WERIYAASHI MAANTA XUKUNKU KU DHACAY OO MAHADNAQ UU DIRAY WAAX-DA GARSOORKA DALKA OO AY SHEEGEN IN AY CADAALAD KALA KULMEEN.

0
Tuesday February 18, 2014 - 19:16:39 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WERIYAASHI MAANTA XUKUNKU KU DHACAY OO MAHADNAQ UU DIRAY WAAX-DA GARSOORKA DALKA OO AY SHEEGEN IN AY CADAALAD KALA KULMEEN.

    Hargeisa(xogreebnews.com-maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta xukun ku riday sadex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.Ka dib markii uu xukunkaasi dhacay ayaa saxafiyiintani waxay ka hadleen xukunka ku dhacay iyaga oo ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta xukun ku riday sadex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.Ka dib markii uu xukunkaasi dhacay ayaa saxafiyiintani waxay ka hadleen xukunka ku dhacay iyaga oo mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay sheegeen inuu si cadaalad ah ka yeelay dacwadaasi. Hargeisa(xogreebnews.com-maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta xukun ku riday sadex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.Ka dib markii uu xukunkaasi dhacay ayaa saxafiyiintani waxay ka hadleen xukunka ku dhacay iyaga oo mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay sheegeen inuu si cadaalad ah ka yeelay dacwadaasi.
Ugu horayn Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka dib markii uu xukunku ku dhacay ka hadlay sida uu u arko xukunkaas ayaa mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii dacwadooda gacanta ku hayey waxaanu baaq u diray madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “Maanta waxa noo soo dhamaatay dacwadii in mudo ah naloo haystay ee ahayd inaanu samaynay mudaharaad,mudo ayaanu soo noq noqonaynay oo dacwadayadu socotay, waxaanan u mahad naqaynaa garsoorihii gacanta ku hayey dacwadayada oo aanu ka tirsanayo cadaalad, anaga iyo xukuumaduna cadaawad ma nihin laakiin waxa jira rag isku dira xukuumada iyo saxaafadu waxaanan madaxweynaha ka codsanaynaa inuu ragaas meesha ka saaro si ay u soo noqoto saaxiibt”Sidoo kale Xasan Maal Dhidar oo ah eedaysanaha lagu waayey wax danbi ah ee aanu xukunku ku dhicin ayaa isaguna sheegay inuu u mahad celinayo garsooraha maxkamada gobolka Maroodi Jeex oo uu sheegay inuu ka tirsanayo inuu si cadaalad ah u qaaday dacwadooda, waxa kale oo uu u mahad celiyey wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka oo uu sheegay inay damiinkooda ku joogeen debada jeelka waxaanu yidhi “ Anigu waxaan ahay eedaysanaha labaad ee xoriyadiisa loo celiyey xukunkan maanta dhacay, waxaanan u mahad celinaya dhamaanba warbaahinta madaxa ee intii aanu xidhnayn noo halgamaysay, waxa kale oo aan u mahad celinayaa garsoorihii cadaalada noo qaaday ee sidii uu sharcigi ahaa naga yeelay, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha xuquuqal iinsaanka oo aanu magacooda ku joognay mudadii ay socotay dacwadani oo aanu debada joognay.”Sidoo kale labada saxafi ee Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa mahad celin u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay sheegeen inay ka tirsanayaan cadaalad.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured