TELEFIISHANKII SL QARANKU GUUL-WADAYN MISE GARASHO LA’AAN- MINNESOTA DHACDO LA YAABAY BY ALI ABDI

0
Friday March 29, 2013 - 09:02:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TELEFIISHANKII SL QARANKU GUUL-WADAYN MISE GARASHO LA’AAN- MINNESOTA DHACDO LA YAABAY BY ALI ABDI

    Ilaa intuu uu maamulka cusub ee telefiishanka Qaranka Somaliland yimid waxa ka muuqda waxyaabo aad u faro badan oo ay xisbigii Kulmiye ku xaman jireen dawladdii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa intuu uu maamulka cusub ee telefiishanka Qaranka Somaliland yimid waxa ka muuqda waxyaabo aad u faro badan oo ay xisbigii Kulmiye ku xaman jireen dawladdii

Ilaa intuu uu maamulka cusub ee telefiishanka Qaranka Somaliland yimid waxa ka muuqda waxyaabo aad u faro badan oo ay xisbigii Kulmiye ku xaman jireen dawladdii UDUB ee Daahir Riyaalle Kaahin. Xisbiggii kulmiye markuu macaaridka ahaa wuxuu sidii fiinta uga qaylin jireen in Telefiishanka Qaranku uu yahay mid aan dhex u ahayn xisbiyadda mucaaridka ah. Runtii gari Ilaahay bay taqaanaaye markii ay iyagu yimaadeenba ee uu Dhuxul noqday maamulaha waxbay ka badeleen sidii UDUB oo waxaad mooddaa inay waxoogaha cadaalad ah u sameeyeen xisbiyaddii kale ee mucaaridka ahaa.

Laakiin waxaan aad ula yaabay dhacdo aan dhowaan ku arkay Minnesota oo ahayd in TV qaranka Somaliland oo duubaya Xafladdii waftigii UCID ee dhowaan gobolka Minnesota yimid ee uu hogaaminaayey Musharaxa Madaxweynaha ee xisbigga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen iyo Axmed Keyse oo xoghayaha Guud ee xisbigga. Haddaba waxaa wax lala yaabo ah in ninkii u jooggay TVga Qaranka Minnesota oo duubay dhamaan xafladdii laakiin aan laga soo deynin TVga qaranka Somaliland, xataa wax war ah oo laga sheegay aanay jirin markii uu ay waftiga UCID safarka taariikhiga ah ku tageen golaha Baarlamaanka Minnesota oo ay qadiyadda Somalilandhalkaasi ka akhriyeen. Haddaba markii wiig ka dib ay arkeen warbaahintii oo si fiican uga hadashay xataa TV yaddii gaarka loo lahaa, ayaa intay isku xishoodeen ayaa waxay soo daayeen oo keliya sawir yar oo dhowr qof oo airportka ku soo dhaweeynaaya oo ay faallo xunna daba dhigeen. Iyagoo si mug leh u soo bandhigay xafladdii Af-Soomaaliga loogu dabaal degaayey oo uu sudhnaa calankii Soomaaliya. Haddaba maxaa keenay in TVga canshuurta reer Somaliland lagu bixinaayey inuu qaddiyaddii Somaliland marka ay mucaaridku waddaan inay qariyaan, arimaha ku saabsan dadka qadiyadda Somalilandka soo horjeeddana inay fidiyaan arrimahooda. Ma waxay ka tahay Guul-wadeeyn mise garasho la’aan.

Wabilaahi Tawfiiq

Ali Abdi

Minnesota, USA

aabdi1960@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured