War Deg Deg Ah :- Uhuru Muigai Kenyatta Ayaa Loo Dooraty Madaxwaynaha Afaraad Ee Dalka Kenya

0
Saturday March 09, 2013 - 18:09:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah :- Uhuru Muigai Kenyatta Ayaa Loo Dooraty Madaxwaynaha Afaraad Ee Dalka Kenya

    Dalka kenya ayaa maanta waxay madaxwayne u doorteen Uhuru Muigai Kenyatta oo noqonaya madaxwaynihii afaraad ee dalkaasi yeesho tan iyo intii uu xornimada qaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka kenya ayaa maanta waxay madaxwayne u doorteen Uhuru Muigai Kenyatta oo noqonaya madaxwaynihii afaraad ee dalkaasi yeesho tan iyo intii uu xornimada qaatay.
Xalayto ayay markii al soo gabagabeeyay tirintii codadka doorashooyinka ee lagu tirinayay xarunta BOMAS halkaas oo commisionka madaxbanaan iyo xuduuduhu ay ku sugnaayeen todobadii maalmood ee u dambaysay.

saacadu amrkay ahayd labadii iyo afartan daqiiro ayaa waxaa si rasmi aha ugu dhawaaqay gudoomiyaha doorashoyinka iyo xuduudaha o sheegay in mrUhuru Muigai Kenyatta uu ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalka kenya malaintii isniintii.


wadarta guud ee uu kaga guulaystay ninkii sida wayn xafiiltanku uga dhaxeeyay ee hore na u ahaa raisal wasaaraha kenya mr RAILA ODINGA, ayaa noqonaysa6,173,433 marka loo eegana boqolayda noqonaysa(50%+1) halka uu ka helay musharax kale na5,340,546. oo noqonaysa (43%.3)

Guud ahaan aamnka xarunta comisionka ayaa aad loo adkeeyay waxaa lagu soo daadiyay ciidamo dheeriya oo ilaaliya amaanka sidoo kale saaka aroortii ayaa amaanka caasimada si aad loo adkayay halkaas oo la arkayay ciidamada gaashaman oo dhex gaaf wareegaya gudaha magaalada.

Sidoo kale madaxwayanah la dooraty ayaa amaankiisa la adkeeyay markii uu soo galayay xarunta comisionka halkaas oo lagu gudoonsinayay shahaadada loo yaqaan (presidential certificate), kumanan kun oo ka tirsan taageerayaasha madaxwaynaha cusub ayaa ku damaashadaya jidadka waa wayn ee magaalada caasimada halkaas oo ay u dabaal degayaan guusha taarikhiga ah ee ay gaadheen.

William ruto ayaa ah ninka la soo baxay madaxwaynaha cusub ee u sharaxnaa madaxwayne ku xigeenka halkaas oo mudo laga joogo lix bilood ay ku midoobeen xisbi waynaha ama isbaahaysiga JUBILEE. Doorashadan ayaa noqonaysa mid taarikhda kenya ku suntay ka dib markii dalku u codeeyay kal hore dasduur cusub oo is bedel ku sameeyay guud ahaan dalka, sidoo kale uhuru ayaa noqonaya madaxwaynihii ugu dada yaraa ee qabta xilka madaxwayninimo marka loo eego saddexdii ka horeeyay.

Madaxwaynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa laga sugayaa maxkamada aduunka ee hague halkaas oo loo ahysto in ay galeen dambiyo ka dhan ah aadanaha ka dib doorashooyinkii kal hore 2007 halkaas oo ay ka dhaceen shaqaaqo lagaga soo hor jeedo madaxwaynihii hore ee kibaki.

Waxaa u yaala madaxwaynaah cusub ee la doortay hawl cusul oo ka mida midaynta dadka reer kenya guud ahaan halkaas oo dadku ay ku kala tageen markii campaign ku socday dad lagu qiyaasay 44% dadka reer kenya waxay ka soo horjeedaan guusha mr UHURU waxaana looga fadhiyaa siduu dadkaas u qancin lahaa madaxwaynaha cusub.

Dhanka kale xisbigii laga guulaystay ee isbaahaysiga ee CORD musharaxooda mr RAILLA OMOLO ODINGA AYAA SHEEGAY IN DOORASHADII LAGU SHUBTAY GOOBO KA IDA DALKA KUNA TILMAAMAY GUDIDA DOORASHOYINKA KUWII HORE EE MAAMULAYAY DOORASHADII 2007 KII. waxa uu sidoo kale sheegay in ay u gudbin doonaan maxkamada sare ee dalka si loo eego khaladaadkii dhacay intii lagu gudo jiray tirintii ito cadayntii dooroshooyinka.

TAARIKHDA MADAXWAYANAH CUSUB EE LA DOORTA MR UHURU KALA SOCO CAYNABANEWS WARAR KEENA DAMBE IYADA OO DHAMAYSTIRAN.


Hamse Daroor Ali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured