Maalinta haweenka aduunka iyo wadamadii ilbaxda sheeganjirey oo kusoo hambaberey sharaf ridka haweenka filimada qaawanaanta ah ee la daawado.

0
Saturday March 09, 2013 - 17:31:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta haweenka aduunka iyo wadamadii ilbaxda sheeganjirey oo kusoo hambaberey sharaf ridka haweenka filimada qaawanaanta ah ee la daawado.

    Mudo dheer ayay Wadamada Reer Galbeedku iska indho tirayeen dembiyada laga galo Haweenka oo ay ka mid tahay inay Lacag u isticmaalaan qof maskaxdiisa yari waxkale oo uu ku noolaado u goynweydey iyadoo qofkaa Marta laga dhigo meel cidwaliba markaa daa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo dheer ayay Wadamada Reer Galbeedku iska indho tirayeen dembiyada laga galo Haweenka oo ay ka mid tahay inay Lacag u isticmaalaan qof maskaxdiisa yari waxkale oo uu ku noolaado u goynweydey iyadoo qofkaa Marta laga dhigo meel cidwaliba markaa daawanayso ama Warbaahinta laga daawandoono,waxay qofkaa ka dhigaan mid aan Damiir lahayn oo sida Mayeedhaanka u dhaqma,ha usii darnaadeen Dumarka waxyaabahaa ku shaqaysta iyadoo dhulka la jiido shraftii Bani Aadmiga Ilaah ku galaday.
Inkastoo aanay reer Galbeedku daacad ka ahayn inay kor u qaadaan Sharafta iyo Nolosha Haweenka Aduunka iyagoo sheegta masuuliyad gaara oo caalamka ka saaran hadana waxaa soo Bidhiiqaya Ifafaalo wanaagsan oo noqonkara bilow wanaagsan.

Kuwa isku sheega inay indhaha Gorgorka u leeyihiin wixii is hortaagaya xoriyada fekerka iyo hadalka ee wadamada reer Galbeedka ayaa qaylo dheer ku yeedhay ka dib markii ay maqleen hadalhaynta Mamnuucida Filimada Dadka Mudh iyo Gacanta ahi Metelaan ee laga ganacsado.iyagoo farta ku fiiqay in kuwa arimahaa gacmaha kula jiraa iska dhigayaan Bilayska Internetka iyo Warbaahinta,iyagoo sheegay dadkaa inaan cidina waxba udiran.


Maalinta Talaadada waxay Baarlamaanka Yurub ee Midoobey u codayndoonaan in sharci loo sameeyo wax alaale iyo wixii wiiqaya ama hoos u dhigaya karaamada iyo sharafta Haweenka.Arintan oo la dhuubay ayaa laga yaabaa inay u Sina balaadhato Daawashada iyo samaynta Filimada Dadka Qaaqaawan ee damiirka hooseeya iyo weliba faafinta xaga Mareegaha Internetka ee daawashada wax ay dadka reer Somaliland ugu yeedhaan Filimada Xunxun.

Waxaa yididiilo weyn ah dhowaan markii Wadanka Iceland uu guud ahaanba Xaaraantinimeeyey in Internetka laga daawado Filimada Xunxun.Arintan ayaa laga yaabaa inay wadamo badani ku daydaan ama sida inta wanaaga jeceli qabto baro dhaafiyaan oo wax horleh soo biiriyaan.

Aasaasihii Xisbiga Pirateka ee Iswiidhan Mr Rickard Falkvinge ayaa sheegey in sheekada ka socota Baarlamaanka Yurub inay tahay "Dagaal cad oo lagusoo qaaday Xuquuqdayada Aasaasiga ah ee inaanu xor u ahaano fikirka iyo Ficilkayaga".Christian Engstrom oo isaguna ah Gudoomiyaha isla Xisbigaa ayaa isaguna yidhi"Waa Jinkii oo isasoo baraxay".

Waxaan qormadaydan kaga baxayaa Inyar oo ka mid ah Suugaan Afsoomaali lagu qoro tii ugu Qiimaha badnayd waa Heestii Hooyo iyo Abwaankeena,Macalinkeena Filasoofiga iyo Siyaasigeena weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo,
Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo,
Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,
Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee,
Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo,
Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo,
Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo,
Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee,
Hayin lagu Badhaadhaay,Hogol lagu Qaboobaay.
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
Inta aad Hooyo Nooshahay,Hambalyo Salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan
Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna
Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo,
Hangal baan u xidhayaa inta haada duushiyo idil habar dugaagee
IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured