WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL QOWLKII SOMALILAND
|
WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013
TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL
QOWLKII SOMALILAND
|
 |
XOGAHAYAHA GUUD SOLJA Maxamed-Rasid Muxumed Farax |
|
ARAAR:
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee
SOLJA una taagan ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta Somaliland iyo
tayaynta, sidoo kalena ah Urarka keliya ee Saxaafaddu leedahay ee sifo
sharci ah lagu aasaasay, isla markaana ay ku mideysan yihiin inta ugu
badan hay’adaha Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawlgasha.
Dhanka kale, Ururka SOLJA waxa
xubinimo buuxda ka haysta ku dhawaad 300 Suxufi oo isugu jira rag iyo
dumar, isla markaana ka hawlgala gobolada iyo dagmooyinka dalka , SOLJA
iyagoo kaashanaya Ururada xuquuqal insaanka iyo kuwa u ololeeya xoriyada
saxaafada iyo xoriyatal qowlkaba, waxa uu xil-weyn iska saaray sidii
Somaliland u noqon lahayd dal uu ka jiro jewi ku haboon Saxafadda iyo
Suxufiyiintu-ba.
Haddaba marka indho-fayo qaba lagu
eego xaalada cabudhida, cagajuglaynta, iyo xadhiga saxafadda Somaliland
iyo sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo hab-dhaqano cusub oo ugub ku ah
Somaliland ,kuwaasoo sida ururku xogo ku helay lagu damacsanyahay in
hayadaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta lagu kala qaybqaybiyo ,isla
markaana la abuuro saxaafad saaxad ka baxsan hanaanka dimuqraadiyada
,taasoo hadii ay u suurto gasho xubnaha ku hawlan in bulshadu waydo xog
sugan oo ay ku go,aan qaataan iyo mid ay rayigooda ku cabiraan.
Sidaa awgeed waxaanu ka codsanynaa
m/weynaha jamuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo
inuu ilaaliyo xoriyatal qawlka , kana taxadiro in warnbaahinta iyo
isaga u dhaxeeyaan dad dano gaara uga faaiidaysanaya
Geesta kale waxa uu ururuka
Suxufiyiinta Somaliland ee solja baaq u dirayaa wadamada deeq
bixiyayaasha iyo ururada caalamiga ah ee saxaafada iyo kuwa xoruyatul
qawlka daneeya ,kuwa xuquuqal insaanka inay arimahan wax ka qabtaan oo
si toosa iyo si dadbanba ula socdaan dhaqdhaqaaqyada isa soo taraya ee
ka socda Somaliland inta ay wax ka qabashada leedahay .Anagoo uga
digayna ururadaa iyo hayadahaas inay ku amba baraan xili ay wax waliba
faraha ka baxeen
muuqata in sanadba sanadka kale
kasii kordhayo inta ay xukumada ahmed maxamed maxud silaanyo talada
dalka gacanta ku dhigtay, SOLJA oo in farabadan shirar iyo kulana ay
arintaa ku lafa gurayso qabatay ayaa waxa kazoo baxay in ay xukumadu
masuul ka tahay burburinta xoriyatal qowlka Somaliland.
Halkan waxaanu kusoo gudbinaynaa
qoraalka iyo warbixin uu ururuku kusoo bandhigayo tacadiya hayadaha
warbaahinta,Suxufiyiinta iyo muwaadiniinta rayigooda cabirey ee xadhiga
iyo tacadiga loo gaystay mudadii u dhaxaysay JAN-JULLY -2013. ,iyagoo
faahfaahsana waa sidan,
|
 |
C/fataax ismail Caarshe |
|
2/2/2013
Cabaara 9:30 subaxnimo ayaa
waxaa la xidhay weriye C/fataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan wargayska
madaxa banaan ee ogaal ka dib markii uu waraysi iyo sawiro ka qaaday
abwaano iyo fanaaniin ka cabanaya wasaarada warfaafinta iyo m/waynaha oo
ka saaray xafiiskoodii
waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee
magaalada Hargaysa waxaana lasoo daayay 3 saacadood ka dib markii ay
fanaaniintii ka tagi waayeen saldhiga hortiisiii.
|
 |
Maxamed Cadilaahi Qonbor |
|
10,February,2013
Maxamed Cadilaahi Qonbor weriye
madaxbanaan ah waxaa lagu xidhay saldhiga dagmada tog wajaaleoo loo
xidhay war uu shalay baahiyay waraysigaasi oo uu la yeeshay taliyaha
sir doon ka dagmada tog wajaale mr jaamac boorama kaasi oo ku saab
sanaa askar ka tirsan booliska somaliland ee ka hawl gala kastamka
wajaale oo utalabay dhinaca Ethopia hahlkasi oo ay ugaleen milatariga
Ethiopia oo dhaawac ka soo gaadhay 2 kamida askarta gaadhigiina lagala
hadhay markii uu milatariga Ethiopia uu ka shikiyay hadaba taliyaha sir
doonka mr jamac boorama
|
 |
Maxamed Aadan Dirir |
|
01 march,2013
12:00 am kii duhurmino waxaa
magaalada caynabo lagu xidhay maxamed aadan dirir oo ka tirsan
televationka Somali chanel taas oo lagu eedeeyay in uu jeelka xoog ku
galay oo uu waraysi ka qaaday dad maxaabiisa taas oo amarka xadhigiisa
bixiyay taliyaha qaybta boliska
Arintaas oo solja kala hadashay
inaanay macquul ahayn in weriye aan hub sidani aanu xoog ku gali Karin
jeel ay askar hubaysani ilaalinayso
Intaa kadib waxaa weriyahaasi dib xoraydiisii loogu soo celiyay oo lasoo daayay 11,march,2013
Dhinaca kale weriye maxamed aadan
dirir oo sanadkii horena laba jeer lagu xidhay caynabo ayaa niman
bilaysi ugu hanjabeen inaanu war danbe caynaba ka diri Karin sidaa
daraadeed wuxuu usoo wareegay markii ay naftiisii halis gashay magaalada
bali gubadle oo warka uga soo diro televationka Somali chanel sida uu
ii cadeeyay 3,july mar aan kula kulmay magaalada Hargaysa
|
 |
C/naasir khaalid Siciid |
|
18,March,2013
Waxaa lagu xidhay magaalada badhan
weriye C/naasir khaalid Siciid oo ah weriyaha magaalda ceerigaabo uga
soo warama tv-ga Somali chanel taas oo xadhigiisa uu ka danbeeyay
badhasabka gobolka badhan
Maxamuud saalax ciyoon waxaana la
hadlay badhassabka ururka solja oo uu ka ogolaaday cabaara 11-kii
habeenimo oo weriyahaa xabsigii laga sii daayay
|
 |
khadar maxamed xasan |
|
28,March 2013
Waxaa la xidhay 9-kii subaxnimo
weriye khadar maxamed xasan oo ka tirsan televation-ka somalisat ka dib
markii ay ka cadhootay war uu sii daayay hayada ayoda oo awood badan ku
leh gobolka awdal waxaana lasoo daayay maalintii danbe.
|
 |
khadar maxamed xasan |
|
4,April,2013
Waxaa magaalada Boorame lagu xidhay
markii labaad weriye Khaddar Maxamed Xasan oo hadana ay xadhigiisa mar
labaad amartay hayada ayoda
Waxaana lasoo daayay malintii labaad ee 5/4/2013
|
 |
Yaasiin Jaamac Cali |
|
08/4/2013
Waxaa magaalada Berbera lagu xidhay
weriye Yaasiin Jaamac Cali oo ka tirsan ugana soo warama gobolka saaxil
tv-ga universal iyo website-ka hadhwanaag ka dib markii lagu eedeeyay
war shir jaraaid ah oo ay qabteen odayaal iyo xilibaano golaha deegaanka
berbera ka tirsan oo ka cabanayay wershada sibidhka ee m/wayne
siilaanyo uu usoo qoray mulkiilaha dahabshiil maxamed siciid ducaale
Warkaas oo laga sii daayay
televationka universal taas oo xadhiga weriyaha uu amray badhasaabka
gobolka saaxil cali afdheer halka uu isagana amray in lasoo qabto
weriyaha tv-ga Somali chanel uga warama gobolka saaxil maxamed c/laahi
soo fadhiiste oo isagu dhuumasho kaga baxay berbera oo aan
Isaga la qaban waxaana weriye yaasiin lasii daayay labo cisho kadib 10/4/2013
|
 |
C/kariin Muxumed Cade |
|
April, 9, 2013
Waxaa xabsiga Gabiley loo taxaabay
weriye C/kariin Muxumed Cade oo wargayska Hubaal uga soo warama
Magaalada Gabilay amarka xadhigiisana waxaa bixiyay Maayarka Gabilay Mr.
Shucayb Maxamed Muuse oo ka cadhooday war lagu baahiyay wargayskaa
waxaana weriyahaa xoriyadiisii dib loogu soo celiyay 6 maalmood ka dib
15.4,2013
Ka dib markii ururka SOLJA xoog ku
saaray Maayarka oo dalbaday in odayaashiisii u keeno weriyuhu taas oo
dhaqanka dawladan kulmiye dhawr jeer oo hore weiyayaal shuruud uga
dhigeen.
|
 |
C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte) |
|
|
April.13.2013
Waxaa Magaalada Hargaysa lagu
xidhay xarunta C.I.D-da inta ay askarta (RRU)-du garaacday sadex weriye
oo ka tirsan TV-ga Horn Cable oo lagu magacaabo
1. Mukhtaar Mursal Maxamuud (Xiin)
2. C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte)
3. Maxamed Daa’uud Yuusuf oo Camera-man Taasi oo uu xadhigooda amray wasiirka
macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale kadib markii uu kula balansanaa
inuu waraysi ka siiyo heshiisyo patrol qodis ah oo shirkado heshiis kula
soo galay waxaana weriyayaashaa lasii daayay afar saacadood ka dib oo
ahayd cabaara 2-dii duhurnimo
|
 |
Maxamed Daa’uud Yuusuf (Camera-man) |
|
|
April,22,2013 Waxaa magaalada Hargaysa lagu xidhay
laba weriye oo kala ah C/raxmaan C/laahi Muxumed(fantaastik) iyo C/qani
Xasan Cilmi(dawlad)oo ka tirsan tv-ga bulsho cabaara 9-kii subaxnimo
ka dib markii ay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ay damceen inay
warbixin ka diyaariyaan dayac ka muuqday iyagoo isku dayay inay
wasiirka waraysi ka qaadaan ayna u suurto gali wayday ayay askartii
wasaarda oo la tuhunsanyahay inuu wasiirku xadhigooda kusoo amray u
qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa oo ay ku xidhnaayeen ilaa
5-tii galabnimo oo lasoo daayay
|
 |
Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) |
|
April 24 2013
Cabaara 11; 30 habeenimo waxaa weerar
hubaysan lagu soo qaaday xarunta wargayska Hubaal ee Magaalada Hargaysa
taas oo ay fuliyeen laba nin oo afka duuban oo ku hubaysnaa baastoolado
iyo budhadh ay dhaawac ugu gaysteen Maareeyaha Wargayska m
Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo
Maxamed Muxumed Farad oo midkooba gacani jabtay labadaa nin oo mid
kamida ay qabteen halka kii kalena uu ka baxsaday oo sida uu sheegay
taliyaha Booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan inay labada ninba ka
tirsanaayeen ciidamada Booliska Somaliland
|
 |
weriye C/casiis Bashiir Nuur |
|
May 11,2013 Cabaara fiidkii waxaa Magaalada Hargaysa
saldhiga sheikh nuur lagu xidhay weriye C/casiis Bashiir Nuur oo ka
tirsan shabakada wararka ee Xogreeb kaas oo amarka xadhigiisa uu bixiyay
taliyaha saldhigaa oo ka cadhooday war laga qoray ciyaal budhcada oo
xaafadaa ka dilaacay waxaana lasoo daayay aroornimadii danbe
|
 |
Axmed Yuusuf Taraafiko |
|
May, 20, 2013
Waxaa Magaalada ceerigaabo lagu
xidhay weriye madax banaan oo magaciisa la yidhaa Axmed Yuusuf Taraafiko
oo baahiyay war maamulka khaatumo ku xusayay maalinta nadaafada waxaan
amarka xadhigiisa bixiyay badhasaabka gobolka sanaag waxaa xidhnaa mudo
ayaamo ah
|
 |
weriye CABDIrashiid Muxumed Qalinle (Arts) |
|
June 2, 2013
Waxaa xabsiga Magaalada gabilay
lagu xidhay weriye C/rashiid Muxumed Qalinle oo ah Farshaxan sawir
gacmeed ku sawiray raashin mucaawino ah oo dawlada Turkigu ku caawisay
Somaliland oo la musuqay waxaana soo dacweeyay oo xidhay ganacsade
bakhaar ku leh magaalda Gabilay oo iibiniyay raashinkaa mucaawinada ah
oo ku dacwooday sawir Cartoonka inuu ku jiro qof u muuqaal eeg
|
June-11-2013
Waxaa xayiraad albaabada loogu
xidhay xarunta wargayska Hubaal ka dib markii xeer ilaalinta guud ee
Somaliland kasoo dalbatay ,Maxkamda Gobolka Hargaysa kaas oo gudoomiyaha
maxkamada gobolka Faysal Dhagadhago uu amar xayiraada kasoo saaray oo
ilaa hadana aan wargayskii la daabicin
|
 |
Xasan Xuseen Cabdlaahi (keef-keef) |
|
|
3 July 2013
Waxaa Jeelka loo taxaabay maareeyaha
Wargayska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo tafatiraha
wargayska hubaal Xasan Xuseen C/laahi (keef-keef) ka dib markii uu
garsoore cisman fanax oo ka tirsan maxkamada Gobolka ee Hargaysa uu ku
riday xukun hal sano iyo labo sano ah iyo lacag ganaaxa oo midkiiba laba
milyan oo shilling Somaliland ah
Iyadoo maalin kadib damaanad lagu
soo daayay labadaa suxufi ,markii racfaan laga qaatay kiiskaas oo
makamada racfaanka laga damiintay
|
 |
Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) |
|
|
DADKA QORAALADA IYO CABIRKA FIKIRKOODA LAGU XIDHAY SANAFDKA 2013 |
 |
Jaamac Cilmi Siciid (jiir) |
|
27.march,2013
Aqoon yahan Jaamac Cilmi Siciid
(jiir) waxaa gelinkii danbe lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada
Hargaysa kaas oo lagu eedeeyay maqaal uu warbaahinta ku qoray oo uu kaga
hadlayay in beesha ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxwaynaha Somaliland
mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sad buursiimo qaraaba kiila iyo
musuqmaasuq ku hayaan dalka Somaliland intuu xilka m/weynaha siilaanyo
qabsaday iyo sidoo kale in ay wasiirada xukuumada ka mid yihiin qolo
wadaado ah oo xidhiidh la leh kooxaha islaamiyiinta ah ee mayalka adag
waxaana soo eedeeyay xeerilaalinta waxaana amarka xadhigiisa bixiyay
c.i.d-da waxaana maxkamada la geeyay iyadoo maxkamadu ku xukuntay
14.april,2013 xadhig dhan 6 bilood iyo ganaax
Lacageed oo dhan 6,00,000/=sl shilling
Sidaasi ayaa jeelka loogu gudbiyay sidoo kale 6-may-2013 ayaa xoriyadiisii loosoo celiyay kadib ,markii
|
2.june,2013
Sida lagu sheegay warbixin ay
2.june,2013 soo saartay hayada xuquuqal insaanka ee magaceedu yahay
Human rights center in Magaalada Hargaysa ay ku xidhan yihiin afar qof
oo wargayska fore uga waramay raashin mucaawino ah oo la musuqmaasuqay
halka weriyihii waraysiga ka qaadayna looga yeedhay xarunta danbi
baadhista Somaliland ee C.I.D-da
|
7.June.2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay
Abwaan Axmed Maxamed Nuur (dhako) oo gabay ka tiriyay uu ku naqdiyayo
xaalad sida la sheegayna waxaa xadhigiisa loo adeegsaday odayaasha
beeshiisa
|
 |
Mawliid Aadan Cumar |
|
8/June/2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay
Mawliid Aadan Cumar oo maqaalo ka qoray Baanka Somaliland sida uu uga
dhaco musuqsaaqu taas oo ilaa hada uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee
Magaalada Hargaysa iyadoo dacwadii maxkamaduna ay socoto kabid markii
xeerilaalintu dacwad kusoo oogtay halka isaguna uu ka qabsaday garyaqaan
u doodaya.
|
 |
Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole) |
|
10/JUNE/2013
Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay
Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole)fikir uu ku baahiyay bar uu ku
leeyahay mareegta ama boga xidhiidhka bulshada ee lagu wada sheekaysto
ee loo yaqaan FACEBOOK-ga ku qoray qoraalkaa oo fikirkiisa uu kaga
hadlayo Arintaas xadhiga muwaadinkaa ayaa waxa ay noqonaysaa markii u horeysay ee Somaliland lagu xidho qof facebook-ga wax qoray
|
 |
Jaamac Cilmi Siciid (jiir) |
|
11/July/2013
Waxaa mar labaad xabsiga loo taxaabay
11-kii habeenimo ee aqoon yahan Jaamac Cilmi (jiir) isagoo ku sugan
huteelka emperial ee Magaalada Hargaysa
Sida la sheegay waxaa aqoonyahan
jaamac jiir lagu xidhay maqaal uu ka qoray wasiirka duulista iyo hawada
maxamuud xaashi cabdi iyo madaxa baratakoolka wasiirka duulista iyo
hawada c/laahi axmed caarshe oo aqoonyahan jaamac jiir ,Uu ku eedeeyay
inuu m/wayne siilanyo uuka qori jiray maqaalo uu ku aflagaadayn jiray
markuu gudoomiyaha kulmiye ahaa inuu xaday qasabadihii gurigiisa uu
biyaha wakaalada si tuuga ah ku cabi jiray kaas oo uu hadana wasiirka
duulistu u doonayo xil agaasime guud.
|
 |
wariye Cali Idiris farax (cali xajar) |
|
18.july.2013 Cali idiris faarax (cali xajar) oo ka
hawl gala TVga SOMALI CHANEL waxa lagu xidhay magaalada saylac waxaana
xadhigiisa amray taliyaha ciidanka ilaalada xeebahaee aaga saylac
waxaana lasii dayay 24/jully/2013
|
 |
fahiima yasiin muuse |
|
20.jully.2013 Fahiima yaasiin muuse oo ka howlgasha
TVga UNIVERSAL iyo shabakada caanka ah ee oodweynenews.com masuuliyinta
heer dagmo iyo heergobol ay caga juglayn iyo jidhdil ugu gaysteen
askarta ilaalada u ah iyadoo wariye fahiima ku gudo jirta howleheeda
shaqo xarunta gobolkaas ee boorama.
|
XOGAHAYAHA GUUD SOLJA
Maxamed-Rasid Muxumed Farax
WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL QOWLKII SOMALILAND
WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL QOWLKII SOMALILAND