UHURU Kenyatta oo Ku Guulaystay Madaxtinimada Kenya
Musharaxa Isbahaysiga Jublee Uhuru Kenyatta ayaa ku guulaystay Doorashada Madaxtinimo ee Kenya.
. Waxa uu helay 50.7 Boqolkiiba codadka la dhiibtay.
Gudida Doorashada Kenya ayaa si Rasmiya u shaaciyay Natiijada Doorashada Kenya ee Isniintii la soo dhaafay dhacday. Looma baahan doono Wareeg kale oo ay ku tartamaan Uhuru iyo Ra’ila Odinga.
Gudoomiyaha Gudida doorashada Kenya Isaaq Xasan,ayaa sheegay in doorashadu si cadaalada u dhacday, waxa uu sheegay in Dadku codkooda dhiibteen boqolkiiba sideetan.
Raila Odinga ayaa ku dooday inta aan lagu dhawaaqin natiijada in doorashada lagu shubtay, waxaanu sheegay inaanu Aqbali doonin in laga guulaystay.
Uhuru Kenyattaayaa waxaa sugaysa Maxakamad kaga socota maxakamada dambiyada dagaalka, waxaana lagu Eedeeyay inuu ku luglahaa dhibaatooyin ka dhacay wadanka Kenya doorashadii 2007 oo dad badani ku dhinteen.
Leave a comment |
|
UHURU Kenyatta oo Ku Guulaystay Madaxtinimada Kenya
Musharaxa Isbahaysiga Jublee Uhuru Kenyatta ayaa ku guulaystay Doorashada Madaxtinimo ee Kenya. . Waxa uu helay 50.7 Boqolkiiba codadka la dhiibtay.