Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Maanta La Hor-keenay Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu qabtay Hawlgaladii Lagaga Jawaabay Digniintii Reer Galbeedka

0
Thursday April 04, 2013 - 20:02:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Maanta La Hor-keenay Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu qabtay Hawlgaladii Lagaga Jawaabay Digniintii Reer Galbeedka

    Hargeysa (xogreebnews- Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta la horkeenay Axmed Ibraahim Axmed oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu qabtay hawlgaladii ciidamada amaanku ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews- Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta la horkeenay Axmed Ibraahim Axmed oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu qabtay hawlgaladii ciidamada amaanku ka Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Maanta La Hor-keenay Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu qabtay Hawlgaladii Lagaga Jawaabay Digniintii Reer Galbeedka

Hargeysa (xogreebnews- Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta la horkeenay Axmed Ibraahim Axmed oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu qabtay hawlgaladii ciidamada amaanku ka sameeyeen Hargeysa iyo Gobolka Sool, ka dib dhawaaqii amaan daro ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

Axmed Ibraahim Axmed, oo xidhnaa muddo 45 maalmood ah oo ah mudada sharcigu ogol yahay in qofku Maxkamad la’aan ku xidhnaan karo isla-markaana maanta ku ekayd, ayaa dib xabsiga loogu celiyey ka dib markii Maxkamadu ogolaatay 45 maalmood oo ciidamada dambi baadhistu codsadeen in loogu daro xadhigiisa si ay baadhitaankooda u dhamaystiraan.


Muwaadinkan oo maanta Maxkamada loo horgeeyay in lagu oogo dacwada loo haysto, ayaa dacwadiisu bilaaban doontaa 45 maalmood ka dib.

Ilaa hadda wax xog ah lagama hayo sababta xadhiga Axmed Ibraahim Axmed, inkasta oo qabashadiisu ku soo beegan tahay xili ay dalka ka socdeen hawlgalo lagaga hor-tagayey Argagixiso dalka lagu sheegay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in hawlgaladii ciidamadu ka sameeyeen Hargeysa iyo Gobolka Sool ay ku qabqabteen dad ay ku sheegeen Argagixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured