Madaxtooyadda oo Cafis u fidisay Gabadhii ay Maxkamaddaysay iyo Aqoonyahan Jiir oo Maxkamadda marka kale la horkeenay Waxa ay ka hor degtay mar kale Rafcaankeedu inuu Warbaahinta ku soo baxo

0
Thursday April 04, 2013 - 08:40:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda oo Cafis u fidisay Gabadhii ay Maxkamaddaysay iyo Aqoonyahan Jiir oo Maxkamadda marka kale la horkeenay Waxa ay ka hor degtay mar kale Rafcaankeedu inuu Warbaahinta ku soo baxo

    Hargeysa(xogreebnews.com) Madaxtooyadda Somaliland ayaa cafis u fidisay Nadra Maxamed Jaamac oo Ambiil ka qaadatay xukun hal sano ahaa oo aya Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ugu xukuntay inay af-lagaadaysay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Madaxt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Madaxtooyadda Somaliland ayaa cafis u fidisay Nadra Maxamed Jaamac oo Ambiil ka qaadatay xukun hal sano ahaa oo aya Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ugu xukuntay inay af-lagaadaysay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan. Madaxtooyadda oo Cafis u fidisay Gabadhii ay Maxkamaddaysay iyo Aqoonyahan Jiir oo Maxkamadda marka kale la horkeenayWaxa ay ka hor degtay mar kale Rafcaankeedu inuu Warbaahinta ku soo baxo

Hargeysa(xogreebnews.com) Madaxtooyadda Somaliland ayaa cafis u fidisay Nadra Maxamed Jaamac oo Ambiil ka qaadatay xukun hal sano ahaa oo aya Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ugu xukuntay inay af-lagaadaysay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan.Nadra Maxamed Jaamac ayay shalay Xukuumaddu ka soo daysay xabsiga Gabilay halkaas oo ay ku xidhnay in muddo ah, waxaany eheladeeda oo dabada ka riixayay dhagaysiga Rafcaan ay ka qaateen Xukunka hore loogu riday ku war heleen soo daynteeda.Mid ka mid ah Eheladeeda ayaa Waaheen u xaqiijiyay in ay xukuumaddu keentay gurigooda iyaga oo aan ka war hayn “ Maxkamadda ayaanu tagnay anaga oo doonayna Rafcaankii aanu ka qaadanay in ay Maxkamaddu guda gasho hase yeeshee waxa aanu kula kulanay iyada oo loo sido Qoraal saamaxaad ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda” ayuu yidhi Walaalkeed oo Waaheen la kulmayIsagoo ka hadlaya talaabadan waxa uu yidhi “ anagu kamaanaan war haynin hase yeeshee ma garan karo sababta ay u soo daayeen ilayn waa kuwii horeba nooga diidaye. Waxaan filayaa uun in ay Xukuumaddu ka hawl yaraysatay in sheekadaasi mar kale warbaahinta ku soo noqoto maadaama dhagaysigeedii dib u bilaabmayay” ayuu raaciyay.Dhinaca kale Aqoonyahan Jaamac Jiir ayaa mar kale shalay la horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex halkaas oo maalin hore laga celiyay, waxaanu mar uu la hadlay Waaheen u sheegay in mar labaadkii la horkeenay Maxkamadda ilaa hadana aan Garsoorka la soo hordhigin Dacwad cad oo laga garnaqo oo uu ku eedaysan yahay.Aqoonyahan Jaamac Jiir waxa ay shalay Maxkamaddu ka dalbatay ciidanka baadhista Danbiyada C.I.D-da inay keento Eedo lagu Maxkamadeeyo haddii kale aya sii dayn doonto, waxaanay taasi sababtay in ay dalbadaan sii hayn iyaga oo markii hore geeyay Xarunta C.I.D-da balse waxay isla markiiba dib ugu soo celiyeen Saldhiga Dhexe oo muddo toddobaad ah lagu hayo.Nadra Maxamed Jaamac, Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle iyo Aqoonyahan Jaamac Jiir ayaa kiisaskoodu aad isugu dhaw yihiin waxaana dhamaantood loo xidhay Farriimo ay Madaxda ugu saraysa dalka u gudbiyeen iyaga oo kaga hadlayay arrimo ay u arkaan in loo baahan yahay in wax laga qabto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured