Beeshu Waxay Go’aansatay In Aan Shiidaal Laga Qodi Karin Deegaanadaa, Sun La Noogu Aasayo Iyo In Wax La Noo Qabanayo Sidee.. Bqor Buur’madow”

0
Friday April 05, 2013 - 08:53:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beeshu Waxay Go’aansatay In Aan Shiidaal Laga Qodi Karin Deegaanadaa, Sun La Noogu Aasayo Iyo In Wax La Noo Qabanayo Sidee.. Bqor Buur’madow”

    Xukuumad Wax Kala Qarsanaysaa Siday Shacbiga Wax ugu Gudbin Kartaa…” “..Waxaad Moodaa in Xukuumadeenu is Diidsiiso Foosiya Yuusuf X. Aadan..” “..Shirka Turkiga Go’aanka WADDANI ayaan la Qabaa.. Xukuumadu Bee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumad Wax Kala Qarsanaysaa Siday Shacbiga Wax ugu Gudbin Kartaa…” “..Waxaad Moodaa in Xukuumadeenu is Diidsiiso Foosiya Yuusuf X. Aadan..” “..Shirka Turkiga Go’aanka WADDANI ayaan la Qabaa.. Xukuumadu Beeshayda Ma Aaminto..” Beeshu Waxay Go’aansatay In Aan Shiidaal Laga Qodi Karin Deegaanadaa, Sun La Noogu Aasayo Iyo In Wax La Noo Qabanayo Sidee.. Bqor Buur’madow”


Xukuumad Wax Kala Qarsanaysaa Siday Shacbiga Wax ugu Gudbin Kartaa…”
“..Waxaad Moodaa in Xukuumadeenu is Diidsiiso Foosiya Yuusuf X. Aadan..”
“..Shirka Turkiga Go’aanka WADDANI ayaan la Qabaa.. Xukuumadu Beeshayda Ma Aaminto..”
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow)
Abu Dubia(xogreebnews.com)-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in aanu jirin majare sugan oo ka dhexeeya masuuliyiinta Xukuumada talada haysa, sidaa darteedna ay kala yihiin laba dabaqadood oo midna ay xogo-gaal tahay midna laga xan qarsado, taasoo sida Boqorku tilmaamay ah mid luminaysa danta himilada guud ee bulshada.

Boqor Cismaan oo isagoo ku sugan Isu-taga Imaaraadka Carabka Xalay Khadka Telefoonka ugu Waramayey Wargeyska Yool, waxa uu ku dheeraaday arinta la xidhiidha wada-hadalada Somaliland, taasoo uu tilmaamay mid lagama-maarmaan u ah ka midho-dhalinta qaddiyada madax-bannaanida Somaliland, hase ahaatee waxa uu naqdiyey qaabka Xukuumadu u daadihinayso Wada-xaajoodyadaas, kaasoo uu ku sifeeyey mid kala dhantaalan oo isku dheelitir la’aan ka muuqato.
Sidoo kale waxa Boqorku Waraysigiisa kusoo qaaday qaabka Xukuumada iyo masuuliyiinteedu ula dhaqmaan Marwo Foosiya Yuusuf X.Aadan, waxana uu sheegay masuuliyiinta Xukuumadu ay jid-diidaan, halka Shirar qarsoodi ah kala galaan xubno mansabo hoose ka haya Xukuumada Soomaaliya.
Dhinaca kale waxa Boqorku ka hadlay Shaqaaqooyin iyo is-maan-dhaaf dhawaanahanba ka taagnaa deegaanada ay degto Beesha Boqorku iyo sidoo kale dhawaaqii Xisbiga WADDANI uu ku qaadacay aqoonsiga Shirka Turkiga ee dhawaan ay ku kulmi doonaan eryooyinka Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Waraysigaas oo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan;
Su’aal:- Inkastoo ay duruufo badani dalka ka jiraan, hadana waxa kale oo iyana jira waxyaabo Xukuumada talada haysa ee Axmed Siilaanyo nasiib u heshay, balse kuwii ka horeeyey aanay helin, waxyaabahaa waxa ka mid ah wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, side baad Boqor u aragtaa arinkaa?.
Jawaab:- Markii hore Xukuumada [Axmed-Siilaanyo] dabar baa ku xidhnaa, kuwii horena xidhayey, haddii dhaliili halkaa ka timaado labada Gole [Guurtida iyo Wakiilada] ayaa dabarkii ka furay oo u fasaxay. Taa haddii aan ka imaado Caalamka markaynu qaddiyadeena u soo bandhigno waxa la inagu odhan jiray Soomaali buu arinkiinu ku xidhan yahay ee wada-hadla, waxaan qabaa in aynu Soomaali gar ka leenahay haddii la wada-hadlo. Foosiya Yuusuf X.Aadan waa xubinta ugu weyn ee Somaliland u dhalatay ee Koonfur xil ka haysa oo Ra’iisal-Wasaare-ku-xigeen iyo Wasiirka Khaarajiga, waxaad moodaa in Xukuumadeenu is diidsiinayaan oo kuwii kalena la hadlayaan iyadana ay fogeynayaan, taasna waxaan odhan lahaa waa in la joojiyo oo iyada iyo xubnaha Baarlamaanka ee halkaa inaga jooga waa in la is kaashado oo ay talada wax ku yeeshaan.
Waxaan qabaa in aan Ceebi inooga imanayn haddii aynu hareeraha ka wada fadhiisano, Xukuumaduna meel fiican bay soo gaadhsiisay, waxaan leeyahay waxaa wixii ka dambeeya haddii wax kala-qarsi yimaado oo Shacbiga iyo dawladu aanay meel u wada socon waxa dhici doonta in danta guud ku lunto. Waxaan qabaa in Xukuumada laftigeedu wax kala qarsato oo wefdiyada wada socdaa wax kala qarsadaan, markaa Xukuumada laftigeedu aan waxba isu sheegayn sidee bay Shacbiga wax ugu gudbin kartaa waa la is weydiin karo. Sidaa daraadeed waxaan qabaa in wada-hadaladu socdaan Xukuumaduna qaybaha bulshada talada wax ka siiso.
Su’aal:- Marka la isbarbar-dhigo miisaanka arinka laga wada hadlayo iyo xubnaha Madaxweyne Siilaanyo u xusho Shirarka lagu gorfeynayo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ma yihiin kuwo ku haboon?.
Jawaab:- Waxaan leeyahay wixii hore Cannaantooda iyo ku noqoshadoodu ma fiicna, laakiin waxaan leeyahay yaanay noqon wada-hadalo bulshada kala shakisiinaya oo dawlada iyo Shacbigu ku kala fogaado oo danteenu ku lunto, Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in qaybaha bulshada laga qaybgeliyo.
Su’aal:-Boqor waxa jira hawlo la xidhiidha baadhista Shiidaalka oo dhawaan oo dhawaan laga bilaabay deegaano oo ka tirsan kuwa ay degto Beesha aad Madax-dhaqameedka u tahay, maxaad arimahaa kala socotaa?
Jawaab:-Si fiican ula socdaa, waxa weeye Beeshu go’aan ayey ka qaadatay oo kuma qanacsana, markii aanu wada-hadalnay — Xildhibaanada, Madaxda dhaqanka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee wax ka go’aan meel kasta ha joogaane. Beeshu waxay soo dhowaynaysaa in Khayraadka lala soo baxo, laakiin waxa weeyaan kuma qanacsana qaabka Xukuumadu u maamushay. Maaha in aanu ka cabanayno ashkhaasta maamulaysa sida Ninka Ibraahim la yidhaahdo ee hay’ada madaxa ka ah, waxa weeye qaabka Xukuumadu u maamulayso ee hawshu u socoto. Waxa weeye deegaanku waa dhu-daaqsimeed oo xoolo ku nool yihiin, hantida keliya ee aanu haysanaa waa Xoolaha, bulshada lama Wacyigelin, markaa sidee baan ku kala ogaanaynaa in wax la noo qabanayo iyo Sun la noogu aasayo. Arinka Shiidaalka waxay Beeshu ka qaadatay in aan waxba deegaanadaa laga bilaabi Karin oo aan Shiidaal laga qodi karin, aniguna kaas baan qabaa oo aan Beesha la Wadaagaa.. Wasiirada Beesha kasoo jeeda ee Xukuumada ku jira waa Niman Axmed-Siilaanyo Shaqaaleysiiyey, imikana wax qiimo ah agtiisa kuma laha, markaa Niman kii Shaqada u dhiibtay ka quustay Beeshuna waxba ku falimayso. Xukuumaduna Beeshayada ma aaminto oo xataa basaasiintii iyada u Shaqaynayey ayey xidh-xidhay
Geesta kale horta arinkan [Madax-bannaanida Somaliland] cid wax ka bedeli karaysaa ma jirto waayo waa go’aan Shacbi qaatay, waxana wax lagaga bedeli karaa wada-tashi. Waan soo dhaweynayaa cidii qaddiyadeena wax inaga la qabanaysa, laakiin arinka aayo-ka-talinta waxa taladeeda waxa taladeeda iska leh Shacbiga, Xukuumada waxa soo doortay bulshada waxayna ku shaqeynaysaa rabitaanka bulshada.
Su’aal:-Dhawaan waxa dalka Turkiga u baxay xubno ay ka mid yihiin Wasiirada Khaarajiga, Qoyska iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada, sidee baad u aragtaa ma yihiin kuwo ku haboon?.
Jawaab:Qoft kastaa Somaliland wuu ku haboon yahay, iyaguna waa dad Sharaf iga mudan, laakiin waxaan leeyahay kuma wada filna oo beelihii baan u dhamayn, Madax-dhaqameedku awood weyn dadban buu bulshada ku dhex leeyahay, waxaan leeyahay lagama tashan, markaa hala balaadhiyo oo tusaale ahaan Xisbiyo wey ka maqan yihiin Xisbiga WADDANI arimaha wada-hadalada.
Su’aal:- Xisbiga WADDANI Shir-Jaraa’id oo uu Maanya qabtay waxa uu ku sheegay in Shirka Turkiga aanu u arag mid qiimo ugu fadhiya Qaranka, Sidaa daraadeedna aanu u aqoonsanayn wax kasta oo kasoo baxa?.
Jawaab:-Waxaan u arkaa, horta lama dhayalsan karo Xisbiga WADDANI oo awood buuxda ayuu dalka ku leeyahay, Markaa arinkaa Shirka Turkiga waan la qabaa oo waxaad moodaa in WADDANI iyo anigu aanu si wax u wada arkayno, waxanan leeyahay Shirkana ha la tago, WADDANI iyo inta kale ee maqana ha lagu soo daro.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured