Madaxweynaha Cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas iyo Taariikh Nololeedka

0
Wednesday January 08, 2014 - 17:40:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas iyo Taariikh Nololeedka

    Garoowe-(xogreebnews.com-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhashay Miyiga Gobolka Mudug sanadkii 1959 ayaa Waxbarashadiisa dugsiga hoose,dhexe iyo sare wuxuu ku dhamaystay degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud sanadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe-(xogreebnews.com-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhashay Miyiga Gobolka Mudug sanadkii 1959 ayaa Waxbarashadiisa dugsiga hoose,dhexe iyo sare wuxuu ku dhamaystay degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1979-kii. Markii uu dhamaystay Waxbarashadiisa dugsi sare wuxuu ku biiray Jaamacadii umadda Soomaliyeed,wuxuuna Shahaadada ka qaatay Kulliyada dhaqaalaha sanadkii 1984-tii.
Dr. Cabdiweli Gaas Madaxweynaha cusub ee Puntland wuxuu ka soo shaqeeyey Wasaarada Maaliyada ee dowladii dhexe ee Soomaaliya oo uu ka gaaray Agaasimaha Waaxda Canshuuraha iyo wax soo saarka.
Sanadkii 1986-dii ayaa dowlada Soomaaliya ay waxbarasho Jaamacadeed ay Dr. Gaas ugu dirtay wadanka Maraykanka,ka dib markii si habsami leh uu u gutay waajibaadkiisa shaqo, wuxuu door wayn ka qaatay hormarinta Wasaaradii Maaliyada ee Soomaaliya.

1988 ayuu Dr. Gaas shahadadiisa Master Degree uu ku qaatay Jaamacada Vanderbilt University oo ku taala wadanka Maraykanka, talabadaasi oo uu ku hormarinayay Waxbarashadiisa Jaamacadeed.
Sanadkii 1989 ayuu dib ugu noqday wadanka Soomaaliya si uu usii wato hawlihisa shaqo,hasa yeeshe burburkii ka hor ayuu mar kale dib ugu noqday wadanka Maraykanka si uu mar kale kor ugu qaado Waxbaarashadiisa Jaamacadeed.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu mar kale dib u bilaabay Waxbarashadiisa Jaamacadeed,wuxuu shahaado kale oo Master ah uu ka qaatay Jaamacada Harvard oo uu ka bartay maamulka dowliga ah sanadku markuu ahaa 1999.
Sidoo kale isla jaamacada Harvard qaybteeda Sharciga ayuu ka qaatay Shahaadaada dhanka Canshuuraha.Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu shahaadada PhD uu ka qaatay Jaamacada George Mason ee dalka Maraykanka.
Ka dib markii uu qaatay shahaadada PHD,wuxuu ka shaqo bilaabay Northern Virginia Community College oo uu ka shaqaynayay muddo dhan labo sano.
Sanadkii 2000 ayuu si rasmi ugu shaqo bilaabay dowlada Maraykanka, wuxuuna la shaqaynaayay Guddoomiyaha Gobolka Virginia oo uu u qaabilsanaa saadaalinta.
Mudane Gaas wuxuu muddo dhan 1-sano uu Guddoomiyaha gobolka Virginia uu kala talinayay nabadgalyada,dhaqaalaha iyo hormarka,shaqadaas oo uu ku mutaystay amaan iyo abaalmarin.
Sanadkii 2003 ayuu Macalin dhaqaalaha dhiga ka noqday Niagara University ee dalka Maraykanka.
Sanadkii 2010 ayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku biiray Xukuumadii uu hogaaminayay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo uu ka noqday Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
Ka dib markii lala dhacay aqoonta iyo hawlkarnimada Dr. Gaas ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif uu u magacaabay Raysal Wasaaraha Soomaaliya bishii Juun sanadkii 2011.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Gaas wuxuu horseed u ahaa halyeeyadii dhamaystiray Barnaamijkii Soomaaliya looga saaray KMG-nimada ee loo yaqaanay Roadmap
Maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 8.1.2014 ayuu nasiib u yeeshay in loo doorto Madaxweynaha Puntland hogaamin doona shanta sano ee soo socota
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured