Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guurawee” Maxamed Siciid Gees

0
Friday April 05, 2013 - 10:39:40 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guurawee” Maxamed Siciid Gees

    geesKuwa intaa shubaya Xamar ayaa nalagu wadaa, haddii ay run tahay codsigan ayaan Sheekhan [Madaxweynaha UAE] ka aqbali lahaa aniga iyo carruurtaydana malaayiin dollar oo aan ku raaxaysto ayuu i siin lahaa, inta aan…” —Madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

geesKuwa intaa shubaya Xamar ayaa nalagu wadaa, haddii ay run tahay codsigan ayaan Sheekhan [Madaxweynaha UAE] ka aqbali lahaa aniga iyo carruurtaydana malaayiin dollar oo aan ku raaxaysto ayuu i siin lahaa, inta aan…” —Madaxweyne Marxuum Cigaal

Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guurawee” Maxamed Siciid Gees
geesKuwa intaa shubaya Xamar ayaa nalagu wadaa, haddii ay run tahay codsigan ayaan Sheekhan [Madaxweynaha UAE] ka aqbali lahaa aniga iyo carruurtaydana malaayiin dollar oo aan ku raaxaysto ayuu i siin lahaa, inta aan…” —Madaxweyne Marxuum Cigaal

“Annaga naqaana Jabhaddii [SNM] ku baranay, haddii aad u tegtid waxa uu ku odhanayaa Soomali weyn qaado, haddii aad diidana waxa laga yaabaa inuu ku xidho” — Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa Wasiirka Maaliyadda


Qaybtii 7aad
Maalin uu guddominayey Marxuun Cigaal Golihiisii Wasiirrada oo shiraya, ayuu si lama filaan ah ka dhex akhriyey shirkii qoraal. Warqadda qoraalka ah waxa u soo diray Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) Fakhaamata Sheekh Saayid Al Nahyaan ee markaasi.

Sheekhu waxa uu ku booriyey Madaxweyne Cigaal inuu dib u soo cesho Midnimaddii Soomaaliya, isaga oo markii hore, waa lixdankii hormood ka ahaa, waxana uu u sheegay inuu wax kastana la garab taagan yahay. Cigaal waxa uu yidhi; “Kuwa intaa shubaya Xamar ayaa nalagu wadaa, haddii ay run tahay codsigan ayaan Sheekhan ka aqbali lahaa aniga iyo carruurtaydana malaayiin dollar oo aan ku raaxaysto ayuu i siin lahaa inta aan Jeelkii Labaatan Jiro, kan la midka ah ee madaxtooyada aan ku jiro ee aan birifta lahayn, kii hore labaatan daqiiqo ayaa hawada la ii soo saari jiray.”

Cigaal kama yeelin Sheekhii sidii uu ugu shaqaynayey Somaliland ayuu ku xijaabtay, isaga oo gurigii uu Hargeysa ku lahaa uu dunsan yahay, waxa la sheegay in wiil u dhalay u dhiibtay lacag konton kun oo dollar ah intii uu Madaxweynaha Somaliland ka ahaa, isaga oo inanku ka quudaraynaya inuu wax ugu daro, dabadeed markii inankii lacagtii waydiistay waxa Cigaal ugu jawaabay, “Waar meel baan ku daboolaye adaa shaqaysanayee orod iska teg.” Halkaas ayaa inankii fara madhaan uga huleelay lacagtii uu soo shaqaystay.

Arrinta xidhiidhka xukuumadaha Carabta iyo Somaliland aan wax ka sii sheegno.Marxuun Cigaal ayaa maalin kale soo qaaday Madaxweyne kale oo Carbeed, waxa uu yidhi; “Waar nin intaan dunida ka maqnaa ee aan jeelka ku jiray soo baxay oo warbaahinta reer galbeedku caydo ayaa ayaamahan safiirkiisii casuumad u soo dhiibay, anna ma aqaan ninkaas ee yaa yaqaan ninkan Qadaafi?”

Dhegta ayaa Golihii wada taagay. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda ayaa jawaabay oo yidhi; “Annaga naqaana Jabhaddii ku baranay, haddii aad u tegtid waxa uu ku odhanayaa Soomali weyn qaado, haddii aad diidana waxa laga yaabaa inuu ku xidho.” Golihii oo dhammi waxay u guuxeen hadalkii oo waxay yidhaahdeen, “Yaan loo tegin.”

Anigu waxa aan soo jeediyey in loo diro Wasiirka Arrimaha Debadda oo markaas ahaaMaxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) (Marxuunka waa xifaaltami jirnay). Sidaas ayaa Fagadhe ku tegay Liibiya, Qadaafi lama kulmin, illeyn Cigaal ayuu rabay eh.Marxuun Fagadhe ayaa yidhi war; “(Guinea pig) ma doofarkii Jitabada ayaan ah.”

Kuma hadhin Qadaafi intaas ee laba jeer oo kale ayuu Marxuun Cigaal u soo diray diyaarad. Mar waxa uu ka soo casuumay Magaala Madaxda Talyaaniga ee Rooma, marna Hargeysa ayuu diyaarad ugu soo diray. Marka labaad ayaa xiiso leh oo waxa uu ku sugnaa Caasimadda Liibiya, isla markaas oo uu Qadaafi soo martiqaadayCabdillaahi Yuusuf oo markaas ahaa Madaxweynihii Puntland iyo Xuseen Caydiidoo ahaa Madaxweynihii Dawladdii Soomaaliya ee la baxday Sal-ballaadh.

Marxuun Cigaal kama war hayn joogitaanka labaad nin ee kale, balse Qadaafi waxa uu usoo bandigay in Cigaal uu noqdo Madaxweynihii Soomaaliya, Cabdillaahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiidna u noqdaan laba Madaxweyne-ku-xigeenno.

Warkaasi Cigaal waa ku diiday Qadaafi, xataa waxa uu diiday inuu la casheeyo, haseyeeshee labada nin ee kale waa oggolaadeen soo jeedintii Qadaafi.

Waa lala wada socdaa halkii uu Qadaafi ku dambeeyey iyo sidii foosha xumaydayd ee isaga iyo xubno qoyskiisa ah loo dilay, Cigaalna sidii sharafta lahayd ee loo aasay ee loogu baroor-diiqay, waayo waxa uu xurmeeyey rabitaankii iyo karaamadii iyo xilkiiuu u dhiibtay shicibku, kama xariifsanaan dadkiis, dadkiisuna waa ay karaameeyeen
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured