M.Siilanyo Oo Ka Qeyb Galay Salaadii Jinaasada Ee Gudoomiye Ku Xigeenkii Guurtida Sh.Axmed Nuux Furre Oo Geeriyoodey Balse Ka Maquurtay Aaskiisii!.

0
Wednesday April 03, 2013 - 18:58:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M.Siilanyo Oo Ka Qeyb Galay Salaadii Jinaasada Ee Gudoomiye Ku Xigeenkii Guurtida Sh.Axmed Nuux Furre Oo Geeriyoodey Balse Ka Maquurtay Aaskiisii!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com )-Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Sh.Axmed Sh.Nuux Furre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com )-Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Sh.Axmed Sh.Nuux Furre


Hargeisa-(xogreebnews.com )-Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Sh.Axmed Sh.Nuux Furre oo saaka ku geeriyoodey gurigiisa ayaa Ku dhawaad 12kii duhurnimo Meydkiisa loo soo qaadey masaajidka 26-ka juun (Masaajidka Ibrahin Dheere dhisay) oo ku yaala badhtamaha Hargeysa, imaam-na ka yahay wasiirkii hore ee Awqaafta Sh.Maxamuud Suufi,ha yeeshee jidadkii ayaa xidhmay, gaadiidka meydka la socday iyo kuwii wadada maraayey ayaa isku muluqaamay,oo isku cakirmay.

Hase yeeshee aakhirkii meydka waxaa la geeyay masaajidka 26-ka June,halkaas oo Madaxweyne siilanyo ka soo qeyb galay salaadii duhur iyo slaadii jinaasadiiba.

Geesta kale markii salaada jinaasada lagu tukadey meydka marxuumka waxaa loo qaadey Xabaalo ku yaala xaafada Goljano dhexdeeda oo Aabihii iyo Awoowgii ku aasan yihiin oo loo diyaariyey in lagu aaso balse Madaxweyne Siilanyo iyo Raxantii wasiiradiisa ee daba yaaci jirtay way ka maquurteen inay aaska Marxuuma ka qeyb galaan oo jinaasadiisa raacaan.

Waxaa Aaska Marxuumka ka qeyb galay Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Adan,Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin ,Qaar ka mid ah wasiirada xukumadii Rayaale oo aan ka xusi karo Cali Maxamed warancade,Saciid Sulub Maxamed,waxaa kaloo aaska ka qeyb galay Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Siyaasiyiin kale.

Isku soo wada duuboo sida xadiis nebaawiyi yidhi “itjimaacu Jinaasa) waajibka walaalkaa kugu leeyahay waa inaad jinaasadiisa raacdaa balse Madaxweyne Siilanyo iyo wasiiradiisu way ka maquurteen raacida jinaasada iyo aaska marxuumka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured