Maa Dhaba in DOWLADA SWEDEN OO KA DAMBEYSEY SOO DEYNTII XADHIGA NAADIRA

0
Friday April 05, 2013 - 08:53:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maa Dhaba in DOWLADA SWEDEN OO KA DAMBEYSEY SOO DEYNTII XADHIGA NAADIRA

    Hargeysa(xogreebnews.com) Dareenka shacbiga somaliland ee ay hore uga qabeen gabadha u xidhnayd wasiirka madaxtooyada oo la yidhaa naadira taasi oo ay dad badani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Dareenka shacbiga somaliland ee ay hore uga qabeen gabadha u xidhnayd wasiirka madaxtooyada oo la yidhaa naadira taasi oo ay dad badani Maa Dhaba in DOWLADA SWEDEN OO KA DAMBEYSEY SOO DEYNTII XADHIGA NAADIRA

Hargeysa(xogreebnews.com) Dareenka shacbiga somaliland ee ay hore uga qabeen gabadha u xidhnayd wasiirka madaxtooyada oo la yidhaa naadira taasi oo ay dad badani qabeen inay loo xidhey cay iyo aflagaado aan munaasib aheyn oo ay qoraal ku soo muujisey balse aan dad badani arag lagana dhigey wax aad u wayn .hase ahaatee wareysigii ay ka qaadeen saxaafadu ayaa ahaa mid ay ku faah faahisey arinkasta oo jirtey.

Naadira oo wareysi siisey tvga caalamiga ah ee HCTV ayaa waxay sheegtey in ay ka tirsanaan jirtey markii hore xisbiga talada haya ee kulmiye ,ayse markii ururada la furey udiga rogatey xisbigii Xaqsoor taasi oo ka xanaajisey wasiirka madaxtooyada oo ay sheegtey in ay isku ahaayeen dad xisbi ku wada jirey oo si cad isu yaqaana aad na wakhtibadan ugu soo ololeeyey xisbiga kulmiye ,waxaanay sheegtey markii ay kubiirtey xaqsoor inuu wasiir xirsi aad uga xanaaqey balse qoraalkii ay soo qortey uu ahaa qoraalada caadiga ama ceyda dadku isku caayaan kana dhaxeysa bulshada iyadoo walibana sheegtey inay xirsi isku lahaayeen aqoon dheeraada balse aaney aheyn tii uu xirsi sheegey ,waxaa kaloo ay sheegtay in intii ay xabsiga dhexe kujirtey ay dumar iyo rag kasoo jeeda beesha uu ka dhashey siilaanyaba ugu imanjirey xabsiga dhexe iyagoo hanjabaad iyo waanu ku dileynaa maalinkasta ku odhanjirey balse markii xabsiga gabiley lageeyey aaney arag wax dhibaata ah.


Dhawaan kulan ay yeesheen Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Sweden Per Erik Gunnar Westerberg iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro kaasi oo ka dhacey magaaladda Stocholm ee xarunta dalka Sweden ayaa ka dayriyey xaaladda xuquuqul insaanka ee ka jirta Somaliland isagoo sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Sweden Per Erik Gunnar Westerberg in xabsiyada Somaliland lagu xidhay dad aan waxba gallabsan.
Guddoomiye Per Erik Gunnar Westerberg wuxuu ka dayriyey xaaladda suxufiyiin, dad ka soo jeeda beelaha laga tirada badanyahay iyo haween aan waxba gallabsan oo ay ka mid tahay gabadh la yidhaahdo Nadra oo u xidhan xubno ka mid ah xukuumadda Siilkaanyo waxaana uu Guddoomiyahu sheegay inay si weyn uga war hayaan xaaladda oo uu ku tilmaamay mid qalafsan Waxaanu Per Erik mr ciro u sheegey inay si dhakhso ah dadkaa usii daayaan una soo celiyaan xoriyadoodii.
Arintan oo dawlada sweden ay culeys kusaartey Siilaanyo ayaa ah sababtii dhalisey cafiskii uu Naadira ugu soo caliyey xoriyadeedii Madaxweyne ahmed siilaanyo balse dowladu marnaba may sii deyseen iyadoo waliba gabadhaasi laga gardaranyey.Hadii ay xabsiga gabadhan ku sii heyn lahaayeen dowlada Sweden usbuucyada inagu soo adan waxay kala noqon laheyd cilaaqaadka ay la leedey somaliland .
Xadhigan Naadira ayaa ah mid ahaa xaqdaro kadib markii ay shaley afkeeda ka cadeysey hase ahaatee waxa ay sheegtey in uu wasiirka madaxtooyadu dhowrjeer yidhi maxaad xisbiga uga baxdey balse ay tiri xisbigaa ayaan galey waxaanad halkaas ka arkeysaa ama ku cad inuu wasiir xirsi ka xanaaqey Xisbiga ay kabaxdey naadirina waxa ay cadeysey in qoraalkeeduHadaba arintan xadhiga naadiro wax yaabaha sii cadeynaaya inay xaqdaro tahey waxaa ka mid ahaa markii waraaqdii ka soo baxdey max kamadii xukuntaya ayaa dacwada kii wadey xirsi ahaa markhaati uu ahaa iyo nimankaloo iyaguna cadaalad darada ku taageeray wasiir xirsi ,arintan iyo arimo kale oo farabadan oo ah tacadiyada ayaa kamid ah wax yaabaaha shacabka hada lagula kaco ee ay dowladani la timo,usbuuc ka hor ayaa aqaanyahanka dhalinyarada ah ee JIIR isna xabsiga loo taxaabey iyadoo aanu helin waaran maxkamadeed ilaa hadana aan lacadeyn waxa lagu xidhey balse loo maleynaayo ee daymaha uu xukuumada siilaanyo ka qorijirey inuu isna u xidhanyey.
Arimahan ka socda wadanka somaliland waxay sii kala fogeyneysaa bulshada iyo xukuumada waxaana ay aakhirka xukuumadani ku dambeyndoontaa in marka xukunka lagala wareego ay dulmiga ay sameynayaan owgeed ujoogi kariwaayaan dalka gudihiisa oo ay shacbigu xasuustaan xumaantii intii ay xukunka heysteen waxaana lagayaabaa in loo ugaadhsado sida duurjoogta .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured