Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo 15 Baabuur Ka Guddomay Hay’adda IFAD oo ay ugu tallo gashay Wasaraddaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Caafimadka.Iyo Khudbadiihi Laga Jeediiyay.

0
Tuesday April 02, 2013 - 19:14:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo 15 Baabuur Ka Guddomay Hay’adda IFAD oo ay ugu tallo gashay Wasaraddaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Caafimadka.Iyo Khudbadiihi Laga Jeediiyay.

    (xogreebnews.com) Munasibad Balaadhan Oo lagu Guudoon siinayey Deeq Baabuuray oo ay Hay’ada IFAD ugu deeqday Qaar ka mid ah Wasaaradah dalka ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Beeraha Somaliland, Waxaana Ka Soo Qaybgalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com) Munasibad Balaadhan Oo lagu Guudoon siinayey Deeq Baabuuray oo ay Hay’ada IFAD ugu deeqday Qaar ka mid ah Wasaaradah dalka ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Beeraha Somaliland, Waxaana Ka Soo Qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo 15 Baabuur Ka Guddomay Hay’adda IFAD oo ay ugu tallo gashay Wasaraddaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Caafimadka.Iyo Khudbadiihi Laga Jeediiyay.

(xogreebnews.com) Munasibad Balaadhan Oo lagu Guudoon siinayey Deeq Baabuuray oo ay Hay’ada IFAD ugu deeqday Qaar ka mid ah Wasaaradah dalka ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Beeraha Somaliland, Waxaana Ka Soo Qaybgalay Madax-weyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan (saylici), Iyo Qarka Mida Golaha Wasiirada Xukumada Oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir, Wasiirka Wasaarada Beeraha Porf: Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad cali Shirre, Wasiir ku- xigeenka Wasaarada Caafimadka Nimco Xussen Qawdhan.


Hay’ada IFAD oo ah xarun ka shaqaysa hur marinta xanaanaa xoolaha iyo caafimaadka ayaa 15 gaadhi ku wareejisay Saddex wasaaradood oo kala ah Wasaarada Xanaanada Xoolaha ,wasaarada Beeraha Iyo Wasaarada Caafimadka .

Agaasimah Hay’da IFAD Mud. Sulub Cali Amaan , ayaa ka warbixiyey Gaadiidkay ay ugu deeqeen saddexdan wasaaradood oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan baahidii dhinca Gaadiidka “Xafladani Aanu Ku Gudoonsiinayno Wasaaradaha Baabuurtan Aanu Ugu Talo Galnay inay Hawlohooda Shaqo U Fududeeyaan, Kuwaasi Oo Kala Ah Wasaarada Beeraha 6 Toyote,Wasaarada Xanaanada Xoolaha 4 Toyoote, Wasaarada Caafimaadka 5 (Ambulance).

Isaga oo Hadalkiisa sii Wata Wax uu yidhi “Haya’dani Waxay Qaabil Santahay Kor uqaadida Beeraha oo Ay Hoos Imanayaan Caafimadkii Iyo Xanaanada Xooluhuba Kuwaasi Oo Aanu Doonayno Gadhiyaashani Aanu Gudoonsiinay Inay Ku Soo Kormeeraan Xarumaha Ay Ku Leeyahiin Gobolada, Lagagana Shaqeeyo Adeega Bulshada Loo Qabanayo Madax-weyne ku-xigeen, waxaan rabnaa inaan kugu wareejino baabuurtan furayaashooda si aad adna ugu wareejiso wasaaradahaasi oo ay u noqdaan wax ay iyagu maamulaan” ayuu yidhi Agaasimah Hay’da IFAD Mud. Sulub Cali Amaan
Wasiirka Xanaanad Xoolaha Somaliland, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay wax lagu farxo tahay shaqada wanaagsan ee ay haya’du u hayso wasaarada iyo dhamaan isagoo ka dhawaajiyey diday u maareyndoonaan “runtii waxaad halkan ku arkaysaan gawaadhi ay hay’du ugu deeqday wasaaradaha, hadaan wasaarad ahaan ka hadlo hawlaha aanu ugu talo galnay iyo sida aanu u qorsheyay waxaa gawaadhidani aanu u kala diri doonaa Wajaale,Qolijeed,Iyo Oodweyne Waxaanu ka codsanay sidoo kale in naloo geeyo , ceeL-afweyn Munasibadan waxaan iyana kaga Codsanaynaa In Mid Buuoodle Lageeyo midna Badhan Midna Qori lugud” Ayuu yidhi wasiir Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Aw-daahir.

wasiirka wasaarada beeraha Faarax Cilmi Geedole ayaa isna dhiniciisa uga mahad celiyey deeqdan baabuurta ah isagoo sheegay in adeega ay Hay’adani u qabato uu yahay mid balaadhan waxaanu yidhi, “Runtii Wasaarad Ahaan Aad iyo Aad ayaa ay Hay’du wax weyn noola qabatay Kuwaasi oo aana halkan ku soo koobi karayn, ha haato biyaha ay noo xidheen iyo waxyaabo badan oo runtii aanaan soo koobi Karin”. Ayuu yidhi GEEDOOLE Wasiirka beeraha Somaliland

Waxaa sidoo kale iyana halkaasi hadalo ka soo jeedisay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada caafimaadka,oo sheegtay inay baaburtani wax badan ka tari doonaan, hooyooyin ku dhaqan miyiga ee inta badan marka la waayo gaadiid lagu soo qaado ku dhiig baxa bacad oo ay sheegtay inay ugu adeegi doonaan.
Ugu dambaynti Madaxweyne ku xigeen Somaliland Ayaa uga mahad Celiyey Hay’adan isagoo masuuliyiinta wasaaradahana u soo jeediyey inay ilaashadaan oo aanay tayicin si ay diiri galin ugu noqoto Hay’ado kale oo danaynaya inay wax taraan Somaliland, “waa mashruuc loo baahnaa oo haqabtiri doona bahiyahii aas asiga ahayd, Aad iyo Aad Ayaan Ugu Mahad Naqaynaa hayadan waxaa jirta horta waa in aynu maanta waa lahelaa gawaadhi iyo wax kasta lakin waa in aynu ilaashanaa madama oo ay jirto in aynaan ilaashan qalabka qaarkood oo ay dad masuul aan ahay inta aynu udhiibno ay iska kaxaytaan ay gawaadhidaasi bur uraan oo aan la daryeelin lakin waa in aynu ilaashanaa. Ayuu yidhi mada madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaanu ugu dambayntii shahaado Gudoonsiiyey masuulkii hay’adaasi uga soo qaybgalay musaasibadan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured