“Madaxwaynaha Somalia Wuxuu Yidhi Waar Horta Ninkan Kaambaynka Culus Inagu Haya Ee Ina Samatar Muxuu Boorama Uga Talin Waayey?” Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

0
Tuesday December 31, 2013 - 20:53:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Madaxwaynaha Somalia Wuxuu Yidhi Waar Horta Ninkan Kaambaynka Culus Inagu Haya Ee Ina Samatar Muxuu Boorama Uga Talin Waayey?” Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

    Hargaysa(xogreebnews.com-Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markale ka waramay ma-hadhooyinkii ka soo qabsaday wakhtigii uu magaaladda Muqdisho joogay, kaas oo ka xog-waramay arrimihii calool xumada uu kaga caagay Somalia ku dhaliyey, kaas oo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markale ka waramay ma-hadhooyinkii ka soo qabsaday wakhtigii uu magaaladda Muqdisho joogay, kaas oo ka xog-waramay arrimihii calool xumada uu kaga caagay Somalia ku dhaliyey, kaas oo ka xusay in Hargaysa(xogreebnews.com-Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markale ka waramay ma-hadhooyinkii ka soo qabsaday wakhtigii uu magaaladda Muqdisho joogay, kaas oo ka xog-waramay arrimihii calool xumada uu kaga caagay Somalia ku dhaliyey, kaas oo ka xusay in wakhtigii uu u tartamayey Madaxwaynaha Somalia in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya inuu ku tiraabay hadalo takooraya isaga iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland oo dhan.
Prof. Samater waxa uu sheegay in Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu yidhi maxaa wareeriyey Axmed Ismaaciil Samatar ee uu Boorama u maamuli waayey, kaas oo tilmaamay in hadalkaas ka aradan milgaha masuulnimo aanu xataa ka suurta-galin Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadii uu la shirayo beeshiisa oo aanu marnaba sidaas Sheekh Shariif oo kale u takoori-karin qof reer Somaliland ah.

Axmed Ismaaciil Samater oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee dunida aadka looga yaqaano isla markaana siyaasada Afrika iyo arrimaha caalamiga ah wax laga waydiiyo oo dhawaan uun isagu ka soo noqday mabda’isii hore ee Soomaaliwayn ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee Somaliland iyo Somalia oo uu tibaaxay in reer Somaliland ay dhaxalsiisay horumarka ay ku talaabsadeen.
Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu habeen hore kulan la yeeshay ardayda Jaamacadda Gollis ee magaaladda Hargeysa, kaas oo kulankaasi kaga hadlay arrimo door ah. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Waa run oo walaalkay waan u qirayaa waanay jirtaa oo waxaan arkay dee meel laba beelood uun is eryanayaan, iyada oo ay ku qadeen beelaah Barriga Somaliland dega oo ka mid ah beelaha halkaasi isku hirdiyaya beel ahaan, haddana way ku dulman yihiin halkaasi”.
Prof. Samatar isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaa kale oo jirta inay dhab tahay kala duwanaanshaha uu walaalkay sheegay, waxa jirtay in waqtigii aan doorashada ka qayb gelaayey Somalia uu shir la yeeshay madaxweynihii Soomaaliya dad badan oo dawladda ka mid ahaa, ka dib markii shirkii dhamaadayna uu nin hadlay,waxaanu yidhi waar horta ninkan kambaynka culus inagu haya ee ina Samatar muxu Boorama uga talin waayey, taasi maaha xataa haddii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la shiro reerkiisa mid ka suurtowda, waayo lama odhan ka Somalia waar calankii ayaad hoos fadhidaa ee sidaa ha odhan lagamana qaban”.
xogreebnews.com- Hargaysa-office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured