![]() Wasiir Samaale oo Halgan Adag ugu jira Burburinta shirka Beesha sacad muuse, iyo Xukuumadda oo Maalgalisay Gulufyo Baabiiya.
Wasiirka Maaliyada oo Garab ka helay Qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada silaanyo.
Gabiley (xogreebnews.com--Wasiirka maaliyada somaliland Mudane Cabdicasiis maxamed Samaale ayaa bilaabay halgan adag oo ku wajahan sidii loo baabiin lahaa shirkaasi beel weynaha sacad muuse ay ku qabsanayso degaanka Agabar ee gobolka Gabiley.
Wasiirka Maaliyada oo Garab ka helay Qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada silaanyo ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo Xubno kale oo Xilal ka Hayay Xukuumada ayaa guluf culus ku kiciyay Shirkaasi, Wasiirka Maaliyada iyo Xulafadiisa oo Dhaqaale Badan ku Bixinaya Burburinta Shirkan beesha sacad muuse ayaa sidoo kale adeegsanaya qaar ka mid ah cuqaasha gabiley iyo salaadiinta gabiley Arintan uu wasiirka maaliyadu ku burburinayo shirka beel weynta sacad muuse ayaa noqonaya mid uu meesha kaga saarayo Gudoomiyaha Kulmiye oo ay loolan adag ku wada jiraan halka uu gudoomiyaha kulmiye iyo masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka ganacsiga ay Rabaan qabsoomida shirka beesha sacad muuse. Kuwaasi oo ku rajo wayn in ay isku keenaan labadii garab ee uu u kala qaybsanaayeen odayaasha dhaqanka ee beel weynta sacad muuse. Dhanka kale Warar Gabiley news ka helayso ilo ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in wasiirka maaliyada iyo kooxdiisu ay wadaan Shir odayaal ah oo ay rabaan in ay warbaahinta kula hadlaan magaalada gabiley ah oo ay kaga soo hor jeedaan shirkaasi shir ay saaka Qabteen Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegnaka gabiley, dhalinyaro, Gudoomiyaha awal galbeed oo Tageersan shirka sacad muuse xukuumadana Dhaliilo ugu soo jeediyey arin ku saabsan Arintii wasiirka Ganacsiga hore looga hor joogsaday hoolka dawlada hoose ee gabiley kuwaasi oo xukuumada ugu baaqay in ay ka hadasho arintaasi. La soco Wararkayaga Danbe wixii ka soo kordha Loolanka iyo Wajiga Cusub ee ka dhex Qarxay Kulmiye iyo Beesha Sacad muuse… Leave a comment |
|
Wasiir Samaale oo Halgan Adag ugu jira Burburinta shirka Beesha sacad muuse, iyo Xukuumadda oo Maalgalisay Gulufyo Baabiiya.
Wasiirka Maaliyada oo Garab ka helay Qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada silaanyo.