LIKE Uu Saaray FACEBOOK Ayuu Xabsi Ku Galay (KA BOGO DHACDADAN!!) like23

0
Friday April 05, 2013 - 10:22:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIKE Uu Saaray FACEBOOK Ayuu Xabsi Ku Galay (KA BOGO DHACDADAN!!) like23

    Maxkamad ku taala Falastiin ayaa 6 Bil oo Xarig ah ku xukuntay Wiil Dalkaas u dhahay, ka gadaal markii uu Calaamadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala Falastiin ayaa 6 Bil oo Xarig ah ku xukuntay Wiil Dalkaas u dhahay, ka gadaal markii uu Calaamadda LIKE Uu Saaray FACEBOOK Ayuu Xabsi Ku Galay (KA BOGO DHACDADAN!!)
like23
Maxkamad ku taala Falastiin ayaa 6 Bil oo Xarig ah ku xukuntay Wiil Dalkaas u dhahay, ka gadaal markii uu Calaamadda LIKE ee la dhacsanaanta muujinayso ku dhuftay Qoraal FACEBOOK-ga lagusoo bandhigay oo lagu dhaliilayay mid ka mida Wasiirada Maamulka Falastiin.

Ismacil oo 29 jir ah ayaa wuxuu sheegay in eedeynta isaga loosoo jeedayay ay tahay kaliya LIKE uu saaray Hadal lagusoo qoray FACEBOOK-ga, kaas oo lagu dalbanayay inuu is cazilo Wasiir lagu magacaabo Abu Daqah oo Wasaaradda Isgaarsiinta ka shaqayn jiray.


Sidoo kale wuxuu Wiilkan LIKE saaray Hadal kale oo lagu dalbanayay in lagula xisaabtamo Wasiirka.

Isagoo sii hadlaya ayuu Wiilkan lasoo eedeeyay sheegay in Ragga amniga ka shaqeeya ay soo xireen, iyagoo ku eedeynayo inuu Caay iyo Aflagaado geeystay. Ka dibna waxaa soo baxay Xukunka Maxkamadda isagoo eedeysanuhu aanu goob jog ahayn.

Ismacil ayaa wuxuu ka shaqayn jiray Warbaahinta, wuxuuna yidhi isagoo hadlaya “ Toban jeer ayaa la ii yeeray Lixdii Bilood ee tagtay iyadoo la igu heysto dhaq-dhaqaaqa aan ku sameeyo FACEBOOK-ga”.

Hay’adaha ammaanka ee Falastiin ayaa sii daayay Wariye Mamduux Xamamurah lagu magacaabo ka gadaal markii lasoo saaray Cafis Madaxweyne.

Wariyahaas waxaa ay Maxkamaddu horay ugu xukuntay Xarig Sanad ah isagoo lagu heystay faafinta Sawiro lagu xumeynayo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Xukunka Wariyaha wuxuu dhaliyay cabasho xoog leh oo Wariyayaasha Falastiiniyiinta iyo Bahda Xuquuqul Insaankuba ay kasoo gudbiyeen arrintan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo aan horay Taariikhda Falastiin loogu arag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured