Xukuumadda Somaliland oo Dalka Turkiga u diraysa toddobaadkan Wefti Hordhac u noqda wadahadalada Somaliya Iyo Ku Xeeran,

0
Tuesday April 02, 2013 - 11:42:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Dalka Turkiga u diraysa toddobaadkan Wefti Hordhac u noqda wadahadalada Somaliya Iyo Ku Xeeran,

    Hargeysa(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa sideeda bishan u diraysa Dalka Turkiga koox Wasiiro ah oo hordhac u noqota Safar uu Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa sideeda bishan u diraysa Dalka Turkiga koox Wasiiro ah oo hordhac u noqota Safar uu Madaxweyne Siilaanyo
Xukuumadda Somaliland oo Dalka Turkiga u diraysa toddobaadkan Wefti Hordhac u noqda wadahadalada Somaliya Iyo Ku Xeeran,
Hargeysa(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa sideeda bishan u diraysa Dalka Turkiga koox Wasiiro ah oo hordhac u noqota Safar uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagayo Dalkaasi si uu wadahadalo ula furo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Weftiga Xukuumadda Somaliland diraysaa waxay ka kooban yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda Soamliland Maxamed C/laahi Cumar oo hogaamin doona, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamud Axmed Barre Garaad, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe.
Weftigan ayaa waxay si hordhac ah uga sii qayb geli doonaan kulamo hordhac ah oo ay la yeelan doonaan wefti kale oo dhigooda ah oo ay Dawladda Somaliya u sii diri doonto Turkiga si ay labada wefti iyo Dawladda Turkigu iskula meel dhigaan Ajandaha Shirka sida fool ka fool ka ah ay u yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya.
Dawladda Turkiga ayaa si toos ah ula wareegtay maamulka wadahadalada Siyaasadeed ee Somaliland iyo Somaliya waxaana qorshahan Somaliland lagu war-geliyay safarkii uu dhawaan Dalkaasi ku tagay Madaxweyne Siilaanyo kaasoo markii uu ka soo noqday ka gaabsaday in uu si faahfaahsan uga waramo arrintan oo ahayd ta rasmiga ah ee wakhtigaas loogu yeedhay.
Dhawaaqii Madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inaanay ka qayb geli doonin shirka Ingiriiska Bisha May ka dhici doona ayaa noqonaya mid uu ogaa Qorshihiisa oo aan saamayn wadahadalada mustaqbal ee labada Dal kaasoo ka gooni ah ka Ingiriiska.
Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugi doonaa wadahadaladaasi halka ay ku danbeeyaan maadaama labada Madaxweyne ee kulmi doona ay noqon doonto markii ugu horaysay ee ay arrintan ka wadahadlaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured