MUDANE KA TIRSAN BARLAMAANKA SOMALIYA OO HARGEISA KU SUGAN IYO XUKUUMMADA OO SO DHOWEYN U SAMAYSAY WAA MAXAY SABAABTU?

0
Monday October 28, 2013 - 19:32:51 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUDANE KA TIRSAN BARLAMAANKA SOMALIYA OO HARGEISA KU SUGAN IYO XUKUUMMADA OO SO DHOWEYN U SAMAYSAY WAA MAXAY SABAABTU?

    Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Farxaan Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya ayaa Maanta ka Soo degey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airtport ee Magaalada Hargeysa, Xildhibaanka ayaa waxa Madaarka Ku soo dhaweyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Farxaan Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya ayaa Maanta ka Soo degey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airtport ee Magaalada Hargeysa, Xildhibaanka ayaa waxa Madaarka Ku soo dhaweyey Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Farxaan Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya ayaa Maanta ka Soo degey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airtport ee Magaalada Hargeysa, Xildhibaanka ayaa waxa Madaarka Ku soo dhaweyey Wasiirka Dhalinayrada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo masuuliyiin ka Tirsan Wasarada Ciyaaraha.
Farxaan Xidig ayaa loo soo galbiyey Xarunta Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Isaga oo halkaasi Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ku wareejiyey 400 oo ku badood oo uu sheegay in ugu deeqay dhalinyarada reer Somaliland ee dalka ka Tahriibaysa.

Dhanka Kale Xildhibaan Farxaan Xidig ayaa Sheegay in uu Somaliland u yimid Siddii Hooyadii oo Xanuunsanaysa uu Boorma ugu taggi lahaa, Waxa kale oo Goobtii uu ku hadlayey ku Dafiray in uu Xildhibaan Barlamaanka Somaliya uu yahay, Balse uu yahay Fanaan Somaliyeed oo Taggi kara meel kasta oo Dhul Somaliyeed ah.

Farxaan Xidig ayaa Hore Xilka Xildhibaanimo ee Somaliweyn ku galay Jaggo Xildhibaan oo uu ka geeriyood Xildhibaan isku hayb yihiin kana soo wada jeedan Gobolka Awdal ee Borama.
Ciidanka La’aanta Socdaalka ee Madaarka ayaa isku dayey in ay xidhan Xildhibaan Faraxan Xidig iyaga oo sheegay Madaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan barlaamanka Somaliya, Balse Wasiirka Ciyaaraha ayaa ku qanciyey Ciidanka Socdaalka in aanu Farxaan Xidig aanu ahayn Xildhibaan Balse uu yahay Fanaan, wasarada Ciyaarahan Magan u yahay.
Dhanka Kale Kartoomada Kubaduhu ku jireen ayaa waxa ku qornaa Mucaawimo Somaliya logu talllo galay, iyada oo xildhibaanku ka keenay Magaalada Muqdisho oo u saaka ka soo duulay, waxana la sheegay in magaalada Muqdisho madarkeeda lagu qabtay Xildhibaanka oo loo diiday in uu Somaliland kubadaha uu keeno, basle markii danbe ayaa la sheegay in uu Ogolaansho uu ka helay Wasarada Ciyaraha ee Somaliya loo soo dhiibay Kubadahaasi, waxan taasi cadeynaya in Duulimaadkii diyaaradasi siday Farxan xidig ay dib u dhacday ka dib markii khilaafkasi arrintasi ka dhashay.
Farxaan Xidig ayaa Isla Maantaba u Ambabaxay Magaalada Boorma.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured