Madaarada tahayba inaad Reer Saaxil la dagaalanto, 
Ugu Danbayntii Mudane Madaxwweyne  waxaanu arintaa u aragnaa Dagaalka ay Madaxda Dawladda dhexe kula jiraan bulshada Gobolka Saaxil mid adiga lagaaga fogaynaayo oo nacayb laguu galinaayo, waxaanu kaa codsanaynaa inaad dib u eegto hab-dhaqanka madaxdaas aanu kor ku soo sheegnay oo ay manta taagaan tahay Talaabadaas Maareeye Cumar Sayid ku Magacaabay 50ka qof ee aanu reer saaxil cid kaga dariin, iyagana laa hortaagan yahay saami qaybsi ayaa jira isga oo adiga iska kaa dhisaaya.
Allaa Mahaad Leh 
Da’yarta Gobolka Saaxil
Liibaan Jamac Hilif
0634040288


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured