“Turkigu Wuxuu Aqoonsanyahay Soomaaliya Mid Ah Oo Aan Kala Go’ayn Wada Hadalka Aanu Fududaynaynana Waxaanu Ku Boorin Doona In Midnimada La Ilaaliyo” Dr. Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

0
Tuesday April 02, 2013 - 08:05:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Turkigu Wuxuu Aqoonsanyahay Soomaaliya Mid Ah Oo Aan Kala Go’ayn Wada Hadalka Aanu Fududaynaynana Waxaanu Ku Boorin Doona In Midnimada La Ilaaliyo” Dr. Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

    — ankara (xogreebnews.com)Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu oo maanta gelinkii danbe u waramaayey telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yahiin dalka Turkiga oo fududayn doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

— ankara (xogreebnews.com)Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu oo maanta gelinkii danbe u waramaayey telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yahiin dalka Turkiga oo fududayn doona wada hadalo dhawaan la filayo in Somaliland iyo Soomaaliya uu ku dhex maro dalka Turkiga. “Turkigu Wuxuu Aqoonsanyahay Soomaaliya Mid Ah Oo Aan Kala Go’ayn Wada Hadalka Aanu Fududaynaynana Waxaanu Ku Boorin Doona In Midnimada La Ilaaliyo” Dr. Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

— ankara (xogreebnews.com)Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu oo maanta gelinkii danbe u waramaayey telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yahiin dalka Turkiga oo fududayn doona wada hadalo dhawaan la filayo in Somaliland iyo Soomaaliya uu ku dhex maro dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet DavutogluUgu horayn wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkigu wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Suuriya oo uu sheegay in dalkiisu uu si weyn iskaashi ugala samaynayo dalalka maraykanka iyo midawga yurub sidii loo wajahi lahaa qaab cusub oo lagula dhaqmo dalka Suuriya isla markaana dib loogu habeeyo mucaaridka dalkaasi.Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiya Ahmet Davutoglu wuxuu sidoo kale weraysigiisani oo dhinacyo badanleh kaga hadlay raali gelintii ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu dhawaan ka siiyey dalka Turkiga dhacdadii sannadkii 2010-kii lagu dilay muwaadniniin u dhashay dalka Turkiga oo marka la socday markab dawooyin iyo raashin u waday dadka deegaanka Qasa ee falastiin oo ciidamadda cirka ee Israel ay ku soo daateen ka dib markii markabkaasi soo gallay biyaha bedda Qasa, waxaanu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkigu sheegay in ay raali gelintaasi aqbaleen ka dib ayuu yidhi markii Israel ay aqbashay inay ka soo baxdo shuruudahii Turkigu ku xidhay in la soo celiyo xidhiidhkii u dhexeeyey.Wasiirka arrimaha dibadda Turkiya Ahmet Davutoglu wuxuu sheegay in dalkiisu uu yahay awood gobolka ku yaalla isla markaana ay garteen in ay sii wadaan siyaasadda dhex dhexaadka ah ee dalka Turkigu kula dhaqmo dalalka galbeedka iyo dunida muslimka.Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiya wuxuu markii ugu horaysay ka waramay in dalkiisu uu dhawaan fududayn doono wada hadalo dhex maraya ayuu yidhi masuuliyiinta Soomaalida waa sida uu hadalka u dhigaye “waxaanu doonayna in Soomaaliya la soo celiyo haykalkii ay dunida ku lahayd, Soomaaliya waa dal muslim ah, waana dal taariikh fac weyn la leh dalka Turkiga, waxaanu doonayna in aanu hello Soomaaliya adag oo xoog weyn oo Turkiga la saaxiib ah” ayuu yidhi Ahmet DavutogluWasiirka oo la weydiiyey in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya doonayana inay wada hadalka u wadaan sidii dal ka madax bannaan Soomaaliya oo xornimadiisa ku gorgortamaya wuxuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya Ahmet Davutoglu “turkiga marnaba ma jecla inaanu aragno Soomaaliya oo kala qoqobanta, dadka Soomaaliya 20 sannadood ayey dhib dhex taallay wada hadalka hadda furmayana waxaanu kula talinayna hogaamiyayaasha kulmaya ee Soomaalida (Somaliland iyo Soomaaliya) inay wax kasta ka horaysiiyaan midnimada iyo wada jirkooda taasi ayaanu ku boogaadinayna Turkiguna aqoonsanyahay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu.
Wada jirka Soomaaliya Waa Muhiim, waxaanu sii wadayna dedaalkii turkiga Ee Dibu Heshisiinta iyo wada jirka Soomaaliya Wasiirka arrimaha dibadda TurkiyaHadalka wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa cakis weyn ku ah hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku sheegay in turkigu yahay dal Somaliland la saaxiib ah, dhawaan ayaa madaxweyne Siilaanyo markii uu safarka ku tagay dalka Turkiga qoraal wasaaradda arrimaha dibadda turkiga lagu shaaciyey waxaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu uu u sheegay madaxweyne Siilaanyo in turkigu uu mawqif adag ka taaganyahay midnimada Soomaaliya halkani guji oo ka akhriso warkaasiIn wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey loo wareejiyo dalka Turkiga oo dhinac u xaglinaya isla markaana aan marnaba qaddiyadda Somaliland iyo ta Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn ayaa waxaa saaran calaamatul su’aal ay dhici karto inay ceeb siyaasadeed ka qaado xukuumadda Siilaanyo.cource halbeegnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured