Maayarka Degmada Salaxley Oo ka Hadlay Dagaal Ka Dhashay Dhul Ay Dowlada Hoose Ee Degmadu Maamusho

0
Thursday March 27, 2014 - 08:03:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Degmada Salaxley Oo ka Hadlay Dagaal Ka Dhashay Dhul Ay Dowlada Hoose Ee Degmadu Maamusho

    Hargeysa(xogreebnews.com-Degaanka Qalax ee Koonfurta Hargeysa ayaa ay shaqaaqo ku dhex maray Golaha degaanka Hargeysa iyo Golaha degaanka Degmada Sallaxley sida uu sheegay Maayarka Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine). Waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Degaanka Qalax ee Koonfurta Hargeysa ayaa ay shaqaaqo ku dhex maray Golaha degaanka Hargeysa iyo Golaha degaanka Degmada Sallaxley sida uu sheegay Maayarka Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine). Waxaana
Hargeysa(xogreebnews.com-Degaanka Qalax ee Koonfurta Hargeysa ayaa ay shaqaaqo ku dhex maray Golaha degaanka Hargeysa iyo Golaha degaanka Degmada Sallaxley sida uu sheegay Maayarka Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine).
Waxaana lasoo sheegayaa in ilaa 6 Ruux oo qaarkood Xildhibaano yihiin ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadan oo maalintii shalay ee Salaasaddii dhacday. Isku dhacan ayaa ka dambeeyay Dhul Degaanka Qalax ku yaala oo Dawladda hoose ee Hargeysa qorshaynaysay, kaasi oo Dawladda hoose ee Sallaxley diiday. Maayarka Sallaxley ayaa sheegay in Degaanka Qalax uu hoos tago Sallaxley islamarkaana ay dhul boob wadaan Golaha degaanka Hargeysa. Waxa uu sheegay in markii ay ka war heleen in Golaha degaanka Hargeysa Qorshaynayo Dhulkaasi ay Xubno ka socda Golaha degaanka Sallaxley Goobta yimaadeen halkaana uu ka dhacay ismaandhaaf dhaliyey in la israsaaseeyo.
“ walaal tobankii iyo badhkii(10:30AM) subax-nimo ayaa waxaa Degaanka tirsan qalax soo gaadhay Xubno Golaha degaanka Hargeysa ah ,waxaana uu falkani dhaawacyada iyo khasaaraha kale keenay salka ku hayaa Dhul ay Dawladda hoose ee degmada Salaxlley maamusho ayay doonayaan inay maamulka dawladda hoose ee Hargeysa Qorsheeyaan taasi ayuu ka dhashay khasaarahan dhaawaca keenay “ ayuu yidhi Duqa Sallaxley.
Duqa Sallaxley oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Golaha degaanka Hargeysa uu hogaaminayay Maayar xigeenka Cabdicasiis Cagawayne islamarkaana ay wehelinayeen Dad gaadhaya Boqol qof oo u badan Shaqaalaha Dawladda hoose iyo Cagaf-yada dhulka lagu qorshanayay.
“Waxaa horkacayay Maayar ku xigeenka golaha degaanka Hargeysa cabdi casiis caga-wayne, oo wata Xildhibaano golaha degaanka Hargeysa ah iyo ku dhawaad boqol qof oo shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa ah iyo Dad Shicib ah oo la soo abaabaulay.” Ayuu yidhi Mr Shiine.
Maayarka Sallaxley oo ka hadlaya Khasaaraha ka dhashay isku dhacaasi waxa uu yidhi ““Xildhibaan Maxamuud Bedel Guuleed oo ka mid ah Xildhibaanada sallaxley ayaa ugu dhaawac Culus, waxaana Xabada dhaawacday oo Wejig kaga dhacday gacantiisa ku riday Gudoomiyaha degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa Mawliid Qaro. waxa kale oo Mawliid Qaro taayarka ka toogtay Baabuur Degmada Sallaxley leedahay oo Toyota ah. waxa kale oo isla goobta dhaawacyo fududi ka soo gaadheen ilaa 6 qof oo qaarkood xildhibaano yihiin, qaarna dadkii Degmada Sallaxley u dhashay.”
Duqa Sallaxley Waxa uu ku Eedeeyay Golaha degaanka Hargeysa inay dhul boob ku sameeyeen Degmada Sallaxley, waxaanu yidhi “Weerarkaani waxa uu ahaa mid Dhul boob ah waxaanay wateen Cagaf nooca Sheewalta ah. waxaa ka dhashay isku dhac sababay khasaare dhaawac oo iskugu jira qaar culus iyo kuwo fudud iyo dhisme dawladda hoose ee Sallaxley leedahay oo la burburiyay gebi ahaantii, kaasi oo Cashuuraha loo isticmaali jiray.”
Ugu dambeyntii waxa uu Maayarka Sallaxley Hay’addaha ay khusayso ee Xukumadda ugu baaqay inay wax ka qabtaan falkaasi.“Falkani waxa uu ahaa mid aad u xun, ilaa haddana ma jirto cid wax talaabo ah ka qaaday ama wax ka qabatay. markaa waxa aanu ugu baaqaynaa Wasiirka arimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidanka Booliska inay falkaasi si deg-deg ah wax uga qabtaan, waayo haddii ay sii socdaan falalka noocan ah waxa ay sababi karaan khasaare kan hadda ka balaadhan. Xuduudaha Goboladda iyo degmooyinku sida la Og-yahay waxay ku salaysan yihiin Xadkii loo kala dhigay sanaaduuqdii doorashadooyinka iyo distoorka, waxaanay taasi cadaynaysaa in xuduudo aanu leenahay “.
Arintan ayaa noqonaysa markii u horaysay ee Golayaasha degaanku isku maandhaafaan Xuduudaha, iyadoo dhawaan Maamulka Dhulka ay isku maandhaafeen Goleyaasha degaanka iyo Wasaaradda Hawlaha Guud. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaan ilaa hadda falkani ka hadal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured