Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan (SSJW) Oo Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Muwaadin Rayigiisa Cabiray

0
Wednesday April 03, 2013 - 12:13:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan (SSJW) Oo Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Muwaadin Rayigiisa Cabiray

    Cabiray Hargeysa, April 2, 2013 (xogreebnews.com) — Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland (SSJW) ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay muwaadinka dhalinyarada ah ee Aqoonyaha Jaamac Cilmi Jiir, oo todobaadkii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabiray Hargeysa, April 2, 2013 (xogreebnews.com) — Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland (SSJW) ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay muwaadinka dhalinyarada ah ee Aqoonyaha Jaamac Cilmi Jiir, oo todobaadkii hore Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan (SSJW) Oo Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Muwaadin Rayigiisa Cabiray
Hargeysa, April 2, 2013 (xogreebnews.com) — Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland (SSJW) ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay muwaadinka dhalinyarada ah ee Aqoonyaha Jaamac Cilmi Jiir, oo todobaadkii hore xabsiga loogu taxaabay maqaal uu rayigiisa ku soo bandhigay Saxaafada Madaxabanaan, kaas oo muddo todobaad ah Saldhiga dhexe ee Hargeysa ugu xidhan maqaal uu ku dhaliilay xukuumada.

Xadhigaas oo ururka SSJW ku tilmaamay mid qarul sharciya oo ka horimanaya xoriyatul qawlka distooriga ah ee muwadiniinta uu u damaanad qaadayo qodobka 32aad ee distoorka qaranka.

Ururka SSJW waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in si bilaa shuruud ah oo degdeg ah
ay xoriyadiisa ugu soo celiso muwaadinkaasi.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Axmed Cige oo ka mid ah masuuliyiinta ururka SSJW, kaas oo sidoo kale xukuumada uga digay inay xad gudub iyo meel ka dhac ku samayso xuquuqda rayi dhiibashada qoraalka ee muwaadiniintu ay ku cabirayaan fikradahooga.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa uu si adag u cambaaraynayaa xadhiga ciidamada amaanku ay xabsiga ugu taxaabeen muwaadinka la yidhaa Jaamac Cilmi Jiir oo ka mid ah dhalinyarada inta badan fikradahooga ku soo bandhiga qoraal, kaas oo la sheegay in xabsiga loogu taxaabay maqaal uu ku qoray saxaafada, muddo todoba cisho ahna saldhiga dhexe ku xidhan.

Xadhiga Mr Jiir waxa ay xad gudub iyo meel ka dhac ku ah xuqaaqda xoriyatul qawlka ee qodobka 32aad ee distoorku muwaadiniinta ugu fasaxay in muwaadiniintu ay si xor ah ugu soo bandhigi karaan qoraal saxaafada, sidaa darteed ururka SSJW waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in si bilaa shuruud ah xoriyadiisa loogu soo celiyo muwaadinkaasi xabsiga ku mutaystay rayigiisa, xukuumadana waxaanu ugu baaqaynaa inay ixtiraamto madaxbanaanida xoriyatul qawlka ee distooriga ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured